Tuesday 23 August 2011

Tix gabay ah oo la magac baxday TALO

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Tix gabay ah oo la baxday TALO. Talo waa tix su guud uga hadlaysa, Nincada alla ina siiyay, iyo sida aynu ugu faanfaanno ee aynaan u dareemin in ay jiraan dad waxa badani ka dhiman yihiin.

Adduunka waxa is garab yaal samo iyo xumo, Dhereg iyo gaajo, Cudur iyo caafimaad, Samo iyo xumo, Dhib iyo dheef, Waxa aad arkaysaa laba walaalo ah oo midna Allaha awoodda lihi ubad ugu deeqay, kii kalena aanu wax ubada hayn. Adduunku iskuma dheelli tirra, inteena wax ka haysaa inteena aan ka hayn ama ay ka dhantaalan tahay inaynu ku digano waxa ka wanagsan inaan u samirsiinno. Isku naxariisanno isna gacan qabanno. Si allaha awoodda lihi inoogu naxariisto waxa aan idhi TALO ila akhriya ila dhagaysta.

Muddo dheer tafiirtii murtida kumaba taamayne
Kuma tudhanin maansooyinkii aad tirsanayseene
Turqinteeda waataan ka tagay iyo tiraabtiiye
Haddan gabay tis qaad lagu alkumin tiirna lagu joojin
Oo aan tix miisaaman iyo tooxba lagu giijin
Ama aan hadalku taariikhda galin wayska turufaade
Waxaan tayda uga aamuseen toojo uga yeelay
Markuu midha yarii wada tirshee la isku tuurtuuray
Aanse kuu tusmeeyee murtidu toyasho weeyaane
Bal aan tuujo maankee ka guro tibixda aan deexo

Wax badan baanan teebkeeda qorin oo i tabayseene
Qalbigayga waxan taabtay ee aan ka tagi waayay
Bulshadaan turxaantiyo u nacay taagdarriyo liide
Tuhunbaan arkaa aan is idhi yaanu tagin doore
Taladaydu waa guud qof qudha taabo ma lahayne
Bal tusaale aan soo dhigee togo wanaaggeeda

Inkastood tilmaamaha murtida qorayso taariikhda
Inkastood tusaalaha cilmiga tiriso suugaanta
Inkastood ku tiigaasho ood Tahan wax gaynayso
Waa tacab qasaar xaajadaan kaydka loo tebinne
Maahmaah tis qaaddiyo hadaan sheeko laga tooyan
Ama aan tiraabtii kastaba weedha lagu toosin
Tayo ma laha maansadu hadaan qodob ku taagnayne
Iska tororog lee meel cidla ah baad ku tumaysaaye

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Tabaalaha adduun waa wareeg tan iyo haabiile
Dhibtu waxay ku tarantaa markaan laga tanaadayn e
Haddii aad tawiday oo nasiib kuugu jiro taada
Tummaatidu markay duulal kale taabato ey gaadho
Ha u tirin inaad tahay mid aan turun-turroonayne
Isu tudho afkana taako saar erey ha soo tuurin
Ha tilmaamin ceeb kaa tan roon taaha ha u fiirsan
Nabsigu waa mid tiigsada xaqee yuu ku tabin waayo

Toban iyo hadaad laba habeen taagni ugu joogto
Tacab iyo haddii aad wax qabad muruqa taagayso
Haddaad noodhka soo toomisood taabtay nolosheeda
Timmirtaba dadbaan helin adduun wuu is tabayaaye
Gacan inaad u togatiyo lagaray taano ugu deeqe
Tacaddiga waxaa kaaga wacan dhawr taloo kale e
Bal u tudho naftaadoo ha falin tu aanad yeesheenba

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Hungurigii taraaraa marbuu tahar ku siiyaaye
Talaxiyo marbuu kugu rifaa taa'uf iyo liid e
Wuxuu kugu tikraaraa jirido jinaci Taallaaye
Gobanimo adoo taawinkara sharafi tuullaatay
Iimmaanka lays kama tiree qaado marin teedsan
Wanaagana ha turufayn samaa lagu tis qaadaaye

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Cirka oo intuu xays tirsaday uu todoba hooray
Oo xareedu tooraha jartooy harada taameeshay
Oo tigaada iyo maadha iyo teel u baxay dooggu
Barwaaqada ilaah kuu tumee teedsan dhinacaaga
Dad abaartu wali ay taftaaf ugu tanaadayso
Oon daruurtu toodaba dul marin dhibicna aan tooyan
Ayaa dunida tuulane u tudho hadalka taagtaagan

Tarantiyo caruurtuu rabigu adiga toomshay
Ee iskuulka kuu tagaya ee teebka baranaaya
Qaar diinta soo taransadeen ama se tawxiidka
Til-til maamiddoodiyo ku faan tiiqsi hadalkaaga
Dar tagoogba aan laga ag dayin timaha qaar feedha
Taqwadluhuna ubad siinnin baa tuban hareeraaye
Ereygaaga tudho aakhiraa laysla tagayaaye

Tamartiyo haddaad xoogga iyo muruqa tuurayso
Haddii aad is tuhun caafimaad tiigsi soconayso
Toxodh-toxodha orodkaa xun iyo timahan sii jiifa
Kibir lama tisqaadshee dantaa lala tacaalaaye
Dar ay qaaxo feedha tagtoo tiibi lagu sheegay
Aan tallaabsan Karin baa jiree aayar tebi weedha

Rabbibaa wax taban taabiyee tuugso magaciisa
Tilmaan saxa allaa garanayee saaro taladaada
Toobaddana ilaahay u celi Taadi may imane
Taagyare wax sii aakhiray baanka kuu tagiye
Tusbaxana ha dhigin waa inaad faralka taagtaaye
Takbiirtana adkee yaan laqwigu taymka kaa ridine..(Time)
Tawfiiq dabeecada lahaw oo tolnimo yeelo

No comments: