Sunday 30 March 2008

sidee wax u jiraan gacaliyoow

Gabaygani wuxuu jawaab u yahay tix uu Ibraahin Axmed Yuusuf "Hawd" kaga jawaabay tix hore oo Faysal Aw Cabdi uu kaga hadlaayay wuxuu kala kulmay akhriskii sheekada "Aanadii Negeeye".
Salaan sharaf leh, suugaan murti leh, hadallo saanwayn leh
Soojireen warkiisoo naxwaha, subag dareeraayo
Sidriga iyo laabtaa wanaag sida muquuneede
Saaxiib ladhkaad kicisay baan seexashada diiday
Waxay saaqay hadalkaagiyoo waan salsalayaaye
Salaamaade waadigan galkiyo seefti kala saaray
Salamaade waadigan warmihi soofihii mariyay
Salamaade waadigan mindidi suulcad alabaystay
Waxku saaqay moogiye dagaal soodh adaw tumay e
Sidee wax u jiraan gacaliyoow suurtay nabadiiye?
Nin suldaana waa lagu ogaa saamax fidintiise
Ma sokeeyahaa kugu qaldamay oo samaha diidaaya?
Ma sikhriiaan wareeraa ku helay oo afxumo saydhay?
Mise sagagar khayr laawe oon soocna garanaynin
Oo silic xumaaniyo qabiil sahayti moodaaya
Oo suugaanta ceebteeda uun kala sifaynaaya
Oon salaadda Eebiyo waqtiga sixi aqoonaynin
Oon sinaba kuu gaadhi karin raganimooy saaka
Doqonnimo mid suuroo hurdada sarakaracoo duura
Oo socosho waliya ku jira oo saqdhexe guura
Oo saacaddii lala hadloba sare u buuqaaya
Garna kula saxaynoo caqliga seexday araggiisu
Iyo soo cabboo liitiyoo soocna garanaynin
Oo aan in silsilad loo tirshiyo sadar dawaynaynin
Iyo saxara quutaha dadkii wada saraayeeyey
Oo qaba salaaf oo waqii libin saluugaaaya
Yaa soomaalida ka buuxe dulqaad sinaba haw dhafin
Murtidaada kaan sixi karayn siiqba haw tirinin
Sarbeebtaada kii dhaafay ee seegay dulucdeeda
Ama suluf ka caydheed ka galay sayladdii gabayga
Oo tixo saleeliya watoo tahar sariigaaya
Sansaankii codayntiyo nimaan laxan ka saafaynin
Sidrigana ka jecel inuu murtida saanad ku lahaado
Saamacaygu diid soor inaad subax wadaag taane
Hawdoow ninaam ku sad burin sooryo haw fidinin
Haddiise aan digniintii soline uu saaka kula doodo
Inuu sumaca hore leefayaa wa si la hubaaye
Markay seeftu jidhuu baryada sacab ka kuu hoorsho
Yuu ku saxanin waatuu rabay e jeedal ugu suubi
Ku salcaami geerida ilaa sarartu dhiigroorto
Sanku neefta jeeruu gaboo hadalku sawd gooyo
Haka siibin leebkee wadnaha saani uga toogo
Danba wuu uu suudali aakhiraan samo u yeeleeyne

markaan akhriyay buuga aanadii nageeye

bariido san salaan waafiyiyo gacan ku sooryaysa
sidriga iyo laabtaa ku yidhi naga gudoon saaka
adiguna sad kii gobi lahayd qaado sacab keeda
isa sudha halkeedii murtidu saamax yay galine
aan sifeeyo sheekada halkaan ugu sidkaynaayo
sadardii ku yaaliyo markan buuggi kala saaray
nageeyiyo safkiisii markaan wada sikhraan siiyay
Amran inay sidaa tahay runtii saani loo garaye
sabigay dhashiyo maalin taan sixir walaaleeyey
markaan Layla suuqaw diree Deeqa sare joojay
markaan Idilla saamiga funkiyo golaha soo joojay
markuu rooble qiirada sunta ah Yurub ku seeteeyey
dacartii siyaasiga markuu Raage kala saafay
sifihii ka soo baxay haddaan heedhe kala saaro
horta buugga sumaddiisa magaca guud saaran
macnahay siddaa kuugu filan faham sarbeebeede
sida lo dejiyo sheekadaa socod wanaaggeeda
surin kay maraysiyo markaad sabada sii raacdo
sarkaal iyo markaad geeljiriyo xerow ba sii dhaafto
samaydii warmaha iyo markaad mudacyo soofayso
sabo lagu nagaan jiray markaad belo ku sii saaqdo
markaad silisyo soo furato eed suudhadh ka xabbaadho
sawirkeeda maantaa haddaan yara sifaaleeyo
inaan anigu sara joogay oon sama baxaw reebmay
iyo inaan sir iyo caad ku helay sheeko soconaysa
iyo inaan sifaha awliyiyo saalaxyada sheegto
si ay tahay Allaa oge naxwuhu saani ii damaqye
bal aan kala sifeeyee murtida saanu ugu fiirso
sergadii ku dhacay maalintii Raage lala siibtay
iyo sabab tii loo xidhay is may saarmi karahayne
sabciin kii bilood uu ku jiray jeelka sagaxiisa
iyo sabigan xumihii la baday qalin ma sooreene
sheekada nin sida ay tihiyio hadalka sii raaca
iyo kii xilliga siiyay bay dulucdu saaqdaaye
alaylehe sax baa loo qoroo daabac lagu soorye
xigmad aan salkeedu ba dhowayn lagu sar goo buuggan
sarbeebaab aan ciyaar lagu furayn sambabka loo tuuji
macnayaal sifaalah ku jira madaxu kaa seexdo
iyo hadal sargooyntiisa wacan lagu sulaaq maayo
saddex gabay hadii aan tirshoon arar sifaaleeyo
siduu yahay ma wada sheegi karo nuxur sansaankiise
waa buug jacayl kuu sidiyo damaq xasuus tiise

Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Salaaam u calaykum

"Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola"
waxaana la ogaadaa marka talo ku seegto khasaaraheeda ka dib.

waxaan idhi

Marka hore salaan diiran
aan u huray safkiinoo dhan
dhalin yaro in tii suuban
gacan qaad ku wada seebay
wa calaykum saaceeda
saamigeeda iga hooya
*****
Sixin hadal haduu yeesho
inta saxa hadaad raacdo
ama sugato weedhiisa
warka kala sabaan dhayso
runtu yay si kaa noqonin
surma seegto haw yeelin
liqdintana ha siibsiibto
yaanu muran ka soo jeedsan
shakigana si uga leexi
marka ay su'aal joogto
nin ka bixiya siiqeeda
ee fura salaankeeda
ama hela silsiladdeeda
shan markhaati soo jooja
u ahaw safiirkeeda
*****
Garashadu sad weeyaane
rabi bayna wada siiyay
qof kastana in baw sooca
dadku uma sinnaadaane
haddaad tahay mid sare jooga
samo inaad ku doondoonto
sabool kana ku gacan siiso
kii liita soo kiciso
inta saadambee sheelan
inaad sama falaw heedhe
u ahaato sahankooda
inta saaka kula joogta
inaad siiso talo fiican
u samayso marin toosan
ka sifayso xumohoo dhan
samir iyo dulqaad yeesha
qalad kana sax ugu doorsha
u ahaw suldaankooda
****
Waxa lagu sugnadaa
lagu kala sareeyaaa
darajona ku siinaysa
adigoo aqoon suuban
saynis yahan bidaaraystay
cilmi saabka uga buuxo
xiddigaha nin suureeya
samada iyo wixii kaa fog
iyo ciida sabadeeda
sanco kuu odorasaaya
sir qarsoonna kuu sheega
qalinkana sifaaleeya
iyo macallin soo joogay
ardaydana sax ugu sheega
oo sabuuradaw buuxsha
cashar wada sarbeebaysan
samo ugu macnaynaaya
u ahaw sitaacooda.