Tuesday 13 September 2011

TACADDI

Asalaamu Calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu

Salaanta islaamka ka dib Waxaan halka ku soo gudbinayaa Tix gabay ah oo cusub Lana magac baxday TACADDI, Tixdani waxay daba socotaa, aragtidana la wadaagtaa Tix uu tiriyay Qorane Wacays Gabay Xoog oo ayaamo yar ka hor Shaashadaha ka muuqatay. Run ahaan tixdaasi waxa uu abwaanku ku taabtay qodob aad u muhiim ah.




Waxa dhowaanahan soo kordhay Abwaan sheegasho iyo suugaan aan tayo lahayn. waxa badatay is dhexyaacii waxaana meesha ka baxay Haybaddii uu abwaanku lahaan jiray.




Anigu tixdan waxaan ku tilmaaya in yar oo ka mida meelaha ay ceebtu ka timi, waxaanan leeyahay Gabaygani kuma socdo ama dhaliil uma aha cid kasta oo gabay toosan oo wanaagsan tirisa ee waa inta Iska jeclaatay inay Gabyaanse aan waxba hayn.




Tacaddi waxa ay soo baxday Maanta oo Taariikhdu tahay, 12/09/2011 Waxaanay ku billaabmaysaa sidan akhris wacan..






Indhowayd tilmaan gabay ma odhan kumana taamayn e
Ma toostoosin maansooyinkii kumana taagnayn e
Kolba anoo ka tagay bay dad kale turun turreeyaane
Tacaddiga markaasaan nacaa loola tagayaaye
Tiraabtiyo markaasaan marshaa tix iyo miisaan e.


Tiyaatarka iyo haddii aanad iman goobta laga teedsho
Ammaan shicibku taladaada maqal waa bar kuma taalle
Tiixuba dhulkuu helo ma duro meel tamuux badane
Taabashona gunaad laguma dhayo milil ku taagnaaye
Tiraabtuna sideedaba bulshada way ku tarantaaye



Qoranoow tixdaadiyo murtidi saaka ii timiye
Timaha iyo xaadday mar qudha taabatoo kacay e
Taf wareen Halbawlaha ayay taw dhex tidhi doore
Dad ma wada tusmaystee anigu galiyay taariikh e
Anigana i toyo oo i maqal tuduca aan reemo

Tixda gabay ragbaa tiring ogaa tan iyo haabiile
Taariikhda nimankii galee taajka lagu saaray
Nimankii tilmaantiyo lahaa talada miisaaman
Tubta geedka nimankii murtida taxayay goorteeda
Nimankii golaa tay rabaan dhigayay taallooyin
Dagaal laysku tiigsaday raggii tooda marinaayay
Tolka nimanki guulguuli jiray goor la kala taahay
Turxaantiyo raggii cudur ka iyo tirayay hiinraagga
Tacliintiyo raggii qori ogaa teebka arartooda
Aakhira raggii tagay rabbigu haw tamilo guulle





Rag halkuu ka tooreeyay buu liiti tubanyay e
Tuhunkaba waxaw daran dar aan tanaadaa garan e

Tabaq dhoonka maansada ku dhacay la isla tiigaalay

Nin waliba takaariga marsaday say la tahay tiisa

Sida loo taxoobsaday murtida Taajir waw magane

Xishoodkii dad wada tuuray oo timaha soo xiirtay
Haddaan sacabka loo sii tumayn kumaba taameene
Tollaahaan ku dhaartaye abwaan’ taana lala yaab

Halabuur rag tuhunkeedu galay oon tif garanaynin
Oo tookh abwaanimo sita shaadhna loo tolay
Oo tumaya hawraarta oo tiifay magaceeda
Afsoomaaligooduna takhlamay tuurna kala leeyay



Tiifiiga qaarbaa la yimi shuux tog soo rogay
Haddii aan tikraar iyo hangool tooda lagu sheegin
Ama qodob takhlaayiyo lahayn taandho lagu joojo
Ama aan dawlad tabantaabisoo talisa loo haynin
Ama aan shicibku tii leexatiyo toyanin kii wayda
Darra ay tahniyadayna yaan gacanna loo taagay



Abwaanimo kuwaa toogtay ee taagay giriyaadka
Inta ay wax soo tabaq dhabeen la isku toostoosshay
Ku tilmaamay waa gabay ayaan cidi hor taagnayne
Tollaayeeydu waa ciil markuu taahay gabaygiiye
Tamar yari miyaa lagu hubsaday taranki suugaanta?




Wa billaahi tawfiiq