Wednesday 3 September 2008

Giiryaale

Tixdan gaaban waxaa igu dhaliyay ka dib markii aan ku guulaystay in la helo gole abwaanka soomaliland ku kulmaan oo dood iswaydaarsiga iyo suugaan wadaagga ay kuyeshan waxaan ku halqabsaday nin la yidhaa ismaaciil maxamed cali oo jooga finland kana mida abwaanada golaha ku bahawday

Giiryaale Wuxuu soo baxay 29/08/2008 Jimce faysal awcabdi cambalaash


in dhawayd ga'alaydii murtida gaaxday oo dhigaye
ma gardaadin maan sooyinkii guule ii diraye
ismaaciil aday garanayee gunud odhaah dayda
oo gacan i sii waxaan rabaa guul inaan helo e
geyigaan is leeyahay walaal waajib kiis gudo e
hadaan godol ka maan soolihiyo gabay la soo tuujin
ama aan guntiga dhiisha iyo gaadhka la adkaynin
go'doon bay ku dhacayaan dalkiyo gabi ahaan beeshu
waxaan gole u xayn daabay een geesi ugu yeedhay
ama aan abwaanada gadhka leh gacal u soo mooday
inay ila gartaan talada ooy guusha dhaliyaane
waxa lagu gabood falay hiddihii nagu gadaanaa ye
waxa geesta laga dhaafay ee la iska gawdhiidhay
galladii rasuulkiyo xaqiyo guule amarkiiye
gadaal bay dhigeen diintiyoo gooye xadhigiiye
gaaladu waxay soo qortay maanka galiyeene
gaajada dal keeniyo baryadu waa is garan waaye
geedaheeni way waday jareen waanay gubayaane
egalaan biyo ah lagama helo godan hargaysaade
gidigii dalkaba waa harraad taan u go'aynaaye
gucla orod biyay goobayaan goor iyo ayaane
gurgurshaha la dhaanshiyo sidii awrta lagu guuro
gabdhihii dhabadahaa ayay ganac ku beelene
gurboob kiyo caruurti bakhtiye gaajo waa cudure
madax dii gayi-gan loo igmaan taloba goynayne
iyagays gadaayee sikale ugama gaab sheene
iyagaan gargaar gaysanine maynu gadaneene
ummadaba galiilyaa heshoo goosme badidoode
waxa gabay abwaan koodiyoon niqin gartoodiye
gurmad lagama helin gaariyiyo geesiyaal kale e
ganay iyo hadraawan mar qudha kaba galiilyoone
banfas baan gediisii u tirin arar leh giiryiiye
muuse aaye muu kaga gig siin gabayadiisiiye
cabdi qaysna uma goyn murtida garan gar teediiye
yuusuf shaacir galladdii abwaan gool kumuu dhaline
cali seenyo waa kaa gabee gooyaya hadalkiiye
qolqol baan gediisii xigmado gabax ka soosiine
cabdi kama gabado meel hadduu gaad is leeyahay e
wax se gaadhay mooye beryahan waa gabaabsiyay e
u gad baxa geyigii wuxuu rabaa gacal u hiishaa ye

afar taa gaddii faarax nuur gololo maw sheegay
ma gardaadshay bayd gaabku wuu kaa guracaayaaye
guntin taan u xidhay geed lab kiyo ararta gaw deeda
intaan gabayga sigib tiisa tiray gocasho maw diidday
gabay kalena waataa waxbadan godolak waydeen e
garta gacala yaaloow murtida waw god deyayaaye

gaashaan qaadki jaad buu gamtiyo gaw da ku hayaaye
waa niman naftoodii guboon gacalna xaalayne
waa niman geyiga iibin laa qaad ku gadan laaye
gabalkii dhacaba waa ragaa daaqa geedaha e
hadday garasho leeyiin xaqay garan lahaayeene
hadba waxay u guuraan halkii gawsku uu dayo e
gabdhi hii tahriib bay galeen geeri beegsade e
waxa lagu gumaadaa jidkiyo gole cadaaweede
nimaan gayin ayuun baa goshiyo gooya dulucoode
guryo nololi taaalbay intaa socd ku goobaane
hayeeshee waxay nala galbaday waa gunimo wayne
guurtidiyo duqay dii xilkii waa kuwii gaday e
galin waxaan tareen bay dadnimo goor xun siisteene
hadba goosan baa lala faqaa gacan la siistaaye
gadaal iyo horaa loo wadaa labada geesoode
gardarada ayay raacsan yiin gooysa dhuuniga e
nabaddii gaf baa lagaga dhigay iyo kiis la gelayaaye
hadduu ruux is giijoo xumaha kaba galiil yoodo
qarankuu gambiyayaa ayaa lagu ganaaxaaye
god madaw ayaa lagu ridaa lagu garaacaaye
gangaan kii siyaad kama duwana geeshka taliyaaye
u ged baxa geyigii wuxuu rabaa gacal u hiishaaye