Wednesday 27 August 2008

Qadoodi

Tixdan oo aan ka tiriyaya qaarka mida dhibaatooinka qaadku ku hayo umada waxay soo baxday 22/08/2008 waan qayb ka mida silsiladii wacyi galinta ee qaadka waxa magaceeda la yidhaa

"Qadoodi'

beryahaaba qaaflayda gabay soo qor ma lahayn e
ka qamaaday sugaan markay qaad ku tiriyeene
qurux deedi waa tii mar hore qaydka loo ridaye
quwad na malaha xaajadu haddaan loo qotomin tiire
Qarfo dhagaxa qawraarin iyo qar iyo buur dheerba
meel qodax leh kayn iyo qol iyo qaarad laga guuray
halka qoriga lala joogo iyo dirirta qoor teeda
cadceed qaawan qorax doo barqada nuurka kugu qaaday
qumuc yada hubkaa qayliyiyo qaraxa baaruudda
qoton gabay leh qaafiyad hadaan arar ku qoor diido
ama aan qorshaa lagu dejaa qun ugu luuqeeyo
iga qabo cismaanow tix baan soo qadimayaaye
qarash lumay qasaaraha dhiciyo qado la'aan teena
qorsha xumada qaan raadintiyo wada qayuur naanta
is qaad qaadka kibir kiyo qabkiyo been qulqulin teena
inta qaadku noo gaystay iyo qoomamada buuxda
qolo qolo is diid kiyo xumaha qaranka loo gaystay
qabiil sheegad sii kala qalqalid qurub ku faan keena
waxaan nahay dad iimaan ka qaad qaybi ay tahay e
waxaan nahay quruun aan fikirin oo qalbiga wayday
xoolaha ba xadhig baa qabtoo qoorta loo sudhiye
waxaan nahay quruun aan sharciga qaadan waligood e
hadii aan qumbulad jaada iyo qarashba loo gaynin
qareenkoodu duulbaynu nahay aanu hawl qabane
xafiis yada waxaa laga qaxaa goor aan loo qorine
qalad iyo haduu ruux dhib iyo qadaf ba kuu gaysto
adigoo qasaariyo afxumo lagu qataysiiyay
kiina qaadka bixiyaa gartii loo qudhqudhiyaaye
qol garaabo taaliyo intaan qaad sun lagu beeray
iyo qudhun sigaar iyo xashiish qiiqa la shidanayno
qiimihii hadaan tuuray oo qaadnay sharaftiiba
inta qaadku gaystaan badhkeed soo qadimayaaye
qurux diyo dadnimadii mar hore yaa la quudhsay e
hadii guur qalbiga kuu galood reer qorshaynayso
amma aad qalqaallada aroos hawlo qabanayso
haddii aad qalbigu tuu calmaday ee caashaq kula qaadday
quruxbadan hablaha qiima dheeer cidina quudhaynin
qormo laysku jecel yahay haddii qodinka loo taago
qosol farax leh madashii haddii heeso laga qaado
hadaan qadada jaadlagu darayn qiiqna lagu biirin
hadaan quudka geeduhu ku jirin meeshu waa qaliyo yoolyool e
intuu qaadku noo gaystay iyo qoonta nagu taalla
bal aan qaar ka mida soo ban dhigo oon qiiro kugu beero
intuu dhimir ka qaad siiyay ee quusashada joogta
qaaxo iyo kuwaa cudur qarsoon hoos u qufacaaya
qoys iyo intuu reer tiree meella qaban wayday
qool iyo intuu dabin gashee xadhig ku qoolaban
iyo qaadku tii uu na baday waan qarsanaynaaye
bal aan qaar ka mida soo ban dhigo qoonta nagu taalla
haddii aad kun soo qabatid oo qaadir kuu dhiibo
qado iyo adoon shaah midnaba calaf u qoondaynin
qaad baad ku soo iibsataa waad is qarisaaye
qadoodaad caruurtii baddaa quus inaad tahay e
marka aad qaniintaad mirqaan qosol bilaw daaye
markaasaad sidii qalin geel qoorta lalisaaye
mijin tii aad soo qaadatoo qori ka sii yaalo
qarafiyo markasaad shaxaad qiima galisaaye
qajilaada ruuxii jaree qubay xishood kiiba
ee aan qadarinayn cidnaba waa qisiyo yaabe
qasab iyo amaah baad rabtaa inaad ku qaadaaye
kuwa qaadka iibsha isqabsad oo garta ha qaadan
qaldanaanta waxa kaaga daran qaanacaad tahay e
qurux wacan haddaad beri lahayd qaayis baad tahay e
qalin iyo hadii aad duruus qaadan jirtay waayo
qaafil baad hadeer gaadhay oo waadigii qubay e
hadii aad qoraa iyo ahayd qaari talinaaya
qayladaad ku jeceshahay murtida lagu qal weeyaaye
nin qayila haddaad tahay xigmadu wayska qurafaade