Friday 6 June 2008

ladh

Tixdan yar ee gaaban waxaan sameeyey 30/05/08 ka dib markaan akhriyay buuga yar ee sheekada ah ee uu qoray C/laahi cawad cige ( LADH) oo aan aad iyo aad uga helay qaabka qoraalkiisa iyo dhumuc da baaxada oo isu kay qabtay iyo sheekada oo macne aad u sareeya leh


dhaxal reebka maansada haddaan yara dhawaaq taabto
haddaan dhibicda suugaanta iyo dhoolka gabay taabto
bal aan dhuuxa sheekada yar galo oon dhigdhigo dooda
taariikh dhigaal iyo dhagaal qalinka loo dhuubay
iska dhaaf midaan gayin haddii buuga lagu dheehay
hadday dhimasho joogtiyo haddii dhiig u qubanaayo
Cabdillaahi wuxuu soo dhex dhigay hawlihii dhacay e
dhinacuu kayara muujiyoo dheehda ina leeyey
wixii dhacay dhibkaan soo mariyo dheef wixii jirayba
wixii inan dhalaalkeeda sare dhuuxa ka iftiinta
dhurwaagii intuu fiid la dhacay dhimatay ee mootan
inta gabadh dhammays oo wacnayd dheega lagu qaatay
inta uu sarkaal soo dhukusay dhuumashada boobay
ama gaadhi dheereeya iyo dhooli lagu qaaday
ee dhaxal wareegtee kuyuu dhawr nin lagu sooray
buugganay ku wada dheehan tahay dhaar anaa maray e
dhanka kale mirqaankii dhintiyo jaadka dhibihiisa
majaaliista laga soo dhurtuu dhoobana qaadku
dar uu hadalku dhibayaa ku badan waa xaqiiq dhabahe
sharcigoodi qaar uu dhacoon dhinacna eegaynin
oo dhoohan oo wada qayiran oo wada dhawaaqaaya
haween dheefta iibkiisa oo lacagta loo dhiibo
bayacad mushtari dheer haddii dhoofka boobo
is dhiib oday askari dhoohan oo jeelka kugu dhiibsha
iyo dhecaankeeda kii rabay oo dhuunta kalidii
buugganay ku wada dheehan tahay dhaar anaa maray e
ma dhammayn karaayee dhulkay marayso dooddiisu
sixirkiyo dhunkashaa is barkani dhaayahay qoyne
wagar dhinacyadaa loo fidshoo maabab ka dhigaya
oo laydh dhalaalihi ka baxo dheega iyo baasha
oo tilmaanta kuu dhiibayoon dhinacna kuu leexin
buugganay ku wada dheehanatahay dhaar anaa maray e
dhaqtar aan ku daawayn karayn waa dhib iyo hooge
haddii uu dhibsado baadhistii dhiigna waa galabe
oo uu iskaa dhaafsho uu diido dhinacaaga
oo aad dhaqaaq joogsatood dhiirranaan socoto
bal aan dhowro waxaad soo dhahdaan dhaafay hadalkiiye