Thursday 8 September 2011

Aan Janada Gaadhno

Aan janada gaadhno waa tix gabay ah oo soo baxday 08/09/2011 waana tix si mug leh looga fiirsaday farshaxanka iyo dhismaha kollay idinkaa xukumi akhris wanagsan

Jalbeeb gabay baryahan jaallaleey qaydka uma jiidin
Kuma joogsan oo waaban jaray jabaq lihiisiiye
Aan u jeesto oon jiilka furo idinla jaawayso
Jigre qori mafdaca jawleh iyo miino lagu joogo
Jeefaaf naxdina jiidh dabciyo jixinjix aan reebin
Juuqdaydu waa halis haddaan jalaq ka dhawraaye
Aan jareeyo tani waa jacayl jiidhay dhimirkiiye

Kuu jabay Jarbaan kaaga dhacay Jeexyo iyo buuro
Kuu jirrooday jiif kaaga tagay jidhidhicaan qaaday
U jarmaaday jiidhaan u kacay jarinta awgaaye
Libaax jawle aar soo jirdacan goosha jibinaysa
Jilbis halaq abees jiifa iyo jabiso xoogwayn leh
Hariimacadka jeeraaran ee orordka jiireeya
Inta bahalo kaymaha jiqda ah noocba dhinac joogo
Ula jaaray awgaa dartaa jiidhay geedaha e
Jalka iyo jidiinkii Cuntada waan ka joogsaday
Jalbeebta iyo haasaawihii daayay jabaqdiiye
Adaan kuu jucuurrahay walaal waa jacayl dhabahe
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janadda gaadhno

Kuu jibbooday kaa daba jabshoo jiibtu waa ani
Ku jeclaaday waan kuba jantoo jeel anaa qaba
Anoon jimicsan jeedaaladaan jiirta korayaa
Ma jalleeco suuqyada hablaa jalaqsanee buuxa
Jidhkaa wacan dhismaha jaanta go’an joogga quruxdaada
Jogoseey tallaabada jagta ah jookha midabkaaga
Jamaal samida laafyaha hilbaha laysku soo jaray
Jinniyaddaada weeyaan waxaa jiidhay madaxiiye
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Ka jiciirtay jeeskiyo rugtii diiday jagadayda
Is janjeedhshay jeegada malmalay jinac sidiisiiye
Sharci jabiyay jeel laygu tuur jeedal igu hoobay
Xadhigga iyo jucuurkaan u galay jaawo heliddaada
Jidgooyada jikaarkaan mutiyo muranka lay jiiday
Joodari furaash iyo saliba jaalle uma xiiso
Ka jeelmaday hurdada oo dartaa waan jirrabany e
Cirka jawle dhaxan jaynafaan joogay dabadaaye
Jeerin qodax leh jiic iyo maraa geedo jidhifaystay
Jirrid gaaban kurtin ay jareen jabad abaaroobay
Intaan meel cidla ah jiifsadeen adi ku jeedaashay
Jabaq kuma dhameeyee runtaan kuu jarjarayaaye
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Is jujuubka jirrabkaan mutiyo hadawga aan jiidhay
Jaho seegga jiiftaanka baas dayaowga aan joogo
Jugtaan qabo jaraa laygu xidhay qoofal igu jeeban
Jirri iyo canaasiir juglaha kibir i jaajuusay
Jareex iyo dagaalkaan muttiyo jawda igu gaadhay
Kalgacaylka jeexaan u galay daadki igu jiitay
Jilbahaan u dhacay biixidii jeexaday hilibkayga
Dacdarrada i kala jeedisee igu jigraaraatay
Jinaw meedayeeydii waxaan belo u soo joogay
Aduunbaan ku soo jarinayoo kuu jibbaysnahay e
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Cirkoo jawle daad soo jidhfacan jibinta yeedhaysa
Onkod jalawleh hillaacaysku jira dhibica jaawaystay
Calcalyada jidhaamaha gashiyo gabiga ceel jiidhay
Jirddo gooye igu soo fatahay wabiga soo jeexmay
Jacaylkaaga awgii dardhaday oo jirbay helaye
Jooxaadhtan juukaha qaboow jiidda barafoowday
Habro jabista lagu jeelmadee jiidhay odayaasha
Dartaabaan baddaa ugu jiraa jidin caddaad kaase
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno