Thursday 3 July 2008

Deelay

Tix dan gaaban waxaan kaga qayb galay dooddi gabayada ahayd ee deelayda oo aan anna sidii iyo halki ay wax iiga muuqdeen ka soo galay sida anigu aan wax u arkaana waxa weeye maadaama aad adigu tahay qof gabyi kara waxa ku saaran xil bulshadana adiga ayaa gadh wadeen u ah oo ay kaa arin qaataan sidaas darteed waa in had iyo jeer wacyi gali badan lagu daraa gabayada waxaan sameeyeyy 02/07/08

Ninka deelka furay ee
dooda noo bilaabee
gabayada dareershee
hadhwanaag u diray oow
salaan diiran iga hoo
marka xiga dareenkii
adigaa dilaac shaye
duuduub war lagu yidhi
dibno aan cod saxa wadin
raga doorkan maanta
ku dacaaya deeyee
iska daa ku yidhi baa
dawgii ka leex dee
anigu waan ku dirsaday
waxaan idhi dadbaa jira
da'yar wada abwaanna ah
dalka wali rag baw hadhay
qaar difaacayaa jira
qaar u doodayaa jira
kuwo duullan gali kara
goblan maaha degel kani
ninkii damac ku soo jiray
digniin bay u tahay wayn
afartaa dareershee
doodkale na iga hoo
docdan iyo jabuutaa
dani iga hayaa iyo
darkaloo ka digo dhaw
ha i dayso baan idhi
waxaan uga danleeyahay
nin dadaalayaa jira
ehel doojiyaan jira
dadka oo dhan wada wada
daris kana daryeel tara
wax kastooy ka doonaan
gacan daraa jira
abaalkaa deg degayana
iska daa wax celi yoo
is diidsiinayaa badan
waxse igaga sii daran
wax kastoo dadaashood
deeq siisay hadal kood
kalgacayl ku doontidhi
may dareemin gacalkeen
doqon baaba lagu yidhi
adigayska daalaye
yaa kuu dirsaday taas
dadku wayska caynakaas
waxaad doonto mahee
duubduub warkaas oo
dawo kale ma haysaan
afartaa dareershee
dood kale na iga hoo
dawlad ni mada teena ah
dimiquraati lagu hago
doorashooyin wada saxa
oon dil iyo xasuuq jirin
nabad lagu dannaadiyo
degmo farax ku wada nool
maamul aan ku diirsado
xisbiyada dan wada wada
hadday doodi kulushahay
dakhar baaba ugu yare
mid aan dhiig ku daateen
yaan dagaal ku sheegine
iidaa dheh shicib koo
hayga didin dadwaynaha
afartaa dareershee
dood kalena iga hoo
deeleedi waa hore
abwaannadu dareer sheen
dareenkay ka dhalatiyo
wixii kiciyay duulkaas
iyo doorkan maanta ah
kala durug san weeyaan
dalaku inuu nabdoon yahay
dadwaynuhu awood yahay
dawladuna shacbiga tahay
doorashaduna cod ay tahay
distoorkuna axkaam yahay
dibnaha na xor laga yahay
waxaad diido sheeg tahay
dirays ciidan leeyahay
dayr iyo xad leenahay
isku duubni qaran nahay
dusha calan u sudhan yahay
damiir keenu adag yahay
iska diidnay xamar tahay tahay
nin ka soo dan qabaana
la dagaallan ay tahay
duni duna og soon tahay
ma qof diiddan baa jira?
afartaa dareershee
dood kalena iga hoo
dareen aasan baa jira
cadaw ila daggaan oggay
dad is nacay la ii sheeg
tahriib baa i daba galay
dal shishaan u kacayaa
doonnibaan ka dhacayaa
dhimashaan la deris ahay
is biimaynta doqonta ah
abwaanna dalkaygoow
dumaddiina inay tahay
dadka inaad la hadashaan
dacwadaha u fidisaan
u digtaan dhamaantood
ka diirtaan dhibaatada
deelay ka tirisaan
damqashan ku ladhan tahay
wixii duni ku soo lumay
daliil ugu cadaysaan
gobanimada dumug tidhi
dib u usoo abqaashaan
lagu duro aqoon yahan
kuwa wali ka diimoon
dawodooda laga dhigo
ma qof diidan baa jira?
afartaa dareershee
dood kalena iga hoo
jaad bayna daashaday
dhaqalii la daadagay
guryaheeni wada dume
ubada kii dayacan gale
sharaf tii dalkeeniyo
duntay noloshii saakoo
sooodoh jaadaka diirtiyo
dumar wada qayiyalayaa
doorkan aynu aragnoo
ragii daaqa wada baray
shaqo doonan mayaan
xumo kama dambeeyaan
nin kaan suuqa damac gayn
labana aan ka soo dafin
doqn bay ku shegan
ninka daaya geedkee
ka durkee iskaga taga
way dacaaya deeyaan
dulli bay ku sheeggaan
abwaanada dalkaygoow
dadaal aan bilaw niyo
inaan dumino garashada
damacaa abuurtee
dhaqan keenii dumasee
dhalin teeni dubatee
maskax dii ka dumisee
iska daba wareeg iyo
doqonnimo ku keen tee
dulleed kaa u wadhannahay
aan dagaal ku qaadnoo
ka digiigixoonoo
wacyi galin ka doodnoo
intaan dumugba lagu odhan
wax u doorsha kenee
ma qof diidan baa jira

omaliland forum

tix dan gaaban waxaan ka tiriyay markii aan ka mid noqday somaliland forum oo la i waydiiyaya su'aalo ana aan is cadeeyey halka aan kaga beegnahay waxay ahayd 5/6/08


Faraj kii arooryo cadceed soo fad kudinaysa
Fallaadhaha markay wada gan tee feedha ka iftiintay
Mugdi lama filaan ihi hadduu foorar kugu jiidho
anaa gacan ta kuu fidin yee faraha soo fiiqo
salaan fiican oo kula fac-aan faras ku soo qaaday
faadhumayso heeryada ka furo gacalku waa fay e
fahmay ereyadaa dee hadaan sii furfuro sheeko
ama falagga meeriyo xiddigis faalka ku hillaadsho
allaylehe warkii farax i gali fiid kan ii yimi ye
qoraal uu farshaxan dheeryahoo file la daba yaallo
markaan fiiro dheer ula kacuu faham na ii deeqay
inuu foorum kani guul helaan fulay ogsoonayn
mashaariicda loo feytay ee fulay dhamaan tood ba
darka miidhiyaha foorar shee feedha ka eryooday
kuwa faranta noo jooga ee cadaw ga feedhaa ya
filiqsan i dadkeenaa qurbaha fay kastaba jooga
ee kala foogaadee haddana foorum wad jooga
nin waliba wuxuu soo fidshaa faa'iiday tariye
hadaan aragnay inuu fiiga yari meel fog ka hilaacay
ama aan iskuulada la furay faa'is kaga gaadhnay
ama uu agoomaha farsami fiican ugu deeqay
fadka bari galbeed iyo ilaa foorartada xeebta
halka saylac furaheedu yahay lawga forontiisa
inaad hawl ka soo fulinayseen saani loo faham ye
inta sheeko lagu faani karo foorum kani gaystay
kolkaan ceerigaabo fiirshaa arkaa hawlihii fulaye
nin hargaysa fiid soo galoo yara fakaad meeray
sharcigaa fidsamay dawlad nimo fiicni lagu gaadhay
farahaa dadkii ula tagee foolxun ka ilaashay
ee dastuurka faygiisa saxay foorumkaa diray e
waa guulo lagu faani karo dhawr fac oo kale e
in kastoonnan faankiyo jeclayn sheegashada fiicni
soomalioland wow fur nahay waanad filayseene
waxaan ahay nin ficil; muujin kara meel fagaara ah ahe
haddii ay farriin tahay waqay faagad ma ahaane
bakhayl nimo laymaba filayn fulay xantii sheegye
waxaan hadal ku soo food jaree igaga kiin faaya
in dalkeennu fiicnaado uu fayga sare gaadho
dhiigaygaan u foorarinayaa dhimasho food saarta
naftaydaan ku furan xaajadii loo fir bixin waayo
faramaha dagaalkiyo halkay foogan tahay dhiilo
inaan cadawga foojigo ku dilo gaadhna kaga fay lo
dhanka aan fadhiyo haw filan inuu cadaw faraa saaro