Friday 5 December 2008

Iskaashi

Tixdan gabayga ah waxaan u alifay inaan ka tiriyo xaflad lagu qabtay bariga london oo loogu talo Baroor diiqayay dadkii ku waxyeeloobay dhacdaddii foosha xumayd ee29/10/2008 is qarxinta ahayd weerar kii lagu qaaday hargaysa intii ku dhimatay alla haw naxariisto intii ku dhaacan tahay ilaahay nabar gardaro ha uga dhigo e xafladu waxay qabsoontay 29/11/2008 isla maalintaas ayaan tixdan alifay oo aan ugu magac bixiyay ISKAASHI


Indhowaydba alifkii murtida maan abaabuline
Maan astaynin maansooyinkaad igu ogaydeene
Ambaqaadka waataan ka hadhay eella tiriyaaye
Marka aan ilaawoba waxbaa oodda soo rogga e
Xaluun baan allayl dhexe hurdada soo ambaabiray e
Eed layga galay baa jirtoo umal ku waa dow e
Aan idhaahdo caawoo kaluu aarsi leeyahay e

Ummad aan iskaashani wanaag way ka orodaaye
Arrin uma saxmoo khayrka waa laga ajeeyaaye
Waa la ibtileeyaa samii soo awaal baxa e
Cadaw baa ilays kaw shitoo ulakac raacdayne
Ummad yahay ilduuftaye is garo aayatiin maqane
Askarta iyo ilaalada dalkoo cadawga eegaysa
Adyad ruuxa wada oo shacbigu aayar qabanaayo
Awood lagu xidhiyo waa inaan edeg u yeelaane
Isha inaan ku haynoo dalkaba laga ilaashaaye
Oo aan ilduuf lagu banayn ooda dhacnteena
Oo aan arliga dhawranaa idil ahaanteenba

Afartaa wax lama soo eryee ilin ma qaad siiyay
Sidii odayadii hore murtida eel fog maw laliyay
Ma asteeyay sidii Faarax Nuur aanad iyo maayad

Intii dhimatay naxariis rabbaan uga baryaynaaye
Ajashaoodu way sii qoray oofsi geeriduye
Lama ooliyeen oo allaa aayadaas dhigay e
Samir inaynu iimaansanaa oogadeena ah e
Oohintiyo ilmada lama raboo waa laga adkaystaaye
U duceeya inuu eebbaheen nuuro idilkoodba
Ashkatada allaa loo dirtaa laguna eertaaye
Alshabaab Alqaaciida iyo Eyda la kordheebay
Niman kaa isoo weeraree ubad ka laynaaya
Nimankaa islaamnimo ka tagay een arxamahaynin
Niman kaa ujeedada ka madhan een aqliba haynin
Irsiqooda niman kaa jaree gooyay unuun kooda
Niman kaa aduun yada nacee aakhirana seegay
Ashahaadda nimankaa ka dhigay eeda iyo ceebta
Allahayoow kuwaa naga af qabo waad na arag taaye

Afartaa wax lama soo eryee ilin ma qaad siiyay
Sidii odayadii hore murtida eel fog maw laliyay
Ma asteeyay sidii Faarax Nuur aanad iyo maayad

Dhaawicii allaw wada sahloo way ordaayaane
Urgumadii ka soo raysto oo eel ka doogsade
Ma ilaawi doonaan waqood ololkii maantiiye
Akhyaartii ku dhimatay indhuhu sii arkaayaane
Iyagana ilaahay qabriga nuurka ugu oodi
Ururrada axsaantiyo samaa olola yaashooda
Arin laysku biirshiyo waxaqabad oosha lagu kaabay
Iyo waxa anfaaciga qurbuhu bixiyo ee aada
Isxilqaan hadaynaan u hurin aayar lacagteena
Qof kastana wax lagu aadiyiyo amarka loo sheegin
Isma bixin kartoo waan ognahay idil dalkeeniiye
Iska dhaafa addin laaban oo bixiya iidaanka

Wabillaahi tawfiiq

Shirqool

Tixdan gaaban waxaan ka tiriyay ka dib markii ay kala caddaadeen ciddii ka dambaysay qaraxyadii hargaysa oo aan is idhi bal wax ka dheh waxay soo baxday 19/11/2008 waxaana la yidhaa shirqool ku soodhowaada

Indhowayd ba shiin layda gabay sheeg is ma lahayne
Shidhadeeda waan dhigay tixdaan shiilan jiray waaye
Markii uu shakaal galay hiddii ee casrigu sheegmay
Ee dhaqanku shuushaa ku dhacay dhaanish kuna shawray
Shib inaan idhaahdaa markaa waa shin la hubaaye
Wax se shaaciroow ii hor kacay oo i shiday maanta
Bal aan kuuba sheegee i maqal shuuqday taladiiye

Shil ka dhacay dalkeenii dhowaan oo shuf lagu hoobtay
Oo cumaamad sheekh soo xidhiyo culimo shaydaani
Shir qool ay sameeyeen shabaab aan la garanayni
Oo nabaddi shaasheeyay oo shuushna nagu beeray
Shisheeyaha na soo weeraray ee shicibka laynaaya
Shaki ma laha inay doonayaan qaranka shaasheeye
Shiddadoodu waa meel hadday uba shaqayn layde
Sheekadu ka wayn nabadan ay shiiqi leeyiine
Shuf inuu yidhaa bay rabaan magacan sheegnaaye
Shakuur baa se dhawroo nin xumi shiiqin kari waaye
Sharaf land dhaqaaqdoo wakaa shidan yay laydhkiiye
Ha shu'aysan dhaha kii jeclaa inuu na shiidawba

Afartaa intaan shiin ka dayay shamaca maw daaray
Nin shaxaadayaa leexiyee shaaga ma u yuuray
Shabeelkiyo sidii aar murtida shaashka ma u taagay

Afar kale hadaan sheeg idhaa shaqalo gaagaaban
Shan afraad dal jiray oo yaqaan shicib walaalaynta
Oo horumar sheegtaanu nahay shawr fog na u galaye
Sharma oogno oo waan necbahay shidho walaalkaye
Hadduu shuushba soo galo bulshada ways la shiriyaaye
Runtana waxaan u sheegaa qofkii xuma ku sheegnaaye
Nimankaa shisheeyaha dalbaday ee shubaya dhiigooda
Nimankaa shar mooyee wanaag shayna laga waayay
Niman kaa shaqaaqada wadee shicibka laynaaya
Nimankaa shuftoobee ka tagay sheegasho islaamba
Allahayoow shidada ay wadaan aanay nagu shooban

Afartaa intaan shiin ka dayay shamaca maw daaray
Nin shaxaadayaa leexiyee shaaga ma u yuuray
Shabeelkiyo sidii aar murtida shaashka ma u taagay

Afar kale hadaan sii sharaxo oon shidhka u fuulo
Xadka inaan shareeraan jeclaa shaqal u giijaaye
Oo aan shuftadu soo dhex marin lagana shawraaye
Shaqsigii yimaadaana maro shooki iyo baadhis
Oo shicib ku soo wada qabtaan kii shakiga beera
Oo aan shihiid lagu luggo'ay qarax la soo sheegin
Qaxootigan shiddadu haysatee xamar ka soo shaacay
Ee shururg nagu soo yidhee shalay na soo gaadhay
Iyagana shu'aysiga ka dhawr sharaf ha joogeene

Wabillahi tawfiiq

Hungo dhoof Tahriibka

HUNGO DHOOF BY
Halaq baa jid kaa yuururoo waydin helayaaye
Hacoo baa ku taajiray waxaad uba hibayseene

Tixdan gaaban waxa aan u bixiyay HUNGO DHOOF waxay soo baxday 18/11/08 ka dib mar aan akhriyay maqaal ku qornaa website ka hadhwanaagnews oo ka hadlaayay Dad tahriibay oo dhibaato ku dhacday waxaan runtii is idhi ka qof faalo kale oo ka sii farcanta hadaladaas meesha ku qoran waxaan is arkay anoo meel dhexe la maraaya tixdan waanan dhamays tiray


Indhowayd ha'laydii murtida hees kumaan qorine
Ma habaynin maansooyinkii igu halayseene
Haleel baan u waayaye naxwuhu way haadhaa dihine
Saakana hayaan kaan arkaa helay dadkeeniiye
Hanqal taaga yurubloo qabaan diiday hanadoowe
Hubsiimaa wacnayd lagu daroo lagu hagaajaaye
Hiyi kaca barbaartii heliyo dhoofkan lagu hoobtay
Hanqal taaga yurub loo qabiyo hoohad kiyo beenta
Halaaga iyo dhibaatada naflaha lagu halaynaayo
Hodan tidda dalkeeniyo nimcada hoos u dayi waaga
Dhalin yahay naftii hawl baddee dhugo hareertaada
Dhalin yahay intays heeraysaan dhimasho waa hawle
Hoog iyo balaayaa fadhida hilinkaad qaadeene
Halaq baa jid kaa yuururoo waydin helayaaye
Hacoo baa ku taajiray waxaad uba hibayseeene
Hungo weeye dhoofkaad gasheen baabah lagu hoobtay
Inta hannad la wayee dhabada haadku ku casheeyay
Hablo qurux le oo loo hanqabay baan lahadal hayne
Heddu waxay ku qaadaa baddiyo hayjadaa dhexe
Hurintii baxdaba ruux qudhaa himilo gadhaaye
Inta kale hed baa loo tirshaa lagu haleeyaaye
Hororkaa dar qaatoo dhexdaa lagu halgaadaaye
Huudhi bay badaa kula lumaan hoobte umaddiiye
Hacooyada carbeed baa hablii heeray badan koode
Turkigay dhex hiinraagayaan cadaw ka haagaaye
Raggaa hilinka toorayn jiraye haatan lala dhaafye
uma lahayn socod kandheer ee haween galay e
Hagaag maaha oo hubaal waxaysku hawsheene
Hunguraydin qaadaye waxabaan yurubtu kuu hayne
Hadal ugama jeedee tixdana hoga tusaalayn dheh
Oo waano wa lagu hirtaa hooya i dhegaysta
Kol haddaan la hubin waxa kanaad uba haliilayso
Ka hadh baa ka roonayd wixii halista guud yaale

Saddex Eberle

Salaamu calaykum dhamaan umada islaamka ah marka xigta ah si gaara waxaan u salamayaa bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasha sharafta leh waxaan halka ku soo bandhigayaa tix gabay ah oo cusub oo magaceeda la yidhaa SADDEX EBER LE kuna saabsan sixir barar ka aduunka iyo dhaadani la’aanta somaliland xaalada guud ee dalka iyo arimo kolay anigu aan u arko inay tahay dhib si gaara ugu habsatay dhalin yarada oo ah jaadka iyo tahriibka waana kan ee akhris wanaasganwaxaan ku hal qabsanayaa saaxiibkay Cabdisalaan Muuse Galaal. SADDEX EBER LE wuxu soo baxay 18/09/2008.

In dhowayd salaanoow murtidi siibadaw xidhaye
Ma siraadin maansoooyinkii saafiga ahaaye
Hadaan gabay samaan lagu gorfayn sawd ka arar tiisa
Ama aan sarbeeb lagu xidh xidhin siri u hoosayso
Saxo ma laha hawraarta ay kuu subcina yaane
Bal dhegayso saakana halkaan soofka ugu foofsho
Aduun yadan sindahan ee cabdoow samada eegaysa
Aduunyadan sadyari looga biqi gaajo solanaysa
Saan cadalaaheedii aduun uu sad yari sheegtay
Sixir barar aduun lagu sahwiyay sarifna loo diiday
Oo ay saliidii mar qudha samada heehaabtay
Santigii maraykaan aduun suuqa laga waayay
Oo ay sariigii hindidu iibka sare gaysay ……………….sariigu waa bariiska
Siqiir iyo kabiir waa aduun saa’id laga doonay
Nin kii soof yaraa waa aduun lacag la saaraaye
Saddex eber layaal baa la sudhay baanan kii sare e
Saamiilayaashii ku kace saban kan maanta ah e
Ma talaad ka sugaysaa aduun shaadhka laga saaray

Bal somaliland ila jaleec suurtay taladiiye
Saxariirka gaajada tiiyoo sabigu ooyaayo
Ooy suuqa wada daad san yiin suluf na loo giirtay
Oo aan siyaakhado la xidhan iyo subeec toona
Ayuun buu salaad hore kalahay kaynu talo saaray
Sareeyeheeni saakana ilkuu dhoof u soo galay e
Uu sadaf ka ii xidha ku yidhi faranji saynliiye
Uu lacag sabciin alif ka badan siiyay gaalada e
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadhka laga siibay

Sonkor iyo bariis laguma helo doolar kii sare e
Daqiiq dii saraa loo kacshoo waa sabool nimo e
Xoolihiina suuqyada qurbaha keena laga saarye
Sixun bay u caayeen intay been susumiyeene
Sagaal magac markii loo baxshuu seegay iibkaba e
Carab taa siloonbaa xisdiga saatir uu baray e
Imikay saruurad u qabaan solay gii fiicaanye
Aljaabiri wakaa soo dalbaday sayladii kale e
Lacag adag ninkii noo sidaba waa ku sugaynaaye
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadhka laga saaray

Bal siyaasigeeni murtida saani ugu sheega
Sidriga ugu qora maansadoo seebka ugu geeya
Inta aad salaan taan barqada sacabadaw saara
Salinka e dadkeenii aqoon saaka laga waaye
Salaw bay sudheen geedihii sudaha tuulaaye
Sareedadi barwaaqada la waa roob subaax da’a e
Siigadaa ku xidhan hawdkiyoo seero laga oodye
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadhka laga saaray

Saxal guurka carigii ku dhacay samacu hayn waaye
Sur yar tii sakaariyo la waa deero iyo siig e
Sanqadhloow libaaxii ka carar oo sin uga baydhye
Halaqii suntalahaa ma jiro iyo subxaantii ye
Surtii malabka dhabaqaad ogayd saaka laga waaye
Shinidii sawaab baa ku dhacay dhiisha sudhayseene
Shabeelkii ragbaa saanyadoo siibtay haragiise
Sumcaddii dugaaguba ka qaxe aradka soomaale
Socod xume waraabaa ka hadhay iyo dacaw saqleeyaaye
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadhka laga saaray

Aduun yadan sidihii loo jaray ee sare u kaynaantay
Ee salaw colaadeed la sudhay sumuc na qiiqaabay
Ee soodhka laysugu sukumo dhiigna soconaayo
Ee kaan sidii lala rabiyo riciyad soocnaanin
Saqda dhexe diyaarada la sudho salaw gu qiiqaabo
Ee aan sahaalaha ahayn nabadii soo yaalku
Ee gartii nin ki soof yaraa cidina siinaynin
Saymana badii lagu shubiyo kiimikada saydhan
Ma talaad ka sugaysaan adun shaadhka laga saaray

Saaxiib dhigeen saban horuu saadshay meel wacane
Inaguna sigaar kiyo barjaha waynu sidanaaye
Sun cagaaran baan raamsanaa saacad iyo layle
Sunuudeeni wataa axmaar saro ku jeexdaaye
Waxa saamigeenii la tagay siiblahaa rarane
Soo dhacyeey da qaylada ragaa sare u yeedhaya
Saladaha haweenkaa sitee suuqa wada jooga
Iyo saxada geedkaa raree saxalka beeraaya
Ee sadheeyay noloshii dadkana wada sabaaleeyay
Sinjigeeni geedkaa bedelay iyo sawracii quruxda
Sokeeyi midkaa kala raree xaasas kala saaray
Inta aan sidaanahay anigu waan sahwiyayaaye
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadh ka laga saaray

Dhalinti socdaal bay galeen oo dide sabadiiye
Saxiimadaha hoogay badaha ugu sabeeyaane
Tahriib bay u soo wada socdaan sahayna loo qaad ye
Inta uu nin xumi soo siree silic maryaadaysa
Kumanaan saq dhexe doonidii xadhiga loo siibay
Oon sooba noqon baa badaha nibiri saaftaaye
Inta soo sarfayf taa kunkii waa sagaal qudha e
Waxay soomal haadaan jidkiyo saxarahaa jaane
Suudaan ilaa suuriyay socod ku gaadhaane
Giiragay sinmeen jeelashoo sabigi buuxaaye
Saatir oo tan soo dooriyoo sama bax noo doora
Iyo si alla mooyee dadkuba silic dhamaan toode
Ma talaad ka sugaysaan aduun shaadhka laga saaray

wa bilaahi tawfiiq