Saturday 26 April 2008

dhulkeenii abaaraa ka dhacay

Hadaan dhaho hadaan sii dhigdhigo gabayna kuu dhiijo
Hadii aan murtida kaaga dhigo nuxurka dheeftiisa
Bal dhegayso waxaan kuu dhambali jaamacoow dhagaxe
Anigoon wax dhiba gaysanayn ceebna ka dhuyaalay
Anoon ararta dheeraad ku darin dhinacna lay eersan
Anigoon dhankaas iyo dhankaas midina ii dhuuman
Bal I dheeho waxaan kuu yar dhuri jaamacoow dhabaqe
Dhulkeenii wareer baa ka jira qaylo iyo dhaane
Waxa loogu dhaanshaa biyaa booyad sii dhixiye
Xoolihii haraad bay dhinteen daaqna ka dhamaaye
Ubad kii dhanqalan baa ku dhacay oo waa haraad dhab ahe
Jiilaalkan dheeraaday ee naga dhamaan waayay
Inteenaa u soo dhooftay ee yurub ku dheelaysa
Xageenaa la soo dhawrayaa gini na waa dheefe
Inaan sidatan dhaanaan raabaa lacagta dhiibnaaye
Dharaar qudha kol ay tahay maruun oomatada dhaafa
Haday toban kun dhiibaan shan gini kharash dhan weeyaane
Dhab u galiya jeebkii gacmaha oo dhiiranaan fidiya
Allihii dhibicda soo dayn jiree dhiijin jiray roobku
Inaguu inagu dhawrayaa inaan wax dhiib naaye
Wuu karaa dharaar qudha inuu mayay ku dheehaaye
Wuu karaa inuu dhool u da’o weelka laga dhaansho
Caqligii dhamays ihi dhabcaal nimo wuu is ka dhaafaye
Dharaaraa kulaylkee nimcadu dheeli tiran diido
Ee ay diraacdii dhirtii dhuuxa ka idlayso
Dhiig iyo ninkii uus lahaa gacanta soo dhiibye
Marhadaanad dhiidhiyin tolnimo waa wax kaa dhimane
Wax ku dhaama eebaa na siin cawil ku soo dhaafa
Waxba yaanan dheerayn warkee aan u dhigo yoolka
Adaanay kaa dhamaanine allow deeqda nagu dheefi
Adigaa dhamaynkara dadkee dheefta wada wada dooji
Naxariis aan dheeliyin alloow dheriga noo buuxi
Dhulkan ooman eebow cirkii dhaamin jiray soo dir
Dhijaan iyo balli ba way gudheen oo waan dhursugaynaaye
Xareed aan dhamaanayn aloow oo dhakhsa soo shub


faysal_awcabdi@hotmail.com
London UK