Sunday 30 March 2008

sidee wax u jiraan gacaliyoow

Gabaygani wuxuu jawaab u yahay tix uu Ibraahin Axmed Yuusuf "Hawd" kaga jawaabay tix hore oo Faysal Aw Cabdi uu kaga hadlaayay wuxuu kala kulmay akhriskii sheekada "Aanadii Negeeye".
Salaan sharaf leh, suugaan murti leh, hadallo saanwayn leh
Soojireen warkiisoo naxwaha, subag dareeraayo
Sidriga iyo laabtaa wanaag sida muquuneede
Saaxiib ladhkaad kicisay baan seexashada diiday
Waxay saaqay hadalkaagiyoo waan salsalayaaye
Salaamaade waadigan galkiyo seefti kala saaray
Salamaade waadigan warmihi soofihii mariyay
Salamaade waadigan mindidi suulcad alabaystay
Waxku saaqay moogiye dagaal soodh adaw tumay e
Sidee wax u jiraan gacaliyoow suurtay nabadiiye?
Nin suldaana waa lagu ogaa saamax fidintiise
Ma sokeeyahaa kugu qaldamay oo samaha diidaaya?
Ma sikhriiaan wareeraa ku helay oo afxumo saydhay?
Mise sagagar khayr laawe oon soocna garanaynin
Oo silic xumaaniyo qabiil sahayti moodaaya
Oo suugaanta ceebteeda uun kala sifaynaaya
Oon salaadda Eebiyo waqtiga sixi aqoonaynin
Oon sinaba kuu gaadhi karin raganimooy saaka
Doqonnimo mid suuroo hurdada sarakaracoo duura
Oo socosho waliya ku jira oo saqdhexe guura
Oo saacaddii lala hadloba sare u buuqaaya
Garna kula saxaynoo caqliga seexday araggiisu
Iyo soo cabboo liitiyoo soocna garanaynin
Oo aan in silsilad loo tirshiyo sadar dawaynaynin
Iyo saxara quutaha dadkii wada saraayeeyey
Oo qaba salaaf oo waqii libin saluugaaaya
Yaa soomaalida ka buuxe dulqaad sinaba haw dhafin
Murtidaada kaan sixi karayn siiqba haw tirinin
Sarbeebtaada kii dhaafay ee seegay dulucdeeda
Ama suluf ka caydheed ka galay sayladdii gabayga
Oo tixo saleeliya watoo tahar sariigaaya
Sansaankii codayntiyo nimaan laxan ka saafaynin
Sidrigana ka jecel inuu murtida saanad ku lahaado
Saamacaygu diid soor inaad subax wadaag taane
Hawdoow ninaam ku sad burin sooryo haw fidinin
Haddiise aan digniintii soline uu saaka kula doodo
Inuu sumaca hore leefayaa wa si la hubaaye
Markay seeftu jidhuu baryada sacab ka kuu hoorsho
Yuu ku saxanin waatuu rabay e jeedal ugu suubi
Ku salcaami geerida ilaa sarartu dhiigroorto
Sanku neefta jeeruu gaboo hadalku sawd gooyo
Haka siibin leebkee wadnaha saani uga toogo
Danba wuu uu suudali aakhiraan samo u yeeleeyne

markaan akhriyay buuga aanadii nageeye

bariido san salaan waafiyiyo gacan ku sooryaysa
sidriga iyo laabtaa ku yidhi naga gudoon saaka
adiguna sad kii gobi lahayd qaado sacab keeda
isa sudha halkeedii murtidu saamax yay galine
aan sifeeyo sheekada halkaan ugu sidkaynaayo
sadardii ku yaaliyo markan buuggi kala saaray
nageeyiyo safkiisii markaan wada sikhraan siiyay
Amran inay sidaa tahay runtii saani loo garaye
sabigay dhashiyo maalin taan sixir walaaleeyey
markaan Layla suuqaw diree Deeqa sare joojay
markaan Idilla saamiga funkiyo golaha soo joojay
markuu rooble qiirada sunta ah Yurub ku seeteeyey
dacartii siyaasiga markuu Raage kala saafay
sifihii ka soo baxay haddaan heedhe kala saaro
horta buugga sumaddiisa magaca guud saaran
macnahay siddaa kuugu filan faham sarbeebeede
sida lo dejiyo sheekadaa socod wanaaggeeda
surin kay maraysiyo markaad sabada sii raacdo
sarkaal iyo markaad geeljiriyo xerow ba sii dhaafto
samaydii warmaha iyo markaad mudacyo soofayso
sabo lagu nagaan jiray markaad belo ku sii saaqdo
markaad silisyo soo furato eed suudhadh ka xabbaadho
sawirkeeda maantaa haddaan yara sifaaleeyo
inaan anigu sara joogay oon sama baxaw reebmay
iyo inaan sir iyo caad ku helay sheeko soconaysa
iyo inaan sifaha awliyiyo saalaxyada sheegto
si ay tahay Allaa oge naxwuhu saani ii damaqye
bal aan kala sifeeyee murtida saanu ugu fiirso
sergadii ku dhacay maalintii Raage lala siibtay
iyo sabab tii loo xidhay is may saarmi karahayne
sabciin kii bilood uu ku jiray jeelka sagaxiisa
iyo sabigan xumihii la baday qalin ma sooreene
sheekada nin sida ay tihiyio hadalka sii raaca
iyo kii xilliga siiyay bay dulucdu saaqdaaye
alaylehe sax baa loo qoroo daabac lagu soorye
xigmad aan salkeedu ba dhowayn lagu sar goo buuggan
sarbeebaab aan ciyaar lagu furayn sambabka loo tuuji
macnayaal sifaalah ku jira madaxu kaa seexdo
iyo hadal sargooyntiisa wacan lagu sulaaq maayo
saddex gabay hadii aan tirshoon arar sifaaleeyo
siduu yahay ma wada sheegi karo nuxur sansaankiise
waa buug jacayl kuu sidiyo damaq xasuus tiise

Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Salaaam u calaykum

"Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola"
waxaana la ogaadaa marka talo ku seegto khasaaraheeda ka dib.

waxaan idhi

Marka hore salaan diiran
aan u huray safkiinoo dhan
dhalin yaro in tii suuban
gacan qaad ku wada seebay
wa calaykum saaceeda
saamigeeda iga hooya
*****
Sixin hadal haduu yeesho
inta saxa hadaad raacdo
ama sugato weedhiisa
warka kala sabaan dhayso
runtu yay si kaa noqonin
surma seegto haw yeelin
liqdintana ha siibsiibto
yaanu muran ka soo jeedsan
shakigana si uga leexi
marka ay su'aal joogto
nin ka bixiya siiqeeda
ee fura salaankeeda
ama hela silsiladdeeda
shan markhaati soo jooja
u ahaw safiirkeeda
*****
Garashadu sad weeyaane
rabi bayna wada siiyay
qof kastana in baw sooca
dadku uma sinnaadaane
haddaad tahay mid sare jooga
samo inaad ku doondoonto
sabool kana ku gacan siiso
kii liita soo kiciso
inta saadambee sheelan
inaad sama falaw heedhe
u ahaato sahankooda
inta saaka kula joogta
inaad siiso talo fiican
u samayso marin toosan
ka sifayso xumohoo dhan
samir iyo dulqaad yeesha
qalad kana sax ugu doorsha
u ahaw suldaankooda
****
Waxa lagu sugnadaa
lagu kala sareeyaaa
darajona ku siinaysa
adigoo aqoon suuban
saynis yahan bidaaraystay
cilmi saabka uga buuxo
xiddigaha nin suureeya
samada iyo wixii kaa fog
iyo ciida sabadeeda
sanco kuu odorasaaya
sir qarsoonna kuu sheega
qalinkana sifaaleeya
iyo macallin soo joogay
ardaydana sax ugu sheega
oo sabuuradaw buuxsha
cashar wada sarbeebaysan
samo ugu macnaynaaya
u ahaw sitaacooda.

Monday 24 March 2008

MAAHMAAHO

MAAHMAAHO SOOMAALI AH WALI WAA QABYO WAANAN WADI DOONAA INTA AAN KA GADHI KARO INAN KU URURIYO MAAHMAAHA SOMALIGA AH



NIMAAD DHASHAY KUMUU DHALIN
NIN GU KAA WAYNI GARASHANA KAA ROON
NIN WAYN TAG LAMA YIDHAA EE WAX UUKU TAGAA LATUSAA
NIN ANI YIDHI DAD ISKA SOOC
NINBA CEESAANTII CEEL KEENTAY
NINBA TIMO XAMAR
NIN WAYNI WADKIISA WUU YAQAAN
NIMAAN DHIDIDINI MA DHARGO
NIN SABEEN LEH HABEEN DHARAG U LAABAN
NIN KII SEEXDAA SICII DIBI DHALAY
NIMAAN HADLIN HOOYADII BA QADISAY
NINKII AFLEH BAA ABAAR KA BAXA
NINBA MEESHA BUGTAA ISGAY BALBASHAA
NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADAW
NACAS IYO NAAGABA NIMAY LAGDAAN KAMA KACAAN
NIN WALIBA INTUU KUU JIRUU KUU SOO JOOGSADAA
NINBA MEESHA BUGTAA ISGAY BALBASHAA
NIN HABARI DHASHAY HAL MA SEEGI WAAYO
NIN LA TUMAY TALO GAADHAY
RAG IS FAANSHAY WAA RI IS NUUGTAY
NIN WALIBA INTUUCUNUU CIIDAMIYAA
NIN NAAGI WADOIYOAWR AWR WADAA MIDNA KAAMABAYDHO
RAG AAMUSAY IYO RIYO AAMUSAY LABADUBA REERKOODII GABE
RAG LAMA MALEEYO
RAG WAA AYO IYO WAA ADOO KALE
RAG HAREER TAADAA LAGA DAYAA
RAG WAX WALBA KA FILO
WAX AAN LA ROGROGIN RAG BAAN HELIN
RAG IYO HANGOOLOBA WAA LA URURIYAA
RAG WALAAL WUXUUKU DHAAMO LAWAA
RAG WANAAG MOOYEE XUMO WAXBA KUMA LAHA
WAX LA RAAJIYAA RAG KUMA SAMA
NAAGO SIRTOOD LAMA GAADHO
QUMAYADU INTAANAD QUMAYO ODHAN BAY QOMAYO KUTIDHAA
INANTII HOOYADEED HADHUUDHKA TUNTAA IYANA HAADISKIISA WAYBARAN
RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODAY KU QARIN LAHAAYEEN
RIYO LUGTOODAA SHALAW KA RIDA
RIYO LUGTOODAA SHABEEL ULA GASHA
RIYAA QAAWAN BAA IDAA KU QOSLA
NINBA CEESAANTII CEEL KEENTAY
GEELJIRE GEELA WUU WADA JIRAA WAANU KALA JIRAA
GEELJIRE USHUU SOO ASTAYSTAY BUU RAG KA TALAGALIYAA
GEELJIRE NINKA UGU TAAG DARAN AYAY TAAGEERTAAN
DAMEERI ISKU HALAYN BAY HOOYADEED DABADA UGA NUUGTAA
DAMEERI INTAANAY DHUUSA BARAN BAY AYAY BIQLA BARATAA
DAMEERTU GEELA HA DIDISEE WALIBA WAY SII QURURUF LEEDAY
DAMEERA LAY DADKA LAKAL MAAHA
DAMEERTII RAR DOONTAA XERADA SAFARKAY TAGTAA
DAMEERAA ADARI NINKII DALBADAA AROORSHA
DAMEERI DHAAN RAACDAY
QAYL MANA NASTO HABARTIINA MANASIYO
HADAL WAA RUNKAMA RAYSTE
RUNTU RAGA WAY KA NIXISAA WAXSE MA YEESHO
MUSLINOOW RUN SHEEG MUSLINAWNA UGA QAADO
HADAY HAWADAADU KUU BEEN SHEEGTO DAN TAADAA KUU RUN SHEEGTA
BEENI RAAD MALAHA
BEENI DABA LAQABTO MALAHA
BEENAALE MARKHAATIGIISUU FOGEEYAA
BEEN SHEEG OO MID RUN U EG SHEEG
BASARI IYADAA BUULKEEDA KAA TAQAAN
BASARI BUULKEED XUMAA
KARIS XUN IYANA KULA
CUDUD CAANA GAABSHEEN CAGAAR MA KORSHO
FARSAMA XUME MEEL XUN BUU IS GOOYAA
MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA
SOOBAX BAA LALEEYOOY SACABKA LEEFAYSAA
SIR MA QABE ALLOW SAHANA
SAAXIIBKAA AAMIN SIRTAADANA LAKALA HADH
ABTIGAA WUU KUU OOYAA KUUMA SE AARO
ABTI IIN XUN LAGA RAAC
ABTI WAA ABOODI
DAACADI MA HUNGAWDO
DIGO NIMAAN GALINI MA GUBAN
INTAANAD FALIN KA FIIRSO
XAAJO NIMAAN OGAYNI INDHUHUU KA RIDAA
AMA AFEEF HORE LAHAW AMA ADKAYSI DAMBE LAHAW
BANAAN KABA HELAYSAYE MAXAA BABAC KU SAARAAYA
KAADSADAA MA KUFO
HADAY DAGDAGSIINYO DOOR DHALAAN KAADSIINYANA KIISH LACAGAY DHALAAN
QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN
HOOBA HOO BAA LEH OO LABA HUNGURI WAA WALAAL
HORE U CUCNE DIB U QATAN
SHAQAYSTAA WUU DHERGAA SHAXAADAANA WUU QADAA
SIR HAWEEN LAMA GAADHO
SOO NOQ NOQOTEE MA NAQBAW DA’AY
SIDAAD JECESHAY LOOMA WARAMO E SIDA AY WAX YIHIIN BAA LOO WARAMAA
SIR MA QABE ALLAW SAHAN AH
BOORAAN HADIMO HA QODIN KU DHICI DOONTAANA MOOYEE

dareen kii jacaylka






daltabyada xanuunkeeda
qurbo daal ku noolaanata
dalkeeniyo wanaagiisa
dib u xiisayaa oo
waxaan aan dareemoo
damiir kaygu tabayaa
Jacayl kiii dadnimadee
dariskiyo wallaalluu
dul iyo hoos isu ogaa
waxaan doonayaa wali
jacaylkii dalkeenee
laysu wada damqanayee
laysu diir naxaayee
laysku wada dul noolaa
jacayl dawladiisii
dabar goyn ku qaadoo
laga deebshay laabtoo
dalka laga tirtirayoo
dablihiyo askariguna
digtoonaw ku dhaafaan
jacayl uu dadkiisii
dal shisheeye tagayoo
marti iyo dul saar yahay
jacayl duumo iyo cudur
cadaw uu ku durayoo
taws tu ay dishootoo
xumad wada dedanayoo
diiftiyo xanuunkii
dalan baabi dhacayoo
kolba daarad jiifoo
dhakhtar daawo siiyiyo
cid dabiibta aan helin
jacaylkii dirays kiyo
qaadan jiray dabkiisee
isku duubni waligii
duulaan ku gali jiray
doqonimo ku timidoo
qof waliba dantiisii
inta uu ka door biday
laga raacday duunyada
jacayl soo dacwoodoo
dembiga iyo eediii
dusha loogu rarayoo
dadku dhinac ka wada maray
jacayl deedidi fayn tii
duleedkaa u baxayoo
duur joogta raacoo
sanqadhu ay damqaysoo
ka didaaya qaylada
jacayl deeqdi laga jaray
jacayl uu dadkiisii
xaasid nimo dugaashaday
jacayl ddayrka sharaftiyo
laga fayday daahii
jacayl diiqad galayoo
digtii ay ka gooyeen
jacayl daasad qaatoo
dawar sada hadhiimada
jacayl socod ki daayoo
dugsi soo hadh galaybaa
dacwad ii bilaaboo
dadka yidhi u wada yeedh
wuxuu yidhi duqaygani
horta daacad baan ee
maxaa laygu dilayaa
danta oon ilaashiyo
dariskoo aan bookhdiyo
ehelkoon daryeelaa
ma dambaan sameeyoo
daga yahay qiraysaan
miyaan beelo degayoo
daawaysta noloshoo
daaqaaya nabadaba
duco kala fogaadaa
ma waxaad dan moodeen
in nacaybku soo dego
degel kaan ku noolaa
miyaa doorateen wali
laba daran mid sii daran
dib miyaa u eeg teen
door kaan fogaadee
siyaad dabar go'iinii
diiwaan ku sooqoray
dib miyaa u dhugateen
markaan yara dekaamee
dagaalkii sokeeyaa
diric yada ku layseen
saw taan dareemee
durbadiiba toosee
dhibka daaya idin idhi
hadal iyo dantaydii
malaa way la durug taye
aan soo dabaalee
bulshoy waa dareen kii
halka cadawgu kaa dilay
haduu kaa dun guurana
damqan maysid waligaa
waana laga da' furayaa
hadaan laga dawobine
maxaa dood ka leediin
dad waynaa dhamaan tii
hadal kii umuu degin
warkii heedhe kuma duxin
doodii wax uma tarin
waabay sii daligayaan
dayn bay ka xooreen
dalaw ba ka tuureen
jacaylkii dulqaad kii
dirqi buu ku haysaa
wuxuu soo dalbanayaa
in loo soo duceeyaa
xayiraada lagu deday
maruun laga dul qaadaa
inta wali dareenlee
in uun sii damqanaysaay
dood u fura jacaylkii
dawo loogu raadshoo
dareen kiisa lagu dhayo

Sunday 23 March 2008

Qurbaha iyo dadka somalida ah

Halkan waxa aan kaga faaloonayaa nolosha ka jirta qurbaha gaar ahaan dalkan ingiriiska kaasi oo ka mid ah ama la odhan karo waxa weeye meesha ay soomaalidu ugu badan tahay marka loo eego melo badan oo dunida ku yaal marka laga reebo dalkii hooyo. Waxaanan sameeyey 20/04/1998
Gabaygu waxa uu taabanayaa dhibaatada haysata umada iyo sida ay ku timi iyo sida ay u kala abaartay rag, dumar&caruur.hadaba Kama dambaystii gabaygu waxa uu ku bilaabmayaa sidan

RABI DAAYIN WEEYEE
INTA UU DAD UUMEE
DUNIDANI DULJOOGTEE
DAADAHAYSA NOLOSHEE
ISKU WADA DULNOOLEE
DANTU WADA KULMINAYSEE
NINBA MEESHI LOO DIRAY
ISAGOO DADAAL IYO
MUUJINAAYA DOOR ROON
DABCINA WAA WAX DARANOO
DAD AAN GACAL AHAYNBAA
ISKA DOORTA AADMIGA
MARNA DUUL WALAALO AH
OO HOOYO DIHATAA
DAARKU WADA DHAQNAANBAA
DACI KALA RARAA OO
DAD IS BOOQDA DA YOO
SALAANTANA LAKALA DIDA
DAGALADA QURBAHA IYO
DALKAN AYNU JOOGNEE
DAADUUNKA LAGU YIMI
DAGAALKII SOKEEYAA
DAAFADIISI WEEYOO
WAXKASTOO DARAADABA
WAX KASII DARAADAA
DABA YAALA WALIGII
INTII DABADA YAACDIYO
DAWAAFKII ADUUNYADA
DADKEENI USOO KACAY
DAYAC BAA KU DHACAYOO
INTA DAADSAN YURUBEE
CEEBTEEDA DADAYSANA
INGLAND HOWDARAATEE
DUMARKII WAX BAA HELAY
JIDHKOODII DAHAADHKIYO
KU WACNAA DABOOLKEE
DAHAB LAGU MASAYN JIRAY
DABADAA LASOO DHIGAY
DAAYINKII ABUURIYO
DUN NINKAY WADAAGAAN
MIDNA MABA DANEEYAAN
IYGAABA DARAJO LEH
DA, YAR TIYO BARBAARTII
DHAQAMAD ISDILAYAA
DAANO WAYN U GAYSTOO
BIYO LOOMA DIRANKARO
DAB HADAY KU DHACAYAAN
AMA DACAR WALAAQDAAN
DAAYA RUUX MA, ODHAN KARO
HADII AAD U DIID IYO
DAGAAL MEESHA KEENTANA
DHAQAN DOORIN WEEYOO
DAWLADAA KU XIDHAYSOO
DAMBIILAY KU QORAYAAN
RAGIIBAA KASII DARAN
DARXUMADIYO HAWSHAA
KUWII DIIDI LAAYEE
KADIGIIGI XOON LAA
DANTA AY KA RACDEEN
WAA JAAD LA DUUBTIYO
ILLAA DAALAC WAABARI
MURAN LAGU DUL NOOGIYO
KUWO DAASAD HAYSTOO
DARBIYADA ISTAAGIYO
DARAAGOOLAYAAL AAN
DUNIDABA WARKEED HAYN
DUNJIGOODBA NIMANKII
DULI BAA HALEELOO
DUULASHII QURBAHA YIMI
KUWO DAAYINKEENII
KUHAGAAJAY DAWGOO
U HANUUN SAN DIINTOO
DARIIQII SAXNAA IYO
WIXII DAAYIN UU FARAY
WALI DABADA HAYSTAA
DADKEENII KA HADHAYOON
ANA UGU DUCEEYAA
WAXSE AAN KU DAYN LAA
DOODANA KU SOO XIDHAY
DADAAL AAN BILAWNIYO
DIB IN LOO NOQDAAYOO
DAGMADII HARGYSIYO
BURCO DAAFAHEEDII
BARBARIYO DALKEENII
CEERIGAABO IYO DAMAL
SURAD OON LADAYN KARIN
AMA DAALO IYO HAWD
SAYLAC IYODOCDEEDAA
BADA LOOGA DHIGAY DAYR
RUUXII DABAAL RABA
AMA KII DANKALE WADA
UU FIJAANKA DARAYEE
XIISAHEEDA DAMAQA LEH
NAFTU AANAY DAYN KARIN
MARLABAAD U DUULOO
NOLOL AAN KA DAYANAA
WAA DALKAAD U DHALATOO
XUMO LAGU DULOOBIYO
DIIQADI MA TAALEE
JAGADAAD KADAGILAYD
IMIKABA KA SII DAYO
INTAAN DAYRAR LAGUXIDHAN
TAASI WAA DAREENKAY
WAXSE AAN KUDARAYAA
DOODU WAY U FURANTAHAY
ARINTAA KA DOOR ROON
RUUX KASTOO KU DARAYIYO
MIDKII DIIDAN HADALKABA
HADIISE DAAYIN NAGU SIMO
DIBAA LOOGA SHEEKAYN
DOODIINA KABA BAXAY

ma dhiiraday caawa

tix dan waxaan tiryay 18/05/2004 xafladii oo la iga soo casuumay ayaan kaga qayb galay




Dhawaaq la bilaab
Inaan bisin dhaafo
Horaan uga dhaartay

Inaan dhulka hoyo
dhibaatiyo hawlba
Naftayda u dhiibo

Oo aan dhudhun beelo
Dhiigayga u daadsho
Horaan ugu dhaartay

Cadawga dhirfaaya
Khayraad ka dhulkayga
Ee soo dhabacaaya
Si uu u dhuyaaalo

Hadaanan ka dhiijin
Dhankaa dhan dheh gaban
Intaan dhag ka siiyay

ma dhiiraday caawa
Ma dhaafine heedhe
Kaluukna ka dhooban

Badayda dhexdeeda
Hadaanan ku dhaadan
Geelii dhaqayoobay

dhiilkii gorofoobay
Dhaydii adhigeena
Lo'dii dhitadeeda

Dhalaanku ka haago
Markaan dhereg dhaafno
U dhoofino meelo

Ugaadha dhuyaashay
Dhulkii ka dhamaatay
Gamaankaba dhawrin

Beeraa dhinacooda
Intaan u dhaqaaqo
Dhirtii ka baxaysa

Inaan dhab u beero
dhaqaalaha tiirsho
Horaan ugu dhaartay

Dhankaa dhan dheh gaaban
intaan dhag ka siiyay
Ma dhiiraday caawa

Culuun la dhigaayo
Inaan dhimirkayga
Aqoon ku dhiteeyo

Dhamaanba duruusta
Iskulada dhooban
Ku dhaansado buugta

Anoo dhuganaaya
Waxaan dhiganaayay
Oo aan xabad dhaafin

Dharaar itixanka
Markaan dhex fadhiisto
Inaan wada dhaafo

Dhamaan ba filkayga
Dhab siiyo shahaadad
Aqoon lagu dheehay

Anoon dhan u leexan
Dhankaana jaleecin
Inaan dhulkii hooyo

Dharaar la arkaayo
Intaan dib u dhofo
Dhalaanka koraaya

Caruurti dhulkeena
Waxaan cilmi dhaamo
Anoon dhamidoodba

Dheecaan kaga raadin
Dhigaalka aqoonta
Bakhaylnimo dhaafo

Ka dhawrsado ceebta
Inaan isu dhaafsho
Horaan ugu dhaartay

Intuu dhinacaygu
Dhulkaa ka sareeyo
Saantay dhogor leeday

Dhiiftii hadalkayga
Inaan dhab ka yeelo
Aamiin ku dhawaaqa

Dhankaa dhan dheh gaban
Intaan dhag ka siiyay
Ma dhiiraday caawa

Ma dhaafine heedhe
Dhulkeena xoroobay
Cadaawe ka dhoofay

Ragii u dhibtooday
Rasaas u dhigaayay
Dhafoofkiyo laabta

Dhintee hada mootan
Agoomaha dhaafay
Kuweer Dhutinaaya

Dhantaalmay Jidhkoodu
Dhaqaaq gabay haatan
Inuu rabbi dhaafo

Dhamaan dambigooda
Aamiin ku dhawaaqa
Kuwiinani dhoofka

Dhul ay yurub leeday
Qurbaa dhex maraaya
Inuu dhudhun kiina

Dhukeenu sugaayo
Dhafoorka ku haysta
Dhankaa dhandheh gaaban

Intaan dhag ka siiyay
Ma dhiiraday caawa
Ma dhaafine heedhe

Dambaal wada gaadha
Dhamaan wadankeena
Dhamaan afrikaanka

Dhibaatadu hayso
Midh aynu ku dhaano
Cadaawaha dhaaraty

Markuu ina dheehdo
Midh uu dhimanaayo
Mid aan dhursugayno

Inay dhanka kaabto
Aqoonsi dhameeya
Aqoonsi dhamaanba

Aduunyadu dhiibto
Dhulkeenu u aayo
Anoon dhinacooda

Dhulkii raga jooga
Dhaliilba u haynin
Ayaan dhud ku boorin

Inay dhidib keeda
Dhisaan nabadeena
Mid aan ku dhargayno

Mid aan ku dhismayno
Mid aan dhamideenba
Dhigaalka u ayno

Dhalaanku ku ceesho
Haweenku ku dhaato
Barbartu ku dheesho

Waayeel dhamidoodba
Nastaan dhinacooda
Mid uu dhamidiiba

Dhigeen ina eegto
Dhaliisha ku reebno
*****************

jaadka

GABAY JAADKA
GABAYGAN GAABAN OO KU SAABSAN JAADKA IYO DHIBAATOOYINKA
UU U LEEYAHAY BULSHADA IYADA OO AAN LAGU DHAMAYS TIRI
KARIN HAL GABAY AMA HEES IYO BURAANBUR TOONA AYAAN BAL
WAXA AAN ISKU DAYA YAA IN AAN JALEECO YAR KA TUSO DHALIN
YARADA HADA JOOGTA OO AAD MOODO IN AY SI AAN LAQIYAASI
KARIN U QAYILAYAAN HADABA ANIG OO AH FAYSAL AW CABDI
CANBALAASH GABAYGANA SAMEEYAY 05/01/2000 SANADKAN LABADA KUN
BISHII KOOWAAD SHAN TEEDII BAL ILA EEGA.
GABAYGU WAXA UU KU BILAABMAYAA SIDAN

· JALBEEBTIISA GABAY WAAYADAAN WAANIGII JARAYE
· HADBA ANIGA OO JOOJIYAY WAX IJUJUUBAANE
· AAN JAREEYO CAWANA TIXDAY JIRRATAY LAABTAYDU
· NAF JECLAATAY INAY JAAD CUNTAA WAY JIRABANTAY E
· JIDIIN KUU KA GOOYIYO CUNTADA YUU KA JARAYAAYE
· QAADIRADA JOOGTADA AH BAY INDHUHU KULA JANJEEDHAANE
· BEEN LAGU JALBEEBTIYO XAN BUU KUU JIDEEYAAYE
· DHANKASTOOD JALEECDONA MALAHA JAAWO IYO KHAYRE
· INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH
· HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO
· INTA UU NIN JIIDH WAYN LAHAA JARAY ARWAAXIISA
· AMA JEES KU BAABA,AY INTUU JAADKU SALABEEYAY
· JAGAAGACA KABADAN SHEEKADAAN JEEBKA KUHAYAAYE
· INTUU WIIL JAHADA SEEJIYEE DAYOW LA JIIFTAANTAY
· AMA JIIFTA WAADHKEE KUXIDHAN JEELASHA MAGNUUNKA
· AMA GABADH JAMAAL QURUX SAMAYD GEERASH YADA JOOGTA
· AMA SODOH INTAY JAAD BAREEN JIQILKA UUN TIIRIN
· AMA KUWAN DHEX JOOGUUN XABAAL JAADKA LAGU IIBSHO
· OO U KAYDSHA JEEGABA INAY JAAD KU BIXIYAAN
· JIRAY LACAG KU IIBSANAHAYAAN JAAHIL WAYAGA E
· INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH
· HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO
· JAYNAF IYO WUXUU KUGU RIDAA DEBINJAB XOOG WAYN
· JURUF IYO UR AAN KAA HADHIN OO JAADKU KUGU REEBO
· JEEBADAADA UUMADHIYO IYO DAYNKA JOOGTADA AH
· DANTAADOO UUKAA JEEDIYIYO CAAJIS KULA JOOGA
· BARYO JILICSAN GACAN HOOS JIRTIYO DAWARSIGAA JAAN
· QAJILAADA UU KAAJARIYO JIXINJIX KAA GUURA
· MURAN JAXARA BUUQ AAN LAJARIN IYO JAGUUGNAANTA
· QOFKII JUUQ YIDHAAHDABA LAHADAL QAYLO KU JAWAABKA
· INTA UU DHIB JAAD LEEYAHEE KUMANKA JAADJAAD AH
· HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO
· WAXAAN TALO USOO JEEDINLAA JAALAYAAL BADANE
· WAYDINKAAN JICIIRTEE LIBDHEE JOOGIN EE TAGAYE
· JAAHIINI WAXA UU KA DHIGAY JOONYAD OO KALE E
· ISKA JOOJA GEEDKAAN JINEE JIITAY NOLOSHIINA

wax barashada dadka waawayn

Tixdan waxaan sameeyay ka dib markaan kormeer shaqo ku soo maray qaar ka mida kuliyadaha waxbarshada dadka waawayn ee magaalada London si aan u ogaado hawshu sida ay u socoto anoo taas oo shaqadayda ah ku mashquul sanaa ayaan hadana si gaara u indha indhaynaayay bal cadad ka ay leegyihiin dadka somalida ah ee wax barashda ka qayb qaata oo aan aad iyo aad u qawaday waxay ahayd 17/03/2008


Induruustu shay doorataan idin dareensiine
doc kastaba aduunyada markaan dayay intaan eegay
duqaytida wax baranaysa ee madaxu deebaystay
dixda ciida taalla iyo ka badan dooga soobaxaye
habro aan dariiqba arkayn yaa doon tay qalinkiiye
odayaal dhakadu diirantaa buuga loo diraye
waxan adiga kuu diidayaa iima daadagine
soomaaliyey dib u dhacdee wax is darensiiya
dugsiya kan furaneen qofkiin daahir uga muuqan
doqoniimo daan kula dagtee da'iyo wiil gaadhay
doob iyo gashaantiyi xamaal doorte badidoode
dacwad waxay ka dhigayaan ayaa kaga sii darane
maskaxdaydu way daashay bay kuu dul maryaane
da' wax dhigata soo dhaafay bay kuu dudubiyaane
damiin nimadan soomalidii badiba doonayso
danta ay ka helaya runtii iima daadagine
daayeerba sacabkuu biyaa kaga dar goyaaye
luqaduna dan weeyee hadaan sidan la soo doorin
turjubaan degdegayaa midhkuu kaaga dalaw siyay
degimaayo laabtaada oo way dafiraysaye
dibnahood ku aargoosataa diiftu kaa hadhiye
baldayaay qofkaan digigixoon hawsha dacaltaala
bal dayaay duruusloo kacaa darajo weeyaane
bal dayaay dadaalkaaga hore samo dambaysiiye
bal dayaay aqoondonashaa sharafi duun taale
kolba duulka kula yaalabaad dabac wadaagtaane
marhadaan qof dib u laabma oo duula la helaynin
damacdeena ina joogaysaan urub dagaankeeda
la qabsada duruuftana xamila doorba wax jooga
dugsiyada aqnoontiyo tacliin doonta qalinkeeda
duruustana akhriya maalin bay di'I sidii roobe
iskuna daya dadkaygoow in madax lagaa doorto.

tahriib ka

Tixdan waxaan sameeyaya markii inmudo ah aan website yada wax u dirdiraayay ee uu si lama filaan ah iila soo xidhiidhay nin ay haysato dhibaato tahriib iina sheegay in isaga tiisu waa saleelee ay jiraan rag iyo haween la isku dhex daray oo dhibaato badani ka yasato haween faraxumayn joogta ah la kulma waxaanan sameeyay tixdan 28/02/2008

Tahriib socod ka tiigsiga qurbaha talo xumaan doolka
Is tuuryaynta maal lagu tagrifo tacab qasaaraynta
Is ma tudhasho caarkaa turkiga daadsan tubahooda
Tiriigaa la mood iyo intaa timo haldhaalay leh
Ee nimaan taf tooda u qalmini taabtay maradooda
Ama fara xumayn loola tagay tiro ma yeeshaane
Ee tuuggu googo'a masruuf beenta kaga taabtay
Iyo ceebta nagu taalla ee nala tacaalaysa
Allahayoow na taageer aday taada noqotaaye
Tafaraaruqaa dhacay ragaa Yurub tabaalaysan
Inta beenta lagu teediyee dhoof ku taamaysa
Inta dhimasho loo tirinayo e dooni laga tuuray
Inta faraha lagu teediyee teer kastaba seegtay
Ee tuban giriiga ka badan toban kun oo wiile
Kaysoow dadkaan tabay ka badan dhagaxa tuurtaase
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye
Tuugadan dadkii waashay ee noona tudhahaynin
Ee taajirnimo gaadhay ee lacagta loo toobsho
Iyo tuhun kan beenta ah ee dadkii wada tabaaleeyey
Ragaa socodka toorayn jiree dumar tahriibaayo
Dadkan wada tabaaloobay ee tacadiyee liita
Tartan baaba lagu soo jiraa tu aan haboonayn e
Kuwan tagay kuwaa tacabiray kuwa kalaw taagan
Talan kodu kuwa uu qabsaday toobiyaha qaada
Intii toos wax ugu sheegi layd kuwaa diiday taladooda
Ee xeryaa ka wada taahaya e baahi tananaaya
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye
Allaw dawlad tabantaabo lootamaro xoog wayn leh
Tacab iyo wax soosaar mid loo shaqada loo tooso
Ooy nabadu taam noo tahayoon cidina tuuraynin
Oo tacliinta loo beratamooy teedsan tahay diintu
Dhallinyaro tamuuxaa ka badan oon tirona koobaynin
Oo tababar loo furay aduun waa is takuliye
Iyo waxaan tabaynaa aduun taynu ku lahayn e
Gabdho tamashle fiidkii ku mara toobiyaha suuqa
Odayaal tiraabtiyo murtida talada noo raacsha
Iyo waxaanu kaa tuugaynaa tuul nimcoo badane
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye

Aqoonsigii

Tix dan waxaaan sameeyay ka dib markii dood ku saabsan maxaa hortaagan aqoonsiga Somaliland ka dhex bilaaban tay website ka www.hadhwanaagnews.com 06/03/2008

Indhowaydba waataanan odhan erayo waawayn e
Ma astaynin maansooyin kaan uubatayn jiray e
Gabayna waxaad odorostaa markuu helo albaabkiise
Waxaad ulakac heestaa markay hawli ku agtaale
Ayaantii istaageenna kaw la istiqlaalaayay
Odayaashu maantay garteen oosha taladeenna
Ujeeddadu ka waynayd inaynu muran ka oognaaye
Aqoonsiga kan naga raagayee ee loo il bixin waayay
Waxla yidhi ammuurtiisu waa olole liidnaan e
Wax la yidhi dad kii loo igmaan hawshi eel bixine
Wax la yidhi adduunyadu dhammaan ooday marinkiiye
Wax la yidhi aqoonyahanaadaa gabay intoodiiye
Markii ay awood qaybsigii laga itaal boobay
Wax la yidhi haweenkaa inkaar aada keensaday e
Wax la yidhi idaylkeenba waan aayar soconaaye
Wax la yidhiba niman baa midnimo Xamar u ooyaaya
Afkana kaala wada goosashana kala irdhaynaaya
Rabibaa ogsoon uurka daban waxay ku aaseene
Afrikaankan naga jeestay ee diiday arageenna
Wax la yidhi axmaarkaa warxumo siiyay inanoowe
Islaantii dhowaan noo timeee sahan ku eegaysay
Illinkii diyaaradda markay il'i ka soo booday
ashqaraarka waa tii ahayd waana la ogaaye
Wax la yidhi anfaco maysan cunin faraxa awgiise
Aqalkii caddaabay ammaan gaysay amaroowe
Wax la yidhi ameerika hadday noo aflaxaysaa
Mar haddaan adduunyadu i odhan waan ku ictiraafay
Waa inaan awood iyo laxaad eegga kicinaaye
Nin waliba agtiisuu ka yahay oday safiireede
Waa inaan u orodnaa dhammaan soo aqbalideene
Ummadyahay ka kaca wadajirkaa lagu itaalaaye
Indho fiiro laan kugu aqiin arti dheeraane
Ummadyahay ogsoonow waxaa edeg laguu qoolay
Dagaalkii ablaydiyo lahaa eebadiyo soodhka
Afar jeer haddii lagu noqdoo tiro la soo oodo
Ubaxii u go'ay laantanaan cidi ilaabayne
Ayaan qudha ragii leedaybaan gabay astaynayne
Naafada udbaha jiidaysee udulub luudaysa
Araar laguma soo koobi karo maanso alifkeede
Ifafaaalihii guushu wuu soo if baxayaaye
Ufada iyo gaydhii hadday guban ka oogmeene
Albaabadi haday noo furmeen awdanaan jiraye
Awood maalin lagu giijiyiyo odayo loo saaro
Iyo waxa aqoonsigii ka hadhay toban ayaamoode
Alaylehe wixii aan rabnaan aayar helaynaaye
Waa kaa ilayskii fidshee ayatiin dhalaye
Waa kaa sidii ayro geel ibaha soo giijay
Abshir dhaha wakaa soo unkamay oogi waabariye
Indhowayd ba gabay gii ka tagay heesna maan tirine
Ma tiraabin maansooyin kaan teedin jiray waaye
Talo guud markuu yuu naxwuhu taabo galayaaye
Aan tilmaamo caawoo kaluu toosin leeyahaye
Toban iyo todoba baan soo jirnay iyo tiriyo dheeraade
Nabad lagu taanaadiyo samaa taabka noo galaye
Hadaan toban kun oo wiil u dhiman calan ma taagneene
Hadaan talada odayaashu qaban sharaf ma toosneene
Hadaan shicib ku taakulo ku darin qaran ma taagmeene
Hadii aan tastuur loo samayn tacab ma yeel meene
Toban iyo sided may na waa tilmaan adiga kuu taale
Waxa galabta loo taagan yahay taabo galin teede
Ha tis qaado hana toosto oo yaan la kala tuurin
Raga talada loo dhiibay oow tiirsha magaceena
Oo yaynaan tasayn waxa u go’ay toban kun oo wiile
Taariikh daynu leenahay nin ogi gacanta nootaagye
Tartan bay aduun yadu ku tahay taynu leenahaye
Tu ay axmaarada ku tahay taa ku dhinac taala
Nin waliba tab iyo xeelad buu soo tukubayaaye
Isku tiirsadaay wada jirkaa tabar ku leediine
Taakuleeya kii yara jilciyo tamarta kii liita
Isu tudhana yaydaan ku dhicin taabka cadawgiine
Dhaqan kana ha tuurina dadnimo waa mid kula taale
Markaad tiisa dhawr tahay dadkuna taabac kugu yiine
Tima jilic ba waad aragtay oo toodi may lumine
Ha ka tagin tilmaantaad lahay sharafi waa taase
Islaamnimada waa lagu tudhaa taynu leenahay e
Tawxiid ka haystiyo wardiga iyo tasbiixdiisa
Tukashada salaadana xejiya oo jamaca soo toobsha
Tiriig baa ka baxa meel haduu xoog tumaatiyo e
Marka toban is raacdaa wax qabad taabo galayaa e
Somalaa tilmaan to ku tidhi hadalo taariikh leh
Haday gacantu kali taagan tahay tahar ma goyseene
Taban taabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane
Isku tiirsadaay waxaynu nahay talo wadaagtiiye
Tuhun galiya cadaw geena oo tacab ka wayneeya
Tilmaan ubad ka aan uga tagnee qorana taariikhda
Ha tis qaado hana toosto oo yaan la kala tuurin