Sunday 4 July 2010

YouTube - Dhugasho.wmv

YouTube - Dhugasho.wmv

YouTube - Dhugasho.wmv

YouTube - Dhugasho.wmv

Dhugasho waa tix Gabay ah oo soo baxday 01/07/2010

Waa Tix gabay ah oo la curatay Dhalashada dawladda cusub ee uu hoggaankeeda qaban doono Madaxwaynaha Axmed maxamed Maxamuud Siiraanyo waana Dardaaran iyo waano talo wax sheeg iyo hambalyo. Way gaadhay madaxwaynaha waanu dhagaystay .. halkan ka eeg ama ka akhri

http://www.youtube.com/watch?v=lku9QoVrsmM

Waa dhugasho waxaanay soo baxday 01/07/2010

1. Dhigaal gabay Baryahan dhimirinteed waanigii dhigay
2. Ka dhuyaalay maansooyinkaan dhiibin jiray waaye
3. Dhadhankeeda waataan naceen dhaafay qoroddiiye
4. Kol hadiise codadkii dhamaan shicibki kuu dhiibay
5. Ooy doorashadi kuu dhacdoo guushi lagu dheehay
6. Ana laba dhudood baan rabaa inaan ku dhiibshaaye
7. I dhagayso dhiiftii san bay dhego u yeellaanne.


8. Dharaar waliba meel bay gashaa lagu dhowaystaaye
9. Dhaddig iyo lab waataan dhamaan hebella dhaafayne
10. dhalco iyo kulaylkii dadkii faylka dhereraaryay
11. Xisbiyadana lookala dhigee qaarba dhan u fooday
12. Eey kaadhadh koodii dhigeen meeshi lagu dhoobay
13. Qof waliba midkii uu la dhacay wuu u dhigay siine
14. Nasiib kaa is dhaafshee markii tirada dhaafay
15. Nin waliba wixii ugu dhacuu goobta soo dhigay e
16. Hadduu calafku kuu dhiciyay oo libin laguu dhiibay
17. Adna noqo mid lagu dhaato oo magaca dheereeya


18. Dhayal maaha madaxnimo nin ragi wuu dhitiqiyaaye
19. Dhugashuu ku eegaa talada wuu dhudhumiyaaye
20. Dhiiri buu ku gooyaa go'aan xeerku uu dhigay e
21. Dhacdhacna wuu ka dhawraa runtuu seeska dhigayaaye
22. Dhamays noqo nimaan dheel u arag dheeho shicibkaaga
23. Ka dhagayso tay kuu dhigaan dhuuxna hadalkooda
24. Nin caddaalad dhawraa ummadi talo u dhiibtaaye
25. Dhaayaha fur waad wada ogayd dhimashadii jaane
26. Dhabihii raggii hore ha marin waad ku dhumaysaaye
27. Sharcigana ku dhaqan geesibaan dhaafin qodobkiise.

28. Dhaqan gali dhismaha dawladnimo dhaarta run u qaado
29. Ka dheeraw dhaliishiyo xumaa dhaaf wax laga roonyay
30. Dhursug samaha waa loo samraa loo dhug tiriyaaye
31. Dagdag haw dhaqaaqine lahaw dhimir wax miisaama
32. Dhito yeelo kii magac leh baan dhiman abiidkiiye
33. Dhaddig iyo rag wiil nuujiiyoo dheefta ugu deeqa
34. Oon kala dhigayn ee shacbiga dhaabad ugu jeexa
35. Oo wuxuu hore u dhigay run iyo dhab uga yeelaaya
36. Dhaayuhu ninkaasay rabaan dheehashada guude
37. Dhulku wuu harraadee udiro sahan wax dhuudhaafa

38. Dhagaxa iyo buuraha ka doon dheeman lagu sheegye
39. Dahabkii dhalaal kiyo lahaa dhiraha yaaquudka
40. Dhuxul iyo batrool baa ku jira dhuuni iyo luulle
41. In saliidi noo dhoobatay dhawr kal wariyeene
42. Kala dhuuji khayraadka dhiman dhaxalka noo soo qod
43. Markaan dharagno mid la dhoofiyiyo dheeri uga soo gur
44. Carabtays dhacsiisee mid aan dhaafno igu dooji
45. Dooxyada biyuu dhaafayaan dayrta dhibiceedu
46. Ma'shaariic dhamaysaan rabaa dhaamam ii qoda e
47. Dhaan iyo aroor baa na dilay hooyo dhabarkeede
48. Mishiin biyaha iisoo dhuftiyo tuubo laga dhansho
49. Dhuun iyo qasabadaan rabaa dhoobo loo qoday e
50. Dhabadaha nin naga daadsha noqo daacad lagu dhaato

51. Ma dhamaato diintuye ninkii dheelli tira teenna
52. Ee dhimirka ii doojiyee dhayaya laabtayda
53. Ee barbaarta ii soo dhisee toos'sha dhaqankooda
54. Tacliin dhigasho tii lagu dhergiyo dhaadashada buugga
55. Barayaal jahliga dhoofiyoo qalinka noo dhiiba
56. Iyo waxaanu kaa dhawranaynaa dhaqasho weeyaane
57. Noo noqo midaan been ka dhigin hadalki uu dhaabay

58. Dhulku waa dhulkaagii ha noqon dhoof mid lagu keenay
59. Dhuuni qaate waan soo arkee dhawro sharaftaada
60. Ragga talada kula dhiibayana dooro warac dhaarsan
61. Dhamaas lalama saaxiibi karo dhaaddan qara wayne
62. Geesi dhiig xamaasiyleh baa lagu dhowaadaaye
63. Dhukaniyo wasiir xume ha diran tuug wax dhicid doona
64. Ka dhuyaal qabyaaladi aqoon way ku dhimataaye
65. Dhallin orodka dheeraynaysoo dhigatay buugaagta
66. Dhaabaddiyo dastuurkana yaqaan oon ka dhici doonin
67. Oo horumar kugu dhiirriyoo dib u dhac kaa dhawra
68. Dhababaciyo wiil hawl karaa geela ku dhaqa e
69. U dhiib xilalka iyagaw dhashee ha isla dhaabeene.

70. Dhakhtarro iyo xanaanaba dhis oo daawo badan noo dhig
71. Shaqqaalaha dar dhereg haysta ood dhururi siinayso
72. Oon laaluushka dheecaaminoon dhaawac kale keenin
73. Oo aan bukaan socodka dhibin qaar dhanqalan keenay
74. Dhidar iyo waraabiyo ma rabo dhabar xuneey tuugo
75. Kuwan shicibka dhalandhooliyiyo nacasku hay dhaafo
76. Dar ilaah dhankisaw tudhoo dhab u shaqaynaaya
77. Iyo waxaanu kaa dhawraynaa dhalasho weeyaane
78. Cusbataallo aan laguba dhiman adigu noosoo dhis

79. Afartaa dhameyaye miyaan dhaafay marinkooda
80. Ma u dhigay sidii deero gaad dhumucda miisaaman
81. Dhugta qoriga liishaan intaan shiishka dhabu saaray
82. Sida dhibica roobkoo onkoday dhoola ka hillaacay
83. Oo waqal dhamaysiyo darfaa hoorrin kaga dheegay
84. Oo ceelashii dhaamiyiyo meel dhulkaa godanba
85. Ma dhex joojay waataan baryahay dhaafay gabaygiiye
86. Dhacdo kalena waa kooxihii dheesha aan badinin

87. Aduunyadu ka dheeg iyo ka dheeg way dhutinaysaaye
88. Isumana dhammaatoo waqeed meel uun baa dhimane
89. Tartankii rag loo soo dhigee laysku dhici waayay
90. Dhan uun bay u badisee nasiibbaan ka dhigin tiine
91. Dharaartiina suga waa kalay guushu soo dhiciye
92. Hana dhihina waa nala dhacoo dhiilo yay imane
93. Intaad gacan u dhiibtaan ducada hoorsha dhibicdeeda
94. Hawshana dhankiinuun qabtoo yaanay dheeliyine
95. Dhulku waa dhulkiinnee taladu yaanay dhicisoobin
96. Dhag xumana ha yeelina wadani wuu ka dhididaaye.

97. Shicibkana ma dhaafine haddaan dhiifta maqashiiyo
98. Kolka hore dhankiinnii hurtoo dhiibte codadkiiye
99. Nin waliba wuxuu calaf u dhigay dhabbada loo saarye
100. Ha yeeshee waxbaa dhiman dadyohow ina dhamaysaane
101. Dhugta samaha dheelaga ka jira dharwta nabaddiina
102. Dhexdiinana cadaawaha ka hira dhagar qabaa buuxa
103. Iska dhiciya wixii meel ka dhaca dhiigna ka lahaada
104. Idinkaa u dhiibtaye ka dira kii dhegxumo keena
105. Una dhiibta wiil dhimiro loo samo wax dheeraaday

106. Rabbina hayna dhawree ku dhaga khayrka dhinaciisa
107. Dhiillo iyo ha yeelina wixii dilaya dheehiina
108. Caadifadna dhaqankeed ka taga waa dhib marinkeede
109. Hana dhihina been waa cadaab taa ka dhaxashaane


110. Nimankii la dhaarshee kitaab dhudhunka loo saaray
111. Ee dheeho lagu aaminee xukunka loo dhiibay
112. Rabbi hawga dhigo tii dhib yari loogu dhigay maanka
113. Oo dunidu waa wada dhibiyo hawl is dhinic taalle
114. Rabbi haydin dhawree midhkaa dhaha bal aamiinta !
115. Waxba gabaygu yuu meelo dheer iila sii dhicine
116. Bal aan dhababo eebbaan gacmaha soo hor dhigayaaye
117. Allahayoow nimcada dhalatay iyo nabadda noo dhaami
118. Allahayoow dhamays baa dhashaye dhayda na waraabi
119. Oo dhiilka noo buuxiyoo uu fakhrigu dhoofo
120. Alahayoow mid shicib uu dhargoo dumarku dhaashtaan
121. Dhalintiyo duqayduna nastaan kii horaa dhibay e…


Faysal.awcabdi@gmail.com

London Uk

http://faysal-awcabdi.blogspot.com/