Saturday 6 August 2011

Waa hees la magac baxday Dhago yeelo

Ayaan

Ayaan waa tix gabay ah oo Caawa soo baxday waxay ka hadlaysaa iyo duluc deedu waa jacayl waxaanay ka curatay arrin ii gaara islamarkaa waa hadiyad meel u socotay waa caawa oo ay taariikhdu tahay, 06/08/2011

Akhris wanaagsan

In dhawayd ba alif kii murtida maan abaabuline
Ma astaynin maansooyinkii mana aloosayne
Afkan juuqda gabay aamuskaa ereyba loo diiday
Alifaadi waxa joojiyeen aamus uga doortay
Amuuraha haddaan kuu furfuro adiga weeyaane
Amakaagay quruxdaadan iyo arag wanaggaase
Aan idhaahdo waxa uurka gubay waa afkala qaade
 
Ayaaneey awaalaha jacayl waygu ugubyay e
Adigaan anfaaciga cuntada oomataw nacay e
Aqal iyo adaan kaaga baxay edeggi reeraaye
Ehel iyo adaan kaaga go'ay dhami asxaabtiiye
Uubato iyo qaylaan hurdada alaladaayaaye
Indhahayga nuurkoodiyeey araggu waa adiye
Aqoontiyo waxaad tahay qalbiga aagga dhimirkiiye
Iridaha wadnaa iyo adaa jiifa ubucdiiye
Asalbaad ku tahay beerka iyo laabta oo idile

Oog shidan aroor iyo hillaac meel fog laga eegay
Sida ololka bilicdaadu way ii iftiintaaye
Nuur baa indhuhu ii qabtaan soo agmaridaaye
Aqalkaad ilays iiga dhigi ooda rogan fiide
Arligoo intuu roobku helay mayay ku eegaaday
Dhulkoo ila xareediyo biyaa aayar soconaaya
Curdin ugura kayntoo ugbaad hawrtay idilkeedba
Dhirtoo ubaxa oogada ku yaal la anfariiraayo
Daayrtoo ibaha furatayoo dhibica eekaysay
Dhulkuna uu ugabAad wada yahood ku istareexayso
Adhiga iyo geeluba dhaloo la inti faacaystay
Oo edegga maqal lagu xidh xidhay ililgaynayso
Ashqaraar nimcada eebbahay deeqda ku illaadshay
Ku ag dhigay ammaaneey hablaha kaa ishaaqsaday e


Onkod buu jacaylkii noqdoo way abqa'a yaaye
Ufadiisi baan goorkasba ulasho reemaaye
Orod baan intaa roorayaa aayar socod daaye
Aduunbaan ku soo eegayaa kuna arkoodaaye
Ku ishaartay adigay naftani kugu ekoontay e
Aqbalkaaga uun baan rabaa iyo odhaahdaaye
I addeeciddaaddaan raabaa ehel wadaagaaye
Aqal aynu wada yeelanaan ku israteexaaye
Ma adkaysan karo oo anigu waan ku aanshaqay e
Waan kuu ilmeeyaa sidii wiil abaydin ahe
Ammaan baan intaa kuu hayaa kuu akhriyayaaye
Ixtiraamka adigaa dadkaba aamin kuu ahay e
 
Amba qaadki noloshaydiyeey adiga weeyaane
Awlaad qof lala yeesho oo ii ah baad tahay e
Inantaan ilaahay baryeen calaf ku eegaayay
Inantaan adduun yada dhammaan kali ku eekooday
Afrika iyo eeshiya yartaan yurub ka soo eegay
Inantaan adduunyada dhammaan aan iyada doortay
Edeb iyo xishoodeey dadkuba adiga weeyaane

Amba qaad hubqaad kaad haween aad ka ilsamaataaye
Adinkiyo tallaabada ayaad ku istixyootaaye
Afgaabnaan xishoodkaan adigu aayar hadashaadaaye
Ma annaanadide sheekadaad edeb u qaaddaaye
Astureey wanaageen samaan baad u ehel tay e
Idilleey ilhaaneey islaam ruux ah baad tahay e
Aniguna insaan kula midoo aadan laga uumay
Waxaannahay ilmaadeerro aan meella kaa aadin
Intifaacsigii baynu nahay isuba baahnaaye
Axdi ila gal aqal baan rabaa udub an taagnaaye
Ifkood igu addeecdiyo ahaw oori lagu eerto