Saturday 22 August 2009

Suubaalo diid Waa Tix Gabay ah oo

Salaamu Calaykum Dhamaan rag iyo dumar .

Waxa aad moodaa in dhinac kaliya ay u socoto oo aan la isla wada fahmin ee sababta iyo ujeedada guud ee Silsiladda waxaana loo muuqdaa in dhinac kaliya loo socdo, waxaan se odhan lahaa bal akhriya gabayada intaan laga sooo jawaabin markaasaa jawaabtu waafayqaysaa halka aad u socotee.

Waa SUUBAALO DIID waxaanan ugu jawaabayaa Axmed Maxamed BADEED ee ahaa Safaaddiid Akhris wacan

Sa'da gabay sideedaba ma rabin inaan siraadaaye
Ma jeclayn inaan sawd idhaa hadalla saafaaye
Marka se lay sanqadhiyaa tiriig ugu siraadaaye
Sida seerma waydaan bulshada arar ku sooraaye
Sawaxanka iyo xiinkaad ka garan hoorin subaxeede
Axmadoow sifaalaha murtida sadarka aad yeedhay
Saxay oo warkaagii helay oo salkaw dhigay e
Ima seegin oo waan akhriyay sadardaadiiye
Masay solin naftaydoo sibaa kuu qawadayaaye
Bal u fiirso aan kuu sawiro soo jiraan ahay e

Marka hore salaam iga guddoon gacan suldaaneedda
Safka iyo abwaanada u gee nabad inaan seexday
Saatir inuu barwaaqada na sugay samona noo qayday
Oo aan sujuud ugu naqnaa mahadda waa seere
Idinkana sidaydaan rajada idiku siiyaaye
Saacaddii la joogaba ducaan idiku sooraaye
Sigashiyo sabaaliyo wixii saxalla ee jooga
Rabbi haydin seejee nimcada jiida subaggeeda

Marka xiga suleekhadan haddaad sahalo moodayso
Siqiir yaanay kula noqon yartuye ina sarkaal weeye
Waa sabada ciiddee nin lihi samo ku joogaaye
Waa samaha guushee nin lihi sahan ku goobaaye
Waa saban barwaaqiyo xareed socota goorteede
Waa subaxa roob kuu da'iyo samalahoo buuxe
Waa mayay dhulkii wada simoo qaaday saxalkiiye
Ragba waa midduu saanyan laa sabankan joogaaye.

Haddaan idhi nin saranseeriyaa say u noqon maayo
Haddaan idhi nin samo diidayaa say u noqon maayo
Haddaan idhi nin suluf roorayaa say u nooqon maayo
Haddaan idhi nimaan sabi kirini say u noqon maayo
Haddaan idhi nin tiisuun saxdaa say u noqon maayo
Haddaan idhi nimaan sooljar noqon say u noqon mayo
Saaqid iyo yartaa suuq wareeg fara ma saaraayo
Mar horay salcaantee haddaan diiday saxariirka
Ama aan ku sugay sheekadii hadalo suubsuuban
Sax baan wax u wadaa hay qawadin adigu saaxiib

Hadduu adiga kula suuban yahay sadarka uu baanay
Si kalaad u eegtee haddaad fahamto siiqdiisa
Adba waxaad ku saadaalin layd saadamiyo waaye
Soke haw jaleecine bal eeg waaga subaxiisa
Sarbeeb weeye sheekadu jacayl lama sadqaysteene
Sollaa hadalka laga eegayaa saraha dhaadheere
Adiga iyo saaxibadaa maydinnaan soline
Aan kuu sifeeyee ka bogo gabayga suugaanta

Nin saxaafadaa maalinaha dhugasho siinaaya
Oo wararka seetada ku xidhan samo ka dhawraaya
Halka ay siyaasadi jirtiyo waa ogyahay say u socotaaye
Sabadiina waa lagu hirdamay laysna wada seegye
So’dana waxa ku jira wiilashaii saamiga lahaaye
Nimuu shicibku siiyaba rag wuu wada sugaayaaye
In kastoon ninkaan saari laa laga sokaysiiyay
Saddex duba cidlay seerayaan sabo awaareede
U sadburi ninkii saa’id iyo horu mar seesaaya

Sa’da kale haddaan dhoolla yare saxo odhaandiisa
Ama aan su’aashiyo naxwaha saani uga heeso
Sabi nimo yartii lagu korshay diinta sdaarkeeda
Sawaalaha yartii laga dhebey hawlla laga soocay
Sabaalaha yartii lagu dayay ee la yidhi seexo
Siday jeceshay inantii wax badan saado lagu sheegay
Ee sikhigu magaceed ka dayay siiradii nabiga (NNKHA)
Socod barashadeedii yartii sabada loo xaaday
Soo dhowowda inantii dadkuba ubaxa saydhaayay

Waxan ay la sabardaahday iyo silic maryaadkeedu
Wax sahaalo lagu sheegi karo maaha sulubboow e
Sanadaha intay soo jirtiyo saa’id iyo maalmo
Tan iyo saacaddii ay kacdiyo subaxan aan joogno
Mid siniinta nuugaaya oo sahaya oo waalan
Ayuunbaa sallaankaw koree saalax may arag e
Sallid baa habseeyaye si kale uma salcaanteen e
Inta uu nin sama doonayaa sugayo guurkeeda
Ama ay safkeediyo bulshadu sahanka dhawrayso
Samir iyo inaan waaninaa saaran madaxeenna

Faysal.awcabdi@gmail.
London Uk

Tix gabay ah oo la magac baxday Summad

Written by Abwaanka Team
Friday, 31 July 2009
“SUMMAD” Waa Tix Gabay ah oo daba Socota Gabayadii Suleekha
Asalaaamu Calaykum dhamaan waxaan idinku salaamay salaantaas islaamka. Ka dib waxaan halkan ku soo bandhigayaa Tix gabay ah oo daba socota gabaydii Suleekha. ee Sahan,sagal, suuban iyo Sacabatuma. Waa dhinac kale iyo Aragtidayda. Waxa magaceeeda la yidhaa “Summad” Waxaanay soo baxday 30/07/2009 Akhris wanaagsan Faysal awcabdi cambalaash

SUMMADI Waxay tidhi
Sifa gabay sidiisaba ma rabin iyo kala sancayn teede

Waxaan ararta siiq deeda wacan sawdka ugu jiiday
Sawirbaan arkaa gacaliyoow aad sandahaysaane
Sibaa wax u waddaan oo bulshadu diiday subuceede
Ha la saro siraadkana u shida saafa ubucdeeda
Haddii kale sibaan odhanayaa hay sanifin goordhow.

Nin suleekha doon doonayoow way ku sidataaye
Ma ogtahay suldaan baa dhalay sheekh siraad badane
Ma ogtahay sagaal wiil ayay sabo wadaageene
Ma ogtahay safkii xaawalay saado iyo xaawa
Ma ogtahay inay suurad wacan sidato bayluulka
ma ogtahay saraakiil inay diiday wada saaba
ma ogtahay sideedaba inaan lagu sardaahaynin
Sidanaan wax kuu odhan af’aan lagu siniin goynin

Haduu caashaq saxi kuu hayood seedo muruxoowday
Oo ay sal kaa tahay baryadu xaalla sida kaayay
Marka hore inaad suuqantaa taladi saarrayde
Inaad socodka badisay ahayd suuraf oroddaaye
Surmi iyo inaad luunka iyo wada salcaantaaye
Sarta cagaha jeeroy gondhoco siibto badankeeda
Inaan caashaq kaa suuq galayn samac hakuu jiifto.
Haddii aad sabaaliyo taqaan saawe iyo sheeko
Ama aad sanaati iyo maal sidato doolaarka
Ama aad sad badan iyo lahayd soofka iyo geela
Sakado iyo hadaad meel qurxoon saro ka soo toostay
Sahal laguma iibsado kalgacal suuqna maba yaalle
Waa loo sigtaa loo samraa laguna seexdaaye
Suleekhana wax gooyaa ma jiro aradka soomaali

Sifo caashaq subaxay is tidhi sooco calafkaaga
Rag calaamad bay wada sudhay kii wax siri laaba
waxay tidhi sagaal baa ku jira Madina way sooce
Mid dabeecaddii laga sahay oon sinaba loo raacin
Mid saleeliyoon kala ogayn sax iyo qaynuunka
Mid sigaar la qiiqaaya oo jaadka solanaaya
Mid sikhraana oo geed qalaad sun ah laacaaya
Sawir iyo sawaab iyo midkii sogob ahee taagan
Siinta iyo midaan loo ogayn gacan wax sooryaysa
Sargad iyo mid kii qool sitiyo soodhka lagu lee’do
Saqajaan qorqode aan sinaba loola soconaynin
Mid aan talada kala saafin oon sixin odhaah diisa

Sumadahaas kuwii yeeshay baa seegay inantiiye
Waxay saxatay kii saa’id helay sabankan maanta ahe
nin siraad ka diintiyo yaqaan subucyaddii tawba
Balwad nimaan sidiisaba aqoon saafi iyo daahir
Sikhi iyo mid kii gacan furfuran siinna lagu sheegay
Raganimo midkii loo sadburay sawrac iyo geesi
Sokeeyiyo midkii gacal sita ee safka horjooga
Suluxa iyo wanaagiyo midkii samaha doondoona
Nin sixiimad lagu maaxa iyo seebab iyo doon leh
Ninkaasaa u say noqon kara ooy waayo sugaysaaye
Haddii aad sidaa tahay mashxarad saaka waad heli
Haddii kale samraa eebbaheen siin wax door dhala…..

Faysal Awcabdi Cambalaash

Faysal.awcabdi@gmail.com
London

SOORYO Waa gabay uu tiriyay faysal awcabdi cambalaash

Sunday, 02 August 2009
Salaamu Calaykum Waraxma tullaahi
Marka hore dhamaanba umadda reer somaliland way salaaman yihiin Sheekadan Suleekha ee jacaylka u muuqataa waa sheeko xiisa leh. Waa gabay jawaab u ah Gabaygii Tallaabo ee Guryo samo Waxaana la yidhaa Magaciisa "SOORYO" kolay waa iska aragti ee maaha wax personal ah. Ku soo dhowaada akhriskiisa Waa saaka 02/08/09 Faysal Awcabdi Cambalaash

Cabdiyoow sifaalaha murtida sabansabdhayn teeda
Socod baradku waa gaabiyaa kalana seegaaye
Sarsarriigna wuu kugu ridaa samacu diidaaye
Surma seegtadiisaad habdhaca suluf ka qaadaaye
waxaan ahay siyaadiyo nin helay darajadii seer e......"SIR"
Soo fadhiiso waxaan ku wadaa sooryadii gabay e

Hadduu sabanno caashaqu sudhnaa sadarka laabtaada
Ama uu ku saranseeriyoo siibay noloshaada
Ama aad u suuqnaatay ood solantay waydoowga
Ama aad ka soontood cuntiyo subag ba aad daysay
Ama aad u suuraaftay ood laylka soconayso
Ama aad suleekhaba baryada sacabadaw hoorsan
Ama aanad seexane hurdada sara kacdood buuqdo
Amaad saatirkuun barido ood ducada laba sadlaynayso
Ama sawirba aad daawatiyo suunka qalimaysan
Ama aad xarago sabarandaa fiican sidanayso
Ama aad saqaa dhexe guryaa socod ku soo jiidho
Amaad ehelka iisoo sabiyo saado diranayso
Sidan laguma helo caashaqee sawd kalaa jira e

Rag horaa ku saaqiday intay meher la seegeene
Qaar baa ka suudalay dabeed sawd u haajiray e....."South"
Sabciin way ka badan yiin raggii suudhka loo tolay e
Nin waliba sir uu qarinayaa suuqa loo dhigay e
Jacayl baa i saaquun ilayn kaama socteene
Sifo adiga kuu gooniya ood kaga saraynayso
Iyo wixii ay kugu siisan layd siinka ka higgaadi

Su'aal kale hadaan soo ban dhigo Sidani waa yaabe
Saddex baa tihiin soo hadhgalay oo saaka noo yimiye
Suleekhaana wada doonaysaan say u noqod keede
Nin walina sallaan buu hawada sudhay alaylkiiye
Wax la yidhi sifaalaha jacayl waa u siman tiine
Wax la yidhi sahwigu waa xaqiiq sida aad sheegteen e
Wax la yidhi sax iyo qalad ba waw soo halgamaysaane
Safkan wada caruus doonka ah ee rucubta saydhaaya
Waxaad kaga sarayn layd cabdoow siinka ka higgaadi

Siday horeba kuu idhi rag badan saani loo eriye
Waxay tidhi nin soojeedi kara saacaddiyo laylka
Waxay tidhi nin siidhiga u tuma oo safka horjooga
Waxay tidhi nin saadaal qurxoon sahanka loo raacsho
Waxay tidhi Nin samadaa u baxa safarna noo aada
Waxay tidhi nin siigada ka baxa oo sin uga baydha
Waxay tidhi sabool wiil wax tara oo sabi dhaqaaleeya
Waxay tidhi samaaloow nin wacan oo cadliga soora
Sawjad wacan ninkaasaan u noqon oon la sugayaaye
Kol hadduu sidiisaba dagdago talona seegaayo
Ama ficilku waa soojiree siibay xididkiisa
Ama arinka waa loo sugaa muran la soo taagan
Waxba yuu sasabo geedla tagin samirku waw taage...

Faysal.awcabdi@gmail.com

London Uk