Tuesday 13 September 2011

TACADDI

Asalaamu Calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu

Salaanta islaamka ka dib Waxaan halka ku soo gudbinayaa Tix gabay ah oo cusub Lana magac baxday TACADDI, Tixdani waxay daba socotaa, aragtidana la wadaagtaa Tix uu tiriyay Qorane Wacays Gabay Xoog oo ayaamo yar ka hor Shaashadaha ka muuqatay. Run ahaan tixdaasi waxa uu abwaanku ku taabtay qodob aad u muhiim ah.




Waxa dhowaanahan soo kordhay Abwaan sheegasho iyo suugaan aan tayo lahayn. waxa badatay is dhexyaacii waxaana meesha ka baxay Haybaddii uu abwaanku lahaan jiray.




Anigu tixdan waxaan ku tilmaaya in yar oo ka mida meelaha ay ceebtu ka timi, waxaanan leeyahay Gabaygani kuma socdo ama dhaliil uma aha cid kasta oo gabay toosan oo wanaagsan tirisa ee waa inta Iska jeclaatay inay Gabyaanse aan waxba hayn.




Tacaddi waxa ay soo baxday Maanta oo Taariikhdu tahay, 12/09/2011 Waxaanay ku billaabmaysaa sidan akhris wacan..






Indhowayd tilmaan gabay ma odhan kumana taamayn e
Ma toostoosin maansooyinkii kumana taagnayn e
Kolba anoo ka tagay bay dad kale turun turreeyaane
Tacaddiga markaasaan nacaa loola tagayaaye
Tiraabtiyo markaasaan marshaa tix iyo miisaan e.


Tiyaatarka iyo haddii aanad iman goobta laga teedsho
Ammaan shicibku taladaada maqal waa bar kuma taalle
Tiixuba dhulkuu helo ma duro meel tamuux badane
Taabashona gunaad laguma dhayo milil ku taagnaaye
Tiraabtuna sideedaba bulshada way ku tarantaaye



Qoranoow tixdaadiyo murtidi saaka ii timiye
Timaha iyo xaadday mar qudha taabatoo kacay e
Taf wareen Halbawlaha ayay taw dhex tidhi doore
Dad ma wada tusmaystee anigu galiyay taariikh e
Anigana i toyo oo i maqal tuduca aan reemo

Tixda gabay ragbaa tiring ogaa tan iyo haabiile
Taariikhda nimankii galee taajka lagu saaray
Nimankii tilmaantiyo lahaa talada miisaaman
Tubta geedka nimankii murtida taxayay goorteeda
Nimankii golaa tay rabaan dhigayay taallooyin
Dagaal laysku tiigsaday raggii tooda marinaayay
Tolka nimanki guulguuli jiray goor la kala taahay
Turxaantiyo raggii cudur ka iyo tirayay hiinraagga
Tacliintiyo raggii qori ogaa teebka arartooda
Aakhira raggii tagay rabbigu haw tamilo guulle





Rag halkuu ka tooreeyay buu liiti tubanyay e
Tuhunkaba waxaw daran dar aan tanaadaa garan e

Tabaq dhoonka maansada ku dhacay la isla tiigaalay

Nin waliba takaariga marsaday say la tahay tiisa

Sida loo taxoobsaday murtida Taajir waw magane

Xishoodkii dad wada tuuray oo timaha soo xiirtay
Haddaan sacabka loo sii tumayn kumaba taameene
Tollaahaan ku dhaartaye abwaan’ taana lala yaab

Halabuur rag tuhunkeedu galay oon tif garanaynin
Oo tookh abwaanimo sita shaadhna loo tolay
Oo tumaya hawraarta oo tiifay magaceeda
Afsoomaaligooduna takhlamay tuurna kala leeyay



Tiifiiga qaarbaa la yimi shuux tog soo rogay
Haddii aan tikraar iyo hangool tooda lagu sheegin
Ama qodob takhlaayiyo lahayn taandho lagu joojo
Ama aan dawlad tabantaabisoo talisa loo haynin
Ama aan shicibku tii leexatiyo toyanin kii wayda
Darra ay tahniyadayna yaan gacanna loo taagay



Abwaanimo kuwaa toogtay ee taagay giriyaadka
Inta ay wax soo tabaq dhabeen la isku toostoosshay
Ku tilmaamay waa gabay ayaan cidi hor taagnayne
Tollaayeeydu waa ciil markuu taahay gabaygiiye
Tamar yari miyaa lagu hubsaday taranki suugaanta?




Wa billaahi tawfiiq

Thursday 8 September 2011

Aan Janada Gaadhno

Aan janada gaadhno waa tix gabay ah oo soo baxday 08/09/2011 waana tix si mug leh looga fiirsaday farshaxanka iyo dhismaha kollay idinkaa xukumi akhris wanagsan

Jalbeeb gabay baryahan jaallaleey qaydka uma jiidin
Kuma joogsan oo waaban jaray jabaq lihiisiiye
Aan u jeesto oon jiilka furo idinla jaawayso
Jigre qori mafdaca jawleh iyo miino lagu joogo
Jeefaaf naxdina jiidh dabciyo jixinjix aan reebin
Juuqdaydu waa halis haddaan jalaq ka dhawraaye
Aan jareeyo tani waa jacayl jiidhay dhimirkiiye

Kuu jabay Jarbaan kaaga dhacay Jeexyo iyo buuro
Kuu jirrooday jiif kaaga tagay jidhidhicaan qaaday
U jarmaaday jiidhaan u kacay jarinta awgaaye
Libaax jawle aar soo jirdacan goosha jibinaysa
Jilbis halaq abees jiifa iyo jabiso xoogwayn leh
Hariimacadka jeeraaran ee orordka jiireeya
Inta bahalo kaymaha jiqda ah noocba dhinac joogo
Ula jaaray awgaa dartaa jiidhay geedaha e
Jalka iyo jidiinkii Cuntada waan ka joogsaday
Jalbeebta iyo haasaawihii daayay jabaqdiiye
Adaan kuu jucuurrahay walaal waa jacayl dhabahe
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janadda gaadhno

Kuu jibbooday kaa daba jabshoo jiibtu waa ani
Ku jeclaaday waan kuba jantoo jeel anaa qaba
Anoon jimicsan jeedaaladaan jiirta korayaa
Ma jalleeco suuqyada hablaa jalaqsanee buuxa
Jidhkaa wacan dhismaha jaanta go’an joogga quruxdaada
Jogoseey tallaabada jagta ah jookha midabkaaga
Jamaal samida laafyaha hilbaha laysku soo jaray
Jinniyaddaada weeyaan waxaa jiidhay madaxiiye
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Ka jiciirtay jeeskiyo rugtii diiday jagadayda
Is janjeedhshay jeegada malmalay jinac sidiisiiye
Sharci jabiyay jeel laygu tuur jeedal igu hoobay
Xadhigga iyo jucuurkaan u galay jaawo heliddaada
Jidgooyada jikaarkaan mutiyo muranka lay jiiday
Joodari furaash iyo saliba jaalle uma xiiso
Ka jeelmaday hurdada oo dartaa waan jirrabany e
Cirka jawle dhaxan jaynafaan joogay dabadaaye
Jeerin qodax leh jiic iyo maraa geedo jidhifaystay
Jirrid gaaban kurtin ay jareen jabad abaaroobay
Intaan meel cidla ah jiifsadeen adi ku jeedaashay
Jabaq kuma dhameeyee runtaan kuu jarjarayaaye
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Is jujuubka jirrabkaan mutiyo hadawga aan jiidhay
Jaho seegga jiiftaanka baas dayaowga aan joogo
Jugtaan qabo jaraa laygu xidhay qoofal igu jeeban
Jirri iyo canaasiir juglaha kibir i jaajuusay
Jareex iyo dagaalkaan muttiyo jawda igu gaadhay
Kalgacaylka jeexaan u galay daadki igu jiitay
Jilbahaan u dhacay biixidii jeexaday hilibkayga
Dacdarrada i kala jeedisee igu jigraaraatay
Jinaw meedayeeydii waxaan belo u soo joogay
Aduunbaan ku soo jarinayoo kuu jibbaysnahay e
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Cirkoo jawle daad soo jidhfacan jibinta yeedhaysa
Onkod jalawleh hillaacaysku jira dhibica jaawaystay
Calcalyada jidhaamaha gashiyo gabiga ceel jiidhay
Jirddo gooye igu soo fatahay wabiga soo jeexmay
Jacaylkaaga awgii dardhaday oo jirbay helaye
Jooxaadhtan juukaha qaboow jiidda barafoowday
Habro jabista lagu jeelmadee jiidhay odayaasha
Dartaabaan baddaa ugu jiraa jidin caddaad kaase
Ii jawaab jinnaha kaalay qabo aan janada gaadhno

Tuesday 23 August 2011

Tix gabay ah oo la magac baxday TALO

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Tix gabay ah oo la baxday TALO. Talo waa tix su guud uga hadlaysa, Nincada alla ina siiyay, iyo sida aynu ugu faanfaanno ee aynaan u dareemin in ay jiraan dad waxa badani ka dhiman yihiin.

Adduunka waxa is garab yaal samo iyo xumo, Dhereg iyo gaajo, Cudur iyo caafimaad, Samo iyo xumo, Dhib iyo dheef, Waxa aad arkaysaa laba walaalo ah oo midna Allaha awoodda lihi ubad ugu deeqay, kii kalena aanu wax ubada hayn. Adduunku iskuma dheelli tirra, inteena wax ka haysaa inteena aan ka hayn ama ay ka dhantaalan tahay inaynu ku digano waxa ka wanagsan inaan u samirsiinno. Isku naxariisanno isna gacan qabanno. Si allaha awoodda lihi inoogu naxariisto waxa aan idhi TALO ila akhriya ila dhagaysta.

Muddo dheer tafiirtii murtida kumaba taamayne
Kuma tudhanin maansooyinkii aad tirsanayseene
Turqinteeda waataan ka tagay iyo tiraabtiiye
Haddan gabay tis qaad lagu alkumin tiirna lagu joojin
Oo aan tix miisaaman iyo tooxba lagu giijin
Ama aan hadalku taariikhda galin wayska turufaade
Waxaan tayda uga aamuseen toojo uga yeelay
Markuu midha yarii wada tirshee la isku tuurtuuray
Aanse kuu tusmeeyee murtidu toyasho weeyaane
Bal aan tuujo maankee ka guro tibixda aan deexo

Wax badan baanan teebkeeda qorin oo i tabayseene
Qalbigayga waxan taabtay ee aan ka tagi waayay
Bulshadaan turxaantiyo u nacay taagdarriyo liide
Tuhunbaan arkaa aan is idhi yaanu tagin doore
Taladaydu waa guud qof qudha taabo ma lahayne
Bal tusaale aan soo dhigee togo wanaaggeeda

Inkastood tilmaamaha murtida qorayso taariikhda
Inkastood tusaalaha cilmiga tiriso suugaanta
Inkastood ku tiigaasho ood Tahan wax gaynayso
Waa tacab qasaar xaajadaan kaydka loo tebinne
Maahmaah tis qaaddiyo hadaan sheeko laga tooyan
Ama aan tiraabtii kastaba weedha lagu toosin
Tayo ma laha maansadu hadaan qodob ku taagnayne
Iska tororog lee meel cidla ah baad ku tumaysaaye

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Tabaalaha adduun waa wareeg tan iyo haabiile
Dhibtu waxay ku tarantaa markaan laga tanaadayn e
Haddii aad tawiday oo nasiib kuugu jiro taada
Tummaatidu markay duulal kale taabato ey gaadho
Ha u tirin inaad tahay mid aan turun-turroonayne
Isu tudho afkana taako saar erey ha soo tuurin
Ha tilmaamin ceeb kaa tan roon taaha ha u fiirsan
Nabsigu waa mid tiigsada xaqee yuu ku tabin waayo

Toban iyo hadaad laba habeen taagni ugu joogto
Tacab iyo haddii aad wax qabad muruqa taagayso
Haddaad noodhka soo toomisood taabtay nolosheeda
Timmirtaba dadbaan helin adduun wuu is tabayaaye
Gacan inaad u togatiyo lagaray taano ugu deeqe
Tacaddiga waxaa kaaga wacan dhawr taloo kale e
Bal u tudho naftaadoo ha falin tu aanad yeesheenba

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Hungurigii taraaraa marbuu tahar ku siiyaaye
Talaxiyo marbuu kugu rifaa taa'uf iyo liid e
Wuxuu kugu tikraaraa jirido jinaci Taallaaye
Gobanimo adoo taawinkara sharafi tuullaatay
Iimmaanka lays kama tiree qaado marin teedsan
Wanaagana ha turufayn samaa lagu tis qaadaaye

Afartaa tiriiggii naxwaha taag ma qabadsiiyay
Mahiigaan tafaa soo rogtoo shubay taxliishiisa
Oo dhibicu teelaha qabsaday taran hillaacaaya
Ooy togaggi soo wada rogeen daadka tiro belay
Aniguna tabtaasaan murtida gabay ku teedshaaye
Bal aan tuujo maakee ka guro tibixda aan deexo

Cirka oo intuu xays tirsaday uu todoba hooray
Oo xareedu tooraha jartooy harada taameeshay
Oo tigaada iyo maadha iyo teel u baxay dooggu
Barwaaqada ilaah kuu tumee teedsan dhinacaaga
Dad abaartu wali ay taftaaf ugu tanaadayso
Oon daruurtu toodaba dul marin dhibicna aan tooyan
Ayaa dunida tuulane u tudho hadalka taagtaagan

Tarantiyo caruurtuu rabigu adiga toomshay
Ee iskuulka kuu tagaya ee teebka baranaaya
Qaar diinta soo taransadeen ama se tawxiidka
Til-til maamiddoodiyo ku faan tiiqsi hadalkaaga
Dar tagoogba aan laga ag dayin timaha qaar feedha
Taqwadluhuna ubad siinnin baa tuban hareeraaye
Ereygaaga tudho aakhiraa laysla tagayaaye

Tamartiyo haddaad xoogga iyo muruqa tuurayso
Haddii aad is tuhun caafimaad tiigsi soconayso
Toxodh-toxodha orodkaa xun iyo timahan sii jiifa
Kibir lama tisqaadshee dantaa lala tacaalaaye
Dar ay qaaxo feedha tagtoo tiibi lagu sheegay
Aan tallaabsan Karin baa jiree aayar tebi weedha

Rabbibaa wax taban taabiyee tuugso magaciisa
Tilmaan saxa allaa garanayee saaro taladaada
Toobaddana ilaahay u celi Taadi may imane
Taagyare wax sii aakhiray baanka kuu tagiye
Tusbaxana ha dhigin waa inaad faralka taagtaaye
Takbiirtana adkee yaan laqwigu taymka kaa ridine..(Time)
Tawfiiq dabeecada lahaw oo tolnimo yeelo

Saturday 6 August 2011

Waa hees la magac baxday Dhago yeelo

Ayaan

Ayaan waa tix gabay ah oo Caawa soo baxday waxay ka hadlaysaa iyo duluc deedu waa jacayl waxaanay ka curatay arrin ii gaara islamarkaa waa hadiyad meel u socotay waa caawa oo ay taariikhdu tahay, 06/08/2011

Akhris wanaagsan

In dhawayd ba alif kii murtida maan abaabuline
Ma astaynin maansooyinkii mana aloosayne
Afkan juuqda gabay aamuskaa ereyba loo diiday
Alifaadi waxa joojiyeen aamus uga doortay
Amuuraha haddaan kuu furfuro adiga weeyaane
Amakaagay quruxdaadan iyo arag wanaggaase
Aan idhaahdo waxa uurka gubay waa afkala qaade
 
Ayaaneey awaalaha jacayl waygu ugubyay e
Adigaan anfaaciga cuntada oomataw nacay e
Aqal iyo adaan kaaga baxay edeggi reeraaye
Ehel iyo adaan kaaga go'ay dhami asxaabtiiye
Uubato iyo qaylaan hurdada alaladaayaaye
Indhahayga nuurkoodiyeey araggu waa adiye
Aqoontiyo waxaad tahay qalbiga aagga dhimirkiiye
Iridaha wadnaa iyo adaa jiifa ubucdiiye
Asalbaad ku tahay beerka iyo laabta oo idile

Oog shidan aroor iyo hillaac meel fog laga eegay
Sida ololka bilicdaadu way ii iftiintaaye
Nuur baa indhuhu ii qabtaan soo agmaridaaye
Aqalkaad ilays iiga dhigi ooda rogan fiide
Arligoo intuu roobku helay mayay ku eegaaday
Dhulkoo ila xareediyo biyaa aayar soconaaya
Curdin ugura kayntoo ugbaad hawrtay idilkeedba
Dhirtoo ubaxa oogada ku yaal la anfariiraayo
Daayrtoo ibaha furatayoo dhibica eekaysay
Dhulkuna uu ugabAad wada yahood ku istareexayso
Adhiga iyo geeluba dhaloo la inti faacaystay
Oo edegga maqal lagu xidh xidhay ililgaynayso
Ashqaraar nimcada eebbahay deeqda ku illaadshay
Ku ag dhigay ammaaneey hablaha kaa ishaaqsaday e


Onkod buu jacaylkii noqdoo way abqa'a yaaye
Ufadiisi baan goorkasba ulasho reemaaye
Orod baan intaa roorayaa aayar socod daaye
Aduunbaan ku soo eegayaa kuna arkoodaaye
Ku ishaartay adigay naftani kugu ekoontay e
Aqbalkaaga uun baan rabaa iyo odhaahdaaye
I addeeciddaaddaan raabaa ehel wadaagaaye
Aqal aynu wada yeelanaan ku israteexaaye
Ma adkaysan karo oo anigu waan ku aanshaqay e
Waan kuu ilmeeyaa sidii wiil abaydin ahe
Ammaan baan intaa kuu hayaa kuu akhriyayaaye
Ixtiraamka adigaa dadkaba aamin kuu ahay e
 
Amba qaadki noloshaydiyeey adiga weeyaane
Awlaad qof lala yeesho oo ii ah baad tahay e
Inantaan ilaahay baryeen calaf ku eegaayay
Inantaan adduun yada dhammaan kali ku eekooday
Afrika iyo eeshiya yartaan yurub ka soo eegay
Inantaan adduunyada dhammaan aan iyada doortay
Edeb iyo xishoodeey dadkuba adiga weeyaane

Amba qaad hubqaad kaad haween aad ka ilsamaataaye
Adinkiyo tallaabada ayaad ku istixyootaaye
Afgaabnaan xishoodkaan adigu aayar hadashaadaaye
Ma annaanadide sheekadaad edeb u qaaddaaye
Astureey wanaageen samaan baad u ehel tay e
Idilleey ilhaaneey islaam ruux ah baad tahay e
Aniguna insaan kula midoo aadan laga uumay
Waxaannahay ilmaadeerro aan meella kaa aadin
Intifaacsigii baynu nahay isuba baahnaaye
Axdi ila gal aqal baan rabaa udub an taagnaaye
Ifkood igu addeecdiyo ahaw oori lagu eerto

Wednesday 5 January 2011

Tixdan gabayga ah waxa an ugu jawaabay Nin aanu london wada joogno oo siciid la yidhaa ka dib markuu isagu ii soo diray tix uu igu waydiinaayo sabab ta ay somaliya u dagiwayday iyo waxa aan anigu u arko sabata hortaagan. markaa waa jawaabtiisii, FG: Isaga kama haysto idan oo ma soo dhigi karo tiisa mana jecli inaan soo dhigoba waayo halkan suugaantayda uun baan soo dhigaa wax cid kale leedahay link mooyee ma soo galin karo waad mahadsan tihiin

waxaan idhi

Hadaw dhaxan leh haariyo dabayl halis colaadeedda
Maska halaqa hoombaro libaax hurinta oo yay ah
Shufto horor ah tuug soo hamba'a nacab ku heeraaya
Cadaw hooto kula doonayiyo gaade ku hor jooga
Waxa haw adduunyada dhex taal iyo hareertaada
Rabbibaan gacmaa hoorsadee hoygu nabad buuxda
Hiyigaa qof kii nool diree hamigu kii toosan
Ee horu mar lagu gaadhayee lagu heshaanaayo
Talo lagu hirtiyo eebahay hadalka kuu toosi

Ma jeclayn inaan heeso qoro ama ku hawshoodo
Haasaawe gabay maan u socon heello iyo luuqe
Kol haddaad hormuudoow murtida gacanta ii haadin
Inkastoonan kula haab ahayn heerka arartaada
Kollay kaama hadhayee bal maqal waan hinjinayaaye

Hannaan dawladeed waan jeclaa la isla haystaaye
Nin hoggaanka loo doorto oo daacad u hagaaja
Oo habeenka aakhiro ka baqa halal qiyaameedka
Oo aan hunguri iigu talin iyo hammuuntiisa
Halyay dhalada soomaliyeey haybna laga waaye
Iyagaa is wada heerayee cadaw ma hoob sheene
Iyagaa halbawlaha is jara oon is hidinayne
Iyagaa dabkii hura ku shuba xal iyo hoorkiiye
Kol haddaan qof kuu hiiliyo hanadba kuu joogin
Inaad kali hiqlaysaa miyay hawsha kula waabi
Ma huq uu ninkeedii jaraad hadal ku daawayni

Halka aad abbaartiyo runtii waaba kala haabe
waraabii hashii naaska jaray nirigna soo heeray
Wuxuu yidhi maxaa laga hud-hudin ama la haaneedi
Haammadday is wada goysay tani hiilla kaa dhimay e
Hanaqay is wada taabatoo dhiiggu habayaaye
Hanti bay is wada dhaafsatiyo hoorsi shilimaade
Bal yaa lala heshiiyaa adaan heedhe kuu diray e

Haddaan laysla hadhin wacad allaa haad u bixi laaye
Inta nabadda hayseen ku dhicin hogobta loo qoolay
Ee dhigay hubkoodee samaha haatan lagu sheegay
Iyo kuwaa hanqaarmee madfacu gubayo hooy gooda
Waa hareerihii waaxyahee aad ku hiran layde
Hadduu kani hagaag yahay ka kale hiilka wuu tariye
U hur wuxuu codsaday maalin bay hiillin kuu noqone

Cadaw kuma hujuumeen waqaa kuma haysteene
Haashkana badaa lama dhigeen huube iyo booge
Hawadaada lama soo galeen lamana haybsheene
Hal qudhaad ahaan layd haddaad nabadba haysaaye
Hooggaba adays baday ninkoow oo halkaa dhigay e
Maxaaba lagugu haystaa cidlaad ka habqamaysaaye

YouTube - Daggen.

YouTube - Daggen.

YouTube - Marwoo.wmv

YouTube - Marwoo.wmv

YouTube - mukhtar osman Iyo heesti Toolmoon

YouTube - mukhtar osman Iyo heesti Toolmoon

YouTube - Hees Cusub : SAREEDO HIMILO

YouTube - Hees Cusub : SAREEDO HIMILO

YouTube - hees cusub 2011 abdirashiid indho "YASMIN"

YouTube - hees cusub 2011 abdirashiid indho "YASMIN"