Sunday 13 July 2008

haysku keen urursho

Gabaygan gaaban waxaan sameeyey anoo tareen saran kana imi magaalada Leeuwarden oo ku taala waqooyiga Noland kuna socda Roterdam oo ku taala koonfurta holand waxaan ahaa kaliday waxaanan xasuustay gabadh aad u qurux badnayd oo aan xalay isku baranay aroos aan ka qayb galay oo ka dhacay tuulo ku taala dhinacaa waqooyi ee aan xalay oo tariikh du ahayd 12/07/08 ayaan is idhi hadaad inan tii amaani lahayd maxaad ku odhan lahayd hadaba galabta ayaan intan si kedis ah u idhi 13/07/08 19:50 waana kan ee akhris wanaasgan



Asal raaca edebtiyo wanaag inani ay leeday
waxa loo irkaa hooyadeed laguna eertaaye
kol hadii asluub teeda wacan lagu amaanaayo
iska garaty inay oori khayr igu ahaanayso
calaf kana ishaarada ducada waa lagu ikraaraaye
isma seegno ee eebbaheen haysku keen urursho

ku arkaye il waadeey hablaha kula asaagoo dhan
aqoon taada oo qudha ayaan cidi ku eekeyne
quruxda na ilhaaneey hablaha adiga wee yaane
timaha aad alaabaysay ee olol ka nuuraaya
ilakahaaga siman iyo suuniyaha luqunta ee geeda
eegmo kuma bog tee eebbeheen haysku keen urursho
is raacsani amaaleey hab dhaqan aayar socod kaaga
af samaanta sheekada nafta leh erey wanaaggaaga
ixtiraam ka sharaftaada wacan eegmo quruxaaga
i dhex qaad jacayl kaagu yoo eebo igu taagye
idilkood haween kii mar qudha dhaafay idilkood e
agjoogaaga waan doonayaa eebbeheen haysku keen urursho

adigay naftaydii indhaha kugu adkaysaaye
adigay ijaabada ducada eebbe bari daaye
adigaan is leeyahay la'ool aayatiin kana e
adigaan ilaahay baryada oohin qayshaaye
ubad inaan dhaliyo waxaan rabaa oori ii noqo e
aroos ila yagleel oo rabbigu haysku keen urursho
waxaad tahay ammaan tii haween eebe midu siiyay
waxad tahay aqoon dumar midan erey la dhaafsiine
ammaantaada lama koobi karo aayar gacalooye
indhahaygu aragaaga way ku istareexaane
kolay inaad hablaa ayniyee aaga kula jooga
ugu aragti wacaan taa nafatani igu adkaysaaye
ehelkayga noqo oo rabbigu haysku keen urursho