Saturday 13 September 2008

waxaan idinku soo dhowaynayaa tix gaaban oo gabay ah oo daba socota giir yaale GOBANIMO waxay soo baxday maanta oo ah 09/09/2008 Salaasa
Abwaanadu geddii aan la rabay sheege gabaygiiye
gundhi geedi waa kuwan furfuray godobaheediiye
murti gaaxday geeraar hirgalay gooha arar tooda
suugaan gobeed iyo tixaha goohu dami waayay
giiryaale waa kaa tol helay gacalla yaashiise
galabtana god baan dega hayaa galiya maan kiina
Galoof baan ka dhigay gaanihii godolka waynaaye
gaadiidki aan saanyan laa gawrac baan sudhay e
gurmo go'an anaa jaray ushii garab ka noolayde
gondahayga anigaa cabdoow gudin ku naafeeyay
anigays guhaad shoo intaa hanaq isgooynaaya
gankaygiyo asaagay hadaan gaadhi kari waayay
inaanan meella gaadhayn is ogi garashadeediiye
ilmadayda gobo'o deedu waa ii garaad li'iye
gobannimo haddii aan mar helay waanigii gaday e
garan waayay ubixii u go'ay gunud xaqoodiiye
garan waayay geeridu inay geesiyada layso
garan waayay guushaada dhaqo hanatay goorteed e
garan waayay goonyaha tol tolo yay gabaabsiyine
inaan gaafo baxo maalintaan gaadhay baa timiye
waxbaa iga kaftoon galay taladi gaar u dagidiiye
gucla orodka waataan midnimo aan gudoon idhiye
guud mar sheeko mooyee marabo inaan ku guuxaaye
waa tii laygu guureed ogayd gumaradeediiye
galabtaan ka soo waaqsadeen gooni isu taagay
galab taan is idhi waadigaa gaadhay libintaadi
galabtaan aqoonsiga u koray geedka laga muuqdo
gol qaniin miyaa lagu wadaa gaba gabaynaysa
garashada miyaa laga madhaa libin ta goobaysa
gurac talo miyaa loo wadaa meella gaadhaynin
gabaahiir miyay nagu fureen gabadanays naanta
araftaa gaddii aan u idhi ama giraydh keeda
nin guhaani arartuu lahaa maw gargaro sheegtay
taariikh gun dheer iyo ma furay taynu garanayno
gudban hadalka maw dhigay intaan gacan togaaleeyey
gibla kalena waa maanso aan gee is leeyahay e
bal guddooma geeraar kalaan soo gudbinayaaye
isla garannay inay guul daradu nagu gidaad nayde
ha yeeshee in talo gartaa lagaga guuraaye
maxay nala gudboon waxaynu nahay qaar gabaab siyay e
gidigood aqoon yahan shir uu talo ku googooyo
ama uu siyaasigu gartaba talada gawdhiidhay
ooy culimo garab kii cilmiga diinta ugu goyso
oo ay barbaartii gayigu garato khayrkiisa
oo tahriibkan laga gaabsadiyo socod kan geeryaysan
gobanimo sidaasay ahayd garan aqoon waynay
galaduna iskaashay ahayd gacan la maalaaye
garashiyo aqoon baad dadyohow libin ku gaadhaane
gaangaambis socod kaa xuneen meella lagu gaadhin
garaabiysigaa iyo intaan qaadka gadanayno
gaaladu waxii ay tartiyo intay gacan tu hoosayso
hay'adahu galaan ay baxshaan gaajo tiri waaye
u guntada geyaga beeristoo garaw ga soo goosta
galay iyo hadhuudh baa ku filan labada gooroode
baahida waxaa laga gudbaa galin dadaalkiiye
gudgudaha cirkaa hoora iyo mayay ga soo guuxa
mahiigaanka gaydhiyo ufada karadh ku gaadhsiiya
dooxyada biyaa soo gingima ee gabiga dhaafsiiya
hadaan garasho lagu joojin oon dhaamam lagu giijin
goror na waa dane biyihii godamo lee jeexin
gaajiyo harraad saw dabeed looba go'i maayo
dawladii gayigan loo igmiyo gaadhka carigeenu
ama uu gudoonshaha dalkuba geeri talinaayo
hadii ay gordayn iyo guhaad shicib la guulguulay
god na uu diyaar yahay qofkii guulo dhalin laaba
oo guurtidii qaban lahayd garabka siinayso
xildhibaanadeeniina gabay gebi xilkoodiiba
gargaar eebe mooyee si kale loo gad bixi maayo
guulaha ilaahoow na sii gacan na taageerta
oo adigu noo garo xaqiyo khayr ka gurigiisa
araftaa gadii aan u idhi ama giraydh keeda
nin guhaani arartuu lahaa maw gargaro sheegtay
taariikh gun dheer iyo ma furay taynu garanayno
gudban hadalka maw dhigay intaan gacan togaaleeyey
gibla kalena waa maanso aan gee is leeyahay e
bal guddooma geeraar kalaan soo gudbinayaaye
gobanimo waxaa loo galaa guri abaareede
gocondhooyin baa kuu xagtiyo hirigta geedaaye
waxa loo guttaa waajibaad geeri kay tahay e
geesi baa u quba dhiiga oo gumuc haleelaaye
adigoo u soo gubay dalkiyo giniyadaadiiba
ooy gacan ta kuu soo gashood farax la goohayso
haday aayar kaa guurto ood haysan garan waydo
oo cadaw gu kuu soo gabbado godadna kaa jeexdo
oo aad gunnimo qaayib tood foolxumo guurto
laba jeer go'iyo sow markaa gaabis maad noqonin
intaan geed qadhaadh kaa inagu daanka galinayno
rag baw goostay taladii inay nagu gabraar taane
garanna waynay goolaaftan kiyo gaatan socod koode
kolba keen is yara giijiyay godob u yeelaane
jeelasha waxaa wada gingiman geesiyaal badane
gardarrada kuwii loo xidhee shooki lagu giijay
garyaqaanna aan lagu xukumin cidinna gaynaynin
ee godadka jiifa ka badan geedahaa baxay e
gurmad iyo waxay naga rabaan gacan la siiyaaye
garab aynu siinaa raggaa sharaf u goyn laaye
god ka inaynu jabinaa ragyohow nala gudboonayd e
geesinimo inaan muujinaa nala gudboonayd e
ka guntada waxay nala galbaday waa gunimo wayne