Monday 28 April 2008

sanad wanaagsan

Tixdan waxaan sameeyey markii sanadkani dhashay oo aan duco iyo soo dhowayn ugu sameeyay waxay ahayd 01/01/2008

Sanad ayaatiin loo
astaan gaara yeeshoo
la ilaawin ii noqo
aqoon iyo wax barashaa
iftiin lagu hilaadshaa
sanad alif ka beeroo
ubadkeena koriyiyo
arxan galaha ii noqo
nin aduun ka buuxaa
awood sheegta dunidee
mid arzaaq ka buuxoo
nimco igu itaaloo
arligeena deeqoo
i anfacaya ii noqo
umaddayda nabadiyo
gobanimo ku ururshoo
ka ilaaasha xumahoo
samo nagu adkeeyoo
ididiilo bixiyiyo
sanad eelka reeboo
loo iisho noo noqo
sanad aan aqoonsiyo
ictiraaf ku gaadhoo
calan kaygu umadaha
ka ag muuqdo ii noqo

Saturday 26 April 2008

dhulkeenii abaaraa ka dhacay

Hadaan dhaho hadaan sii dhigdhigo gabayna kuu dhiijo
Hadii aan murtida kaaga dhigo nuxurka dheeftiisa
Bal dhegayso waxaan kuu dhambali jaamacoow dhagaxe
Anigoon wax dhiba gaysanayn ceebna ka dhuyaalay
Anoon ararta dheeraad ku darin dhinacna lay eersan
Anigoon dhankaas iyo dhankaas midina ii dhuuman
Bal I dheeho waxaan kuu yar dhuri jaamacoow dhabaqe
Dhulkeenii wareer baa ka jira qaylo iyo dhaane
Waxa loogu dhaanshaa biyaa booyad sii dhixiye
Xoolihii haraad bay dhinteen daaqna ka dhamaaye
Ubad kii dhanqalan baa ku dhacay oo waa haraad dhab ahe
Jiilaalkan dheeraaday ee naga dhamaan waayay
Inteenaa u soo dhooftay ee yurub ku dheelaysa
Xageenaa la soo dhawrayaa gini na waa dheefe
Inaan sidatan dhaanaan raabaa lacagta dhiibnaaye
Dharaar qudha kol ay tahay maruun oomatada dhaafa
Haday toban kun dhiibaan shan gini kharash dhan weeyaane
Dhab u galiya jeebkii gacmaha oo dhiiranaan fidiya
Allihii dhibicda soo dayn jiree dhiijin jiray roobku
Inaguu inagu dhawrayaa inaan wax dhiib naaye
Wuu karaa dharaar qudha inuu mayay ku dheehaaye
Wuu karaa inuu dhool u da’o weelka laga dhaansho
Caqligii dhamays ihi dhabcaal nimo wuu is ka dhaafaye
Dharaaraa kulaylkee nimcadu dheeli tiran diido
Ee ay diraacdii dhirtii dhuuxa ka idlayso
Dhiig iyo ninkii uus lahaa gacanta soo dhiibye
Marhadaanad dhiidhiyin tolnimo waa wax kaa dhimane
Wax ku dhaama eebaa na siin cawil ku soo dhaafa
Waxba yaanan dheerayn warkee aan u dhigo yoolka
Adaanay kaa dhamaanine allow deeqda nagu dheefi
Adigaa dhamaynkara dadkee dheefta wada wada dooji
Naxariis aan dheeliyin alloow dheriga noo buuxi
Dhulkan ooman eebow cirkii dhaamin jiray soo dir
Dhijaan iyo balli ba way gudheen oo waan dhursugaynaaye
Xareed aan dhamaanayn aloow oo dhakhsa soo shub


faysal_awcabdi@hotmail.com
London UK

Friday 18 April 2008

Iskiinii wax u qabsada

tix dan yar waxa igu dhaliyay mar aan akhriyay qoraal ay inan fardawsa la yidhaa soo galisay web ka oo in iskaa wax u qabso ay ku boorinaysay dhalinyarada ana taageero aan ku tageeray aya igu dhalaisay tixdan waxaan sameeyey 15/04/08

Arligu hanoo dhismoo
Aduunyada beegsanoo
Ilbaxnimo gaadhno e
Iskiinii wax u qabsada
Dayaxa aad eegaysaan
Ragbaa waa hore irkaday
Xidigaha ini hadhee
Intaan la inaga arkoon
Aan orodka is baacsanee
Iskiinii wax u qabsada
Dabayshaa la irbicshaa
Wareeg lagu aadiyaaa
Farsamo loo aawilaa
Iskiinii wax u qabsada
Hurdada waa laga ordaa
Xoog baa la itashadaa
Iskaashaa lagu dhaqmaa
Awood la is biirsadaa
Iftiin lagu muujiyaa
Iskiinnii wax u qabsada
Odhaahdaan kula rabiyo
midhkii aad istaahisheen
in aadaa ii hadhee
hadaa umad yahay tihiin
arligan duulkii lahaa
ma ogi wax la sii ushee
iskiinii wax u qabsada
odayo toodiiba gabay
asqooboo dayow ku jira
siyaasad inkaaran iyo
waxaan imaan ku geyin
raga ibtiloobay baddi
intaa sii eegaysaan
iskiinii wax u qabsada
wuxuu adin kuu taraa
anfaco kuu quud noqdee
intaa orobada galbeed
tahriib u awaalaysaan
rag eedaadaa jiroo
if iyo aakhiraba gabayee
iskiinii wax u qabsada
aqzaaq aan kuu qorayn
waxaan rabi kuu alkumin
ninkii u ordoow ha sugin
inay afka kuu gashee
nimcada arligeena taal
intaa wada aamintaan
iskiinii wax u qabsda
hadaa innamiyo habloba
dhamaan ubaxii dalkoow
aqoontiinaa fayoow
itaalkiinaa cudoon
intaa is aqoonsataan
ilawdaan caajisnimo
ilaahayna kaashataan
ilays kii shida rajada
oo iskiinii wax u qabsada