Thursday 1 March 2018

Murugo

Asalaamu Calaykum waraxma.

Waa Tix gabay ah oo la magac baxday Murugo Hadda uun curatay. 06/11/2017 akhris wanaagsan.

Maansadan la gawracay murtida muruqa loo siibay
Ee aan macnihi gabay lahaa meella lagu sheegin
Ee magan xayaysiis u yahay een martabad haysan
Ee maxamedoow dhimatay baan aad u murugooday

Garta murugtay xaajada ninkeed maaro gelin waayay
Ee markhaati been luhu u furay maliyo tuu doono
Ee muqayiliintii naqeen Diinna lagu moosin
Ee marduufka jaadka ah gashay waan ka murugooday

Macne dawladnimo waa inay maal wax gelisaaye
Madax horu mar sheegaysa oo aan midh qabanaynin
Oo maalin iyo layl wuxuun male awaalaaya
Oon mashruucba dhallinta u furayn waan ka murugooday

In aad muhindis curiya tahood qalinka maalayso
Maskax aan la maalini dhakhsay mood u noqotaaye
Ardaydii mar hore soo baxdee meelo sare gaadhay
Majaaliista qaad kaan ku nacay oon ka murugooday

Nimaad muruqa iyo xoogga iyo miiganida yaabto
Ood  caafimaad maxamedoow muxubbo eegayso
Oo aan marqudha xoogsi tegin madhanyay jeebkiisu
Oo shaxaad u maraysta uun waan ka murugooday

Masuul daacadnimo ay bulshadu mooska ugu foodday
Oo miigganaan laga rabiyo maamul qurux diisa
Oo magic qabyaalada xilkii meerto uga yeelay
Oon dastuurka maamuus u hayn waan ka murugooday

Musuq maasuq kuu muuqa oon laga midhaabaynin
Oo ay masiirku bulshadu murudka leefayso
Oo aan sharciga maxamedoow laba marsiinaynin
Maxakamadda oon xoog lahayn waan ka murugooday

Masaakiin dad aad mooddo oo meeshan kula jooga
Oo mushaaxa suuqayada baryana midigta loo hoorsho
Mabda kale u hooseeyo oo maamul kale haysta
Murta iyo dhibkay soo wadaan waan ka murugooday

Muslimkaa la eedaynayee magaca loo yeelay
Ee meeqaamki diintiyo xaqii meesha laga saaray
Ee aan la muunayninee maagga lagu laayo
Ee maraykan iyo gaal nugul waan ka murugooday

Marsadii berbera ee dalkuba wada macaashaayay
Ee markii aad eegtaba nimcadu meel kastaba taallay
Ee mood ka iyo xoolihii lays dhex marinaayay
Shisheeyuhu inay meersadeen waan ka murugooday

Macdantii dhulkeenee dihnayd magaca soomaali
Ee ciidda maarriinka badan maadha lagu sheegay
Een madawga hoos looga dagin maarar la jeexin
In aan mootar lagu eegin wali waan ka murugooday

Marwo uu nin qabo oo walaal debedda meeraysa
Oo muraad la aan suuqyadaa madaxa taagaysa
Oo aan midkaa sharaftidii meella ku hambaynin
Xisbiyada  siday ugu milmeen waan ka murugooday

Nin masuul inuu yahay dadkuba aad u wada moodo
Oo furay miskiin tuu qaboo gooyay meherkeeda
Oo carruurti meel ay jiraan mahaya mooggaasa
Oo aan masruufaynin baan kaa u murugooday

Miidaanka dawgiyo wadada marinka gaadiidka
Wadayaal is miidaamisa oo meel kastaba jiidha
Maamulkii taraafiiga oo joogahaa maqan ah
Oon cidiba maarayn karayn waan ka murugooday

Masjid ay dhiseen muuminiin mawle garansiiyay
Miyi iyo magaaliyo  dhul kale moosin iyo beero
Oo makarafoonada la sudhay mu addin yeedhaayo
Inta badan inay madhan yihiin waan ka murugooday.

Wa billaahi tawfiiq. By Faysal Awcabdi Cambalaash

Meelaha kala duwan ee Tixdu wax ka sheegayso haddii aad iska dhex aragto macnuhu ma aha in lagu dhalliilay si gaara haw qaadan ee talo guud iyo inaad wax ka beddesho wixii aanad dhinaca saxda ah ka joogin ayay noqonaysaa ujeedada guud mahadsanidin.

Nabaddu waa guul

Garbaha iyo haddaan laysla qaban labada geesoodba
Guntiga iyo haddaan loo adkayn gibisha xeerkeeda
Oo aan guudka laga dhawrahayn way gedmanaysaaye
Gaadhka aynu haynooy dhammaan guushu waa nabad e

Geediga haddaan loo lallabin guure socdkeena
Haddaan sahaydu yay go'in in badan loo gunnayn talada
Oo aan guddoon madaxdu odhan way gedmanaysaaye
Muska iyo gurada aan dugsino guushu waa nabade

Gummac iyo rasaas iyo hadaan guranno baaruudda
Garnayl iyo haddii aan madfaca gaar isugu beegno
Oo aan garasho laalloo dadyohow goyno ubaxeena
Dagaal gaban ma koriyee Waar yaan geesi iga lee'an

Guddi iyo duqay iyo hadaan guurti lagu saarin
Gadh cad iyo aqoon iyo hadaan garasho loo doonin
Oo aan dulqaad laysu gayn waa geb xaajaduye
Geed u yeesha eey oo bud dhiga nabaddu waa guul e

Sikhir eebbe

Sagaalkii bilood eed sahraay sugaysay weedhayda
Sahankii jacaylkeen rajada soofka ugu foofshay
Saldhiggiyo jawaabtii haddaan saafo ereygayga
Allay lehe dad lama aad sinide suubban baad tahay e
Sara joogga hilibkaaga siman socodka miisaaman
Sanqaroorka sunayaasha iyo sinaha duudkaaga
Samaantiyo dabcigan kuu saxee saatir kugu deeqay
Samirkaaga weeyaan waxaan duniba siistaaye
Salma iyo suleekhiyo sabaad saynab iyo luula
Inta gabadh si uun loo calmado waad ka sidataaye
Suuraddaada oo qudha habluhu sina ma gaadhaane
waxaad tahay suhuurtii dalkeen sugayay waayaaye
Soomaalilaand baad ku tahay laydh siraad badan e
Sayidkaa ku dhalay baa wanaag saani kuu baray e
Haddaanay hooyo kuusoo sifayn talana kuu suubbin
Ama aanay surnikii wacnaa iyo samaha kuu sheegin
Sahaalay u baydhaa yartii seegtay gacanteede
Sahraay adigu reer baad ka timi hibo ay saarrayde
Si kastaba markaan kuu dayeen sariyo guud eegay
Sawjad wiilka kaa yeesha ee meher laguu saaro
Saatir hayga yeelee anigu waan ku sugayaaye
Sambabkayga caashaqu walaal wuu ku sugan yay e
Kuu salcaamay salaw buu i baday siibna hilibkay e
Kaam seexdo soor kaaga tagay diirki iga saarye
Jacaylkaagu soodh igu biree seedda iga gooye
Suudigaan wareegaa dartaa socod wareegiiye
Anigoo socdaan qayliyaa sabigu yaabaaye
Sahwiyay oo salaaddi dartaa wanigaan sixin e
Sikhir oo ilaahaw adigu noo sug tii wacan.....

Waayo waayo iyo taariikh.

Is hellaye

Waqal hooray heegiyo daruur guga horraantiisa
Hir magoolay ubax heenso furay kaymo wada hawray
Halo dhalay horwayn wada irmaan haamo wada buuxa
Hiyi nabada hoos iyo qabaw heeso lagu dheelay
Hor ilaahay heerbaad la tahay haabka noloshaase
Hareeraha markaan dayay hablaha quruxda hoogaanshay
Mid aan kuba hareer dhigo intaan inan la haasaaway
Hore looma arag oo haddeer hooyo may dhaline
Hiddo wacan haween ugu fil roon haybaddiyo muuqa
Habsamaan hubqaadkiyo dhismaa hadalka toostoosan
Hanaankiyo siduu eebahay haqabbax kuu siiyay
Halista iyo meel aad u nugul gaadhay hanaqiiye
Wadnahaad hubaal igaga taal hogatay beerkiiye
Is hellaye alloow noo hibee hoyna nagu soo sin....