Saturday 24 May 2008

dadka laxaad iyo maskaxdaba wax ka qaba

tixdan gaaban waxaan sameeyey shalay23/05/08 oo ay si kadiso ah iila soo hadleen dhalinta ururka nomaad si aan wax uga idhaa kulan ay ugu talo galeen in waxloogu qabto dadka laxaadka wax ka qaba ee aan jiifkaba ka kici karin waxaanan runtii ka qiirooday markaan arkay sawirada dadkaas laga soo duubay oo aan ilmada haysan kari waayay waxaanan idhianoo ku halqabsanaaya daariq oo ah ninkii i soo casuumay

Daariqoow carigeena
curyaan aan soconaynin iyo
caama aan wax arkayn iyo
cuduro gooya gamcaa
oo cadilaaya garaadka
iyo masiiba camiran
wax kastoo cadibaadana
caruur uu eebe u dhiibay
oo caloosha ku siiqaya
oo beerka ciida ku haysa
cajalad aad ku sideen
cisho aan yara eegay
ilmadaan ceshan waayay
cadadkay soctay
cajaa'ib bay i tustay
cududooda dad aan
ku soo ciil baxa hayn
caafimaad nin qabaa
ilayn wuu cararaaye
cagahooda waqood
aan calaacal dhaqaaqdiyo
talaabo ciirsan karayn
hadii uu cirku hooro
aan ka cayman karayn
gacal caawiya mooyee
cunto aan darsanayn
waa cibaaro aduune
kaadida cawda ka leexi
cimri good u dhaqaaqin
masaska caynt ku nool iyo
cadawgaa dhulka buuxa
iska caabi karayn
carab koodu dad anuu
hadal soo celinayn
hadii uu ciil ku gadhoodho
cabashadooda dad aan
caawa sheegan karayn
cadkaa jiifka ku noo ee
waligood cadib naayee
cabitaana dan weeye
waligood isu ciidmin
daariqoow cimrigood
farxad may ku cawayninoo
maycadaynin ilkaa
marka aad wax cunto
caday baad marsataa ye
cimrigood dhalintaasi
cudud ruux kale haystay
ka casuuman yihiin
rabbigii cirkan uumayna
caafimaad inuu siiyo
caawaba wuu u karaaye
inagan uu cibro wayn iyo
cashar inooga wadaa ye
uma waayin cudooni
inagaa caqligeeniyo
cibaadadeena qiyaasiyo
cabiraad looga dan leeyey
inagaw cida maanta
inaga camalkeeniyo
cuudka aan tabcanayno
wax inaan celino
cinda laahi u dhiibno
codsigu uu u socdaaye
ceebi yay ina raacin
ruux haduu cadilmoo
ka curyaamo laxaadka
ma cawaysto waqii ye
inuu caadil ka qaado
curduduubka naftooda
cudurka iyo xanuunka
ka caraw sho habeen badh
caafimaad wata laydh san
subax reerku ku ciido
ruuxkastana codkiisa
uu ku ciil baxo maalin
cagahiisa ku guuro
ilaahay cimrigooda
inta caawa u laaban
caafimaad ugu deeqo
cazaawa jalahii yoow
adigaa caalimul qayb ee
carab kayga ajiib
aamiin aamiin



Sunday 11 May 2008

Tisqaad

sidii cadiga ahayd kolba waxaan ku boodaa halka xaalu marayo e saakana waxa taagan dib u dhalashadii somaliland ana tix daydii halkaas ayaan ka amba qaaday gabaygan wuxuu soo baxay 10/05/2008 sabti waa xafladii East london iyo ka qayb galkaygii waana tan

Indhowayd ba gabay gii ka tagay heesna maan tirine

Ma tiraabin maansooyin kaan teedin jiray waaye

Talo guud markuu yuu naxwuhu taabo galayaaye

Aan tilmaamo caawoo kaluu toosin leeyahaye

Toban iyo todoba baan soo jirnay iyo tiriyo dheeraade

Nabad lagu taanaadiyo samaa taabka noo galaye

Hadaan toban kun oo wiil u dhiman calan ma taagneene

Hadaan talada odayaashu qaban sharaf ma toosneene

Hadaan shicib ku taakulo ku darin qaran ma taagmeene

Hadii aan tastuur loo samayn tacab ma yeel meene

Toban iyo sided may na waa tilmaan adiga kuu taale

Waxa galabta loo taagan yahay taabo galin teede

Ha tis qaado hana toosto oo yaan la kala tuurin

Raga talada loo dhiibay oow tiirsha magaceena

Oo yaynaan tasayn waxa u go’ay toban kun oo wiile

Taariikh daynu leenahay nin ogi gacanta nootaagye

Tartan bay aduun yadu ku tahay taynu leenahaye

Tu ay axmaarada ku tahay taa ku dhinac taala

Nin waliba tab iyo xeelad buu soo tukubayaaye

Isku tiirsadaay wada jirkaa tabar ku leediine

Taakuleeya kii yara jilciyo tamarta kii liita

Isu tudhana yaydaan ku dhicin taabka cadawgiine

Dhaqan kana ha tuurina dadnimo waa mid kula taale

Markaad tiisa dhawr tahay dadkuna taabac kugu yiine

Tima jilic ba waad aragtay oo toodi may lumine

Ha ka tagin tilmaantaad lahay sharafi waa taase

Islaamnimada waa lagu tudhaa taynu leenahay e

Tawxiid ka haystiyo wardiga iyo tasbiixdiisa

Tukashada salaadana xejiya oo jamaca soo toobsha

Tiriig baa ka baxa meel haduu xoog tumaatiyo e

Marka toban is raacdaa wax qabad taabo galayaa e

Somalaa tilmaan to ku tidhi hadalo taariikh leh

Haday gacantu kali taagan tahay tahar ma goyseene

Taban taabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane

Isku tiirsadaay waxaynu nahay talo wadaagtiiye

Tuhun galiya cadaw geena oo tacab ka wayneeya

Tilmaan ubad ka aan uga tagnee qorana taariikhda

Ha tis qaado hana toosto oo yaan la kala tuurin