Sunday 10 August 2008

dhalandhool

Waa gabay kale oo soo baxay saaka oo ay tariikhdu tahay 10/08/2008 wuxuu si dhaba u taabanayaa dhibka inaga haysta jaadka waxaanan ajaynayaa inuu dad badan wax u tari doono insha alla

In dhowayd ba waa taanan dayin deelki maansada e
ma dareernin heesii waxaan door lahaan jiray e
iska daayay gabaygii hadaan cidiba doonayn e
in kastooy dareen tahay murtidu maax ku soo degaysa
damqashaduna kaa keento iyo waxaad yar diidaaba
oo aanad dayn karin midh uu daayin kugu beeray
dabuub tayda maqal jaamacaw durugtay weedhiiye
dad haduu is laam yahay xumaha waysu diidaane
way isu digaan gacalku yoo naar allaaa laga digtoonaane
dheg damani se waanada waqeed way ka durutaaye
in kas too dabuu qara leh iyo arar ba loo deexdo
ama uu nin xuma diidayaa daahir ugu sheego
ama diinta sheekhyadu wacdiga ugu daliishaan ba
dad qof kii ilaah waaniyay deeqi sheekadu ye
ha yeeshee dusheena la sudhay waajib dago wayne
kol hadaad dareen kiyo aqoon daayin kugu beeray
adna debeda wada keen waxaad garasho duun hayso
duhur kana u wada sheeg qabraa laysku dadayaaye
su'aal baa dambaysee murtidu yaanay kugu daahin
dhaqan keena doorsamay anoo diidan xumahiisa
anigoo dadkeeni dhibtaa uga digniin sheega
anigoon ka daahayn inaan doorba wax jooga
uga doono maansada tiraab damacna dheereeyo
kol hadaan cid doorsoontay oo dib uga laamaysa
oo qaadka daysiyo la arag duulal ka xanaaqa
waa uun ku daal waxaan idhaa sida danbayshaase
bal aan kuu dul maro xaajadaan daysan kari waayay
dib jirnimuu u bixi ruxuu hadduu daaqo geedaha e
dadnimo wuu ka tagayaa qofkii diirta qudhunkaase
dumar lama caweeyoo xarago way isdaayaane
dhaqan kuma dambeeyoo xumuhu wayska dabcigiise
xishood maba daneeyoo indhaha yaa diiran oo muruxe
xoogsi uma dadaaloo shaxaad kuu ka door biday e
dulli nimona qaayibe raggaa dadarta quutaaye
waxay daayaceen rerihii oo daadshe ubad kiiye
dumarkii furoo waa horay wada dalaaqeene
niman kaa barjuhu daashaday ee wada daraagaysan
niman kaa dambaabkuun akhriya ee beenta wada daadsha
naman kaa ilkaha daamuriyo ligiska aad diido
dux waxaan ku galinayn raggaa duhur ka ruugaaya
dawar siga kuwaa lagu diree dumarka quudaaya
dawladaha shisheeyaha ku waa lacag u daaduunsha
dug si qudhun leh niman kaa fadhiya ee darbiga jiifa
doodadaha siyaasiga kuwaa diinta ku qaldaaya
ee muran docdii loo kacaba lagu duqaynaayo
ee aan dadkaa buuqayaa hadalka daynaynin
ee aad digtoorada cilmiga daadshay u malayso
hadii ay damiir leeyihiin wuu dabri lahaaye
oo jaadkaa la daynaa maruun geed kan ina doorshay
kol se hadaan wax digigxoonayoo diira la arkaynin
oo uu dadkeenii barjaha galin ba daan kuuso
dhaqaaliina daadagay markii cidi danayn wayday
dalkaba waynu iib gayn markaynu caydh u dalan doolo
dadka kale haduu dheeman iyo qodayo diinaarba
ama carabtu dooxyada badrool wada dareerayso
xolahaa dalkeenana u dhaqan oynu dayanaaye
ma dananyno oo wataa dhamaan jaadka lagu doorshay
ma daryeelo'oo wataa hurdada lagaga daahaaye
geelleeniyoo wada dib jiri suuqyaduu haatan daaqaaye
daba dhoonadii buu intaa doon is leeyahay e ................................(geelii oo baadi doona ah)
adhigii dammaan kiyo lahaa daabax iyo iibka
lo'dii doonyo lagu qaadayeen dhoof u diranaynay
daddar baynu wada siisa noo waa dam xera diiye
haddaan sidan la soo doorin oon daayin laga yaabin
dalkaba waynu iib gayn markaynu caydh u dalandoolo
dawladdaaba ugu liida too iigu sii darane
hadii ay shir loo soo degdegay dayrka madax deenu
oo ay dastuur iyo wadaan xeer la daba joojo
kol haddaan mirqaan lagu darayn way is dilayaane
waxa loo dalbaa gaadhi yaal daabuloo side
kolka sida duggaagii bar-jaha raamsi dami waayo
ee ay dux diisii gashay muran ka deex daane
wixii deeq shisheeyiyo ku yimi dumar cashuur tood ba
dadwaynaha xaqooday intaa daanka dhigayaane
mar hadduu dad keeni dhibkaas dayn ba kari waayay
dalkaba waynu iib gayn markaynu caydh u dalandoolo
***************