Friday 8 August 2008

jaadka iyo dhibkiisa

Tix dan gaaban oo igu dhalatay shalay mar aanu wada hadalay nin qaad cunaaya oo ii sheegay in uu reerkiina ka tagay ana aan ka xumaaday si dhabana ii taabatay saba xumada uu reerkiisa uga tagay waana ninka aan ku halqabsaday ee aan magaciisa ku shegay gabayga wuxuu soo baxay shalay oo taariikh du ahayd 07/08/2008

in dhowayd ba gabay gii cabdoow daayay curin tiise
cidad laba gu'yaan dhaafay oo luuq ma celin e
waxaan arar caruus iyo lahaa heeso lagu ciido
ama aan cod loo bogo murtida kaga ciyaar siiyo
kaba cagcaagay oo wayaadaa way cakiranayde
waxan caawa igu beeray ee aan cag dhigi waayay
aan cadeeyo waa taa wax badan soo codsanay seene
aduun yadan cir kaa gaadhay ee caratay guudkeena
aduunyadan cadceediiyo dayaxa caga la soo saaray
aduun yadan cilmiga saynis yahan culimo loo doortay
aduun yadan hubkeedii cuslaa laysku carinaayo
inaguna caleen iyo sun baan calalinaynaaye
caqligeeni waa kaa ku gudhay jaadka cunis tiise
carruur teeni waataa camiran jeelel cadibaade
caar kiyo haween kii wakaa ceeb la badayaaye
dhalintii cagtaa laga gujoo diide carigiiye
caraabay ku soo wada jiraan calana loo taagye
cindigooda waxa lagu unkaday ciirso meel kale e
hadii aan caraabaha tahriin lagaba caagaynin
ama qaadkan ceebaha na baday cidina daynaynin
rabiyoow nawada caafi oo cayn kan naga doori
duqaydiyo ciroolii mataro cadayna waa maale
ciladaa waxays ka leh dhirtaa lagu caweeyaaye
sida xoolo soo wada cokomay oo raamsi celinaaya
waxay cala naqsiga fiidka hore cuna cuneeyaba
caafimaad ma seexdaane way soo indha cadyiine
camalna lamaba doontee dadkaba caajis baa dilay e
haday laba cantuugiyo helaan qado la soo cuurto
iyadoon cunaha dhaafin bay qaad u cararaane
casar kii hadaad suuqa dhexe caga ku soo dhaafto
cid la ciirsilaad moodaysaa aan cidba lahayne
rabiyoow nawada caafi oo cayn kan naga doori
hadii aan cid naga joojisoo geedkan celinaysa
ama dawlad caaqiibo loo diidda cunidiisa
ama culimo diintii wadoo sheegta ciladiisa
dhakhaatiir cadaysoo barjaha sheegta cudur kiisa
dhalin yaro is ciirciirsatoo daysa cunidiisa
odayaal ka caagoo talada soo celcelinaaya
carigeenu inuu baaba'aan cidina diidayne e
rabiyoow nawada caafi oo cayn kan naga doori
cadrad iyo intaa gabadh cudoon cidiba eegaynin
ee guurki laga caagay ee furis la caadaystay
ee ay ciyaalkii lumeen een cidina xaalaynin
iyo dhaqan kii ceebaha ku dhacay waan cabsanayaaye
inta curad mirqaankiyo la baray jaad ka cunis tiisa
ama cayn wareegtee kharaaf lgu ciyaarsiiyay
ama sodoh taqsiin cuuratoo camamka soo buurtay
rabiyoow na wada caafi oo cayn kan naga doori