Friday, 27 November 2009

Riyo Waa maanso Cusub

Asalaamu Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Maanso la Magac Baxday"RIYO" waxaanay daba socotaa Maansadii Raadraad ee uu soo diray Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Maarey GABYAAYE oo ahayd runtii maanso dheer quruxna badan oo xigmad badan huwan.

waxaan anna dareenkayga ku daray meelaha aan is idhi way ka maqnaayeen iyo wax aan badnayn oo aanku daray
waana tan ee iga guddooma.

Riyo waxay soo baxday 30/10/2009 Faysal Awcabdi Cambalaash.........

Raalliyo haweenbaa leh
Geesinimo Rijaalbaa leh
Raaciyad addoon baa leh
Rogmashana tog buuxaa leh
Raadaal mishiin baa leh
Ruugcaddaadi oday baa leh.

Anna gabayga ruuddiisa
Waan soo riddayn jiray e
In dhowayd rikoodhkeeda
Ma rakibin odhaahdeeda
Mana rabin Asraarkeedu
Riddo iyo abbaarteeda
Waxse kiciyay raantaydu
Waa reenka dooddaada
Adigoo runtii sheegay
Hambo reebid li’i daadu
Qalbigay rigrigaysaaye
Halka aan la rabo weedha
Rukummada udbaa heedhe
Bishilkaan ku ridi doono
Lama riixdo weeyaane
Bal aan raaco siiqdeeda
Anigoon rigrigin luuqda.

Raadraac markaan baadhay
Riyada iyo soo jeedka
Ruclahayo orod keeda
Iyo waliba roobdoonta
Duco teeda lagu reeyo
Rabbi baan ka barinaaye
Roobkii u da’ay beeshu
Markuu roganaddii buuxshay
Kuma raysan duulkiiye
Raxmaadkiyo darleefkoodu
Laba aan is ridin weeye
Raha doobta ridayaana
Riyo’ weeye heestiisu.

Afartaa haddaan reebo
Kordhow giina raacsiiyo
Midna soo rogaal celiyo
Bal rekoodhka aan eego
Taariikh wixii raadle.

Rag hadduu is garab yaaco
Tartan laysku radinaayo
Mid uun bay u raysaaye
Ninka reeba yidhi wiilka
Ee odayga riixaaya
Isna soo ruclaynaaya
Marka raarta guudkeeda
Halka rucubtu laalaaddo
Ra’yi laysku miisaamo
Mid rijaali nimadiisu
Raga nimo waxay gooyso
Nasiibkuna u roonaado
Haddii sacabna loo raacsho
Rajo iyo dabeed weedhsan
Loogu sii riyaaqaayo
Farxad weeye raynrayntu.

Hadaad tahay mid laga reeyay
Madfac inaad riddaa maaha
Hadalkuna ribbado maaha
Rabshad iyo wareer maaha
In la riiqmo dee maaha
Tolka hawd u raro maaha
Ruux iyo qudh goo maaha.

Rogrog talada uun weeye
Raalina ku noqo weeye
Dadka dhinac karaac weeye
Ha rumaysan been weeye
Rarka kaan ka rogi doonin
Marka hawshu raxanraaddo
Waxba yuu ku rarin maanta
Raq ninkii leh baa aasta
haku quusto reeroodku.

Hadday talo rigrigan taalo
Runna aan la sheegaynin
Ranka iyo duqaydeeddu
Iyagaa la hadhay reerka.
Rubuc baa badh loo dhiibay
Raashin baa dar loo miisay
Qaar baa rubaab qaatay
Laga riix wadani meesha
Dhuuntaa ka roontay.

Ruux ilaahay qirayaana
Inuu soonka raacsiiyo
Rukuuc iyo sujuud keeno
Xumahana dhammaan reebo
Raadraaco samo oo dhan
Ninkaa taa ka roorraaya
Ee Ribo u goohaaya
Rug barwaaqo waligiiba
In uu reer ku furi doono
Riyo’ yaanay kuu gaynin.

Afartaa haddaan reebo
Kordhow giina raacsiiyo
Midna soo rogaal celiyo
Bal rekoodhka aan eego
Taariikh wixii raadle.

Rug ninkii lahaa baylah
Dayacaad u dhigay raarta
Rogmatoon waxbaba oollin
Sabool nimona loo riiqmay
Oo caydh la rahanbaabta
Ninka sahan u raacdeeyay
Rako iyo dushaa heedhe
Inuu raarta gaadhsiiyo
Ruqadana ka soo kiciyo
Ra’yigaasi waa heedhe
Riyo iyo nifaaq uune
Runta yaal seegseegin.

Kolanyada is daba rakuubaysan
Rati waliba meeshiisa
Socod kuma rakaadeene
Ka horuu is wada raacshay
Ribbashaduna taas weeye
Awrkuna rarkaa saran
Kuma raran gubyoodeene
Xadhig baa ruxmoo gooyay.

Sanguhuna ruclaha gaaban
Hadduu gorayo rooraysa
Soo reebi kari waayay
Gaajada ku soo raagtay
Iyo baahi raxanraadday
Haddaan cidi ka reebaynin
Riiraash inuu duulo
Riyo yaanay kuu gaynin.

Hadda raage dunidoo dhan
Ra’yi waa la dhiibtaaye
Rabshad maaha saad mooddo
Waxse laguma reeyaan ah
Ragga talada miisaama
Ee rayfalkiyo baaska
Hubka uun ku rida beesha
Iyagaa wax riiqaaya
Shicibkana rasaaseeya
Oo ruuxda goynaaya.

Riyuu shalawga haadaanta
Indhahay ka ridayaane
Hadda rucubta laalaadda
Reexaanta soo jiidday
Hunguraa ku soo riixay
Waxse lagama raystaan ah
Kuwii hore u soo riiqmay
Raadkina halkii yaallo !
Rubuc lagama faa’iidin
Kolba raxan horllaa mootan.

Raqlihiyo tahriibkooda
Halkan laysku rubad gooyay
Rogmashada jidkaa taalla
Rasmi looga wada aamus
Rayidkana kuwii haystay
Inta lagu rindiidoo dhan
Raartay ku haystaane
Dayrtii raxmaan keenay
Iyo roobab kii da’ayay
Rasmi looma liibaanin.

Aqoonsigiin wuu raagay
Haddaan cidiba soo raadin
Nin rokoocay oo seexday
Riyada iyo qarawgiisu
Waa laguma reeyaane
Ra’yigaasi waa sheeko
Nin ku raacay uu eeday

Dhul barwaaqo oo rays leh
Biyihiyo ramaas jiifa
Biciidkuba ka soo roogsay
Raadiyo dabeed waaye
Haddaad dhoof u rixinayso
Reer yurubna jidkii oote
Dhalintina rakaab weeye
Doonyaa u raran buuxa.
Inta kale caleen ruuda
Iyo Raam’sashada jaadka
Dadartaa la ruugaayo
Inta reero lagu waayay
Inta dumar raggii dayrshay
Inta oori laga rooray
Wuxu bi’iyay rabashkaasi
Rubiyadaha aad dhiibtay
Xabashigu ku reereeyo
Kolkuu lacagta kaa reebo
Bal mirqaanka raandhiiska
Waxa kaaga soo reebma
Ku dar talo mid kuu raagta.
Waxba yaanan sii reemin
Waan soo rabudhayaaye
Raxmaankeenna aan tuugno
Rasuulkiyo Jidkii khayrka
Iyo rawda dhinaceeda
Allahayoow adaa roone
Rabbiyoow adaa wayne
Adigaa og raynteede
Aadmi waa ma raagaane
Inta roon allaw noo sug
Inta raaxo lagu gaadho
Janadiyo intii raysleh
Ku nimcaysta roobkaaga.

amiin Wa bilaahi tawfiiq

Faysal Awcabdi London UK


Afsomali waa tix gabay ah

Waa Tix gabay ah oo La magac baxday AFSOOMAALI tixdani Waxay soo baxday 15/11/09 Waxaanay si gaara u taabanaysaa Qurbaha iyo dhibka ka haysta Caruurta. Waxa ay tusaale u soo qaadanaysaa dhawr wax. oo qofka afsomaliga ku hadlayaa qiyaasan karo, isla markaa Waa dhiiri galin, in caruurta afka la baro ah

Faysal Awcabdi London UK


1. Indhowayd ilhaamkii murtida maan abaabuline
2. Abqaalkeed ka hadhay maansadii igu ogaydeene
3. Marka aan iniintaw baxshee jaro odhaah deeda
4. Ama aan ayaan iyo ayaan haysto ereygayga
5. Ama aan ilaawee ka baxo suuqa lagu iibsho
6. Ayuun buu ilays ii baxaa wax i afduubaane
7. Ma adkaysan karo maalintaan ula kac maagaaye
8. Iridahaan markaa soo furaa oodda dhacameede
9. Sida ilo biya leh bay bulshadu ku intifaacdaaye
10. Bal i eega idinkoo arkaan marin itlaalkay e.

11. Ahbal lama noqdiyo kaan aqoon tuu istaahilo e
12. Eegmiyo dhugmaan kula rabaa fiiro iyo aad e
13. Cir onkoday allaykii dhexoo iida laga yaabay
14. Ufo iyo dabayl aan cidnaba oodda kala boodin
15. Ikhtiyaar nimcada kuu da’dee eebbe kugu deeqay
16. Iliil iyo jidhaan ceelashoo aayar wada buuxa
17. Aqab li’i darkoo weelashii laga aguugaayo
18. Oo oonki raagiyo harraad cidi ku eedoobin
19. Ma wax la agdhigaa jira adduun waynu aragnaaye?

20. Arday tagay iskuul oo tacliin aada loo mariyay
21. Oo aan ilaawine dhamaan soo akhriyay buugga
22. Oon edeb darroonine xaqdhawr aayar soconaaya
23. Asxaabtiisa oo idil dadkiyo ehelka dhawraaya
24. Aflax inu ku yahay waa hubaal aayatiinkana e
25. Imtixaanka inuu faa’is noqon la isma waydiine
26. Ma wax la agdhigaa jira adduun waynu aragnaaye

27. Inan qurux leh shabbad uu illaah edeb ku maansheeyay
28. Oo aragti kugu deeqda iyo ugulka muuqaalka
29. Aayar socod tallaabada markay addinka qaadayso
30. Eegmo samida daymada yare ee sheexa lagu ooday
31. Ilkaheeda siman dhabanadaa nuurka ololaaya
32. Isha iyo illaah kuguma rido cawri idilkeede
33. Ma wax la agdhigaa jira aduun waynu aragnaaye?

34. Abwaannimo nin sheegtiyo aftahan oday ah waayeela
35. Isku xidhid odhaahaha calculus kala ablayntooda
36. Maahmaaho aadiyo halkuu doodda ka unkaayo
37. Marka uu asbaabtiyo nudana unugta dhuuxaayo
38. Arimaha markuu kala furee dulucda eegaayo
39. Gar alluuban xaagada abudhan hadallo aafoobay
40. Siduu ugu il bixiyay bulshadu ugu addeecdaaye
41. Ma wax la agdhigaa jira adduun waynu aragnaaye

42. Unda dhaca ujeeddada haddaan hoos u yara eego
43. Niman yohow afbaan leenihiyo Dhaqan asluubtiiye
44. Ummad baynu nahay soo jirtoon aasmin waligeede
45. Ajinabi ayaa lagu noqdaa erey shisheeyeede
46. Ergisadu amaah weeye iyo waxaan i deeqaynne
47. Afka hooyo yaynaan ka tagin iyo odhaahdiisa.

48. Adduunyada ka aag iyo ka aag uumiyaha jooga
49. Ummad wali astaan iyo afbay leeday inanoowe
50. Asalkeedu wuxuu raacayaa ina awoowgeede
51. Uumanaa illaa aadam bay isir wadaageene
52. Abtirsiimadaan kala midnahay aynigaan nahay e

53. Duulashaa aqoontii hor kacay ee aaday samadaas
54. Nimankaa ilayskiyo dayaxa aayar ugu booday
55. May ajayn afkoodee sax bay ugu itaaleene
56. Ma ilaashanaa keenanaan ku istafiidnaaye?
57. Ingiriis almaaniya ilaa eeriyada moosko

58. Ustareeliyaankiyo hindida ama ugaandhiiska
59. Axmaarada kol ay tahay dhan bay u ololaystaane
60. Alif laba jibaar iyo kabtiye aade lagu giijay
61. Onkodaha xarfaa qaar agyaal laguna eedeeyo
62. Erey bixiyayaashiyo Naxwaha lama illaawaanka
63. Ku adeegso adigaa leh oo kuma irdheeyaane.
64. Amba qaad axkaamtiyo naxwaha udub dhexaadkooda
65. Ku adkee ilkaha daamamkoo xaraf ku iidaamo
66. Hana odhan midh aan cidi ogayn geedka laga uumay.
67. Awlaadiina bara waa dambay aayatiin noqonne
68. Aqalkiyo iskuulkaba ku dhiga ababku waa kaase.

Gurran waa Tix Gabay ah oo Cusub

Tixdan waxaa la yidhaa Gurran Waa tix kolay dareenka ay wadaagaan Tixdaas Gadood ee Cabdillaahi Xasan Ganay lana socota (Uma se aha jawaab) waa se la aragti Kolay se waxoogaa waa laga yaabaa in ay ku kala duwanadaan

Waa Gurran waxay soo baxaday 21/11/09 faysal Awcabdi Wixii gawlgawl ah eek u aragtaan waan dagdagaayay e ii dul qaata xittaa dib umaan akhriyine

Gunta hadalka goonbaar naxwiyo gocorka haasaawe
Arar godatay gabay soo af xidhan sheeko laba geesle
Is goodaadin aan jirin haddana gole ka faan taagan
Gobannimo guntii hoos mar taan gaadh is leeyahay e
Gunnimada garaaddada ku tolan gaanka sharaf teeda

Mid aan gayo midaan gaadhi karo midaan gabbood moodo
Mid i gurata mid u guuris mudan mid aan gaboobaynin
Gallad midaad ku gaadhiyo middii guulo kugu beegta
Garaad saxa caqliga aan gaf wadin garasho kuu toosta
Dugsi gola leh geed lagu hirtiyo nabadda oo gaadhan
Gadh cad oday leh iyo guurti aan talada gawdhiidhin
Oo gees ka dhaaftoo cadliga kugu giriifaysa
Gobannimona sheegtoo xarago garab ka shaal saaratay
Gacal nimay u tahay baan waqii libin ku geeraarin


Hadduu geedku laamaha sariyo faraqyo guud yeesho
Goonyaha caleentiyo hadday rucubtu gaydhayso
Hoobaanta guudkiyo Midhaa aad ka guranayso
Ood galacda eegmada hammuun kula gariirayso
Garo oo waxaa haba biyaha jiifa gagadaase
guntana jirriddu ciidday muddaa hoos u ganaysaaye
Nafaqada ayuy soo gurtaa soo gubinaysaaye
Gororkiyo biyaa maaxayay soo gundhinaysaaye
Geesaha haddaan loo fidfidin faraqa gaadhaaya
Xiddiidkuna galshada soo darayn gacammo laalaada
Inuu guudka ubax caynba cayn kaga garaareeyo
Caqligii garaad lihi midhkaa uma gunuuseene
Gaddaasaynu nahay duul allaow kalama goosmaan e

Haddaad adigu guudkiyo is tidhi geesi nimo sheego
Gob waxaad ku tahay waa bulshada la is gargaaraaye
Haddii lays gordeeyoo bahdiyo hanaqa lays gooyo
Oo kii is gaabshaba ka kale nabar la gaadaayo
Oo gaanba gaankii ku xigay garabku tuuraayo
Oon la is gargaarine intaa la is gumaadaayo
Guusha aad higsanaysaan wallee cidi ma gaadhayso

Afartaa war lays kama guree gabaydaydii dheh
Gu hillaacay guullaamo iyo gaydha arareed dheh
Gammuutiyo siddii faarax nuur ama gahayr uun dheh
Gabyaayiyo sandheeriyo rashiid muuse iyo good dheh
Ismaaciil tix uu soo guntiyo lama garaacaan dheh
Murti aniga igu gooniyoon soo godladay uun dheh.

Gugaan jiray intaan garanyeen anigu soo gaadhay
Intaan sheekadeedii guntee oday ka soo goostay
Inta aan giraydh kii iskuul qalin ku goobaabay
Iyo galabtan aan taaganahay waa gaddii waliye
Galin hore umaynaan durkine gaabis baan nahay e
Haantaba guntaa laga tolaa laga giraamaaye
Gees kalaynu wada eegaynaa layna garan waaye.

Sulux baa guddoon lagu xidhaa laguna gooyaaye
Samaa lagu gorfeeyaa hadday xaajo gadantaaye
Gadh cad iyo duqaybaa wax garad laga dhex goobaaye
Guddoonkeeda xeerbaa shuhada lagula giirtaaye
Haddii hadalku gawskiyo dhex gali giniga jeeb yaalla
Ama garashadii laga tagoo gacantu ay baanto
Ama aan cadliga guullaheen cidiba goobaynin
Waa galalaf xaalkii markaa la isla gaadhaaye
Gar munaafaq naqayaa miyay gaarran tahay dawga.

Gabbalka iyo waagiyo hadhkiyo maalin galinkeeda
Dadka oo hurdada galay habeen gibilka soo laabtay
Goor xun socodka iyo guura baas lagu galoollaado
Godobtiyo naxliga huursan ee mililku gawdhiidho
Inta gudub xallaga doonayee la is gabraynaayo
Ama la is gordaynaayo ee gaadmo tahay joogto
Gudbi mayno waayadan intaan nahay gaddaasuune
Geddan maysu dhaannaa adduun galabba waa nooce.


Afartaa war lays kama guree gabaydaydii dheh
Gu hillaacay guullaamo iyo gaydha arareed dheh
Gammuutiyo siddii faarax nuur ama gahayr uun dheh
Gabyaayiyo sandheeriyo rashiid muuse iyo good dheh
Ismaaciil tix uu soo guntiyo laga gayoonayn dheh
Murti aniga igu gooniyoon soo godladay uun dheh.


Golayaasha xeerkiyo duqay guudka sare joogta
Xisbiyada is garab yaacayee magaca goobaaya
Insiyaasad lagu gaasiroo gaadhka lagu meershay
Inta godadka jiiftee ku xidhan jeelka lagu giijay
Inta gacal tabyootee qurbaha duulba dhan u guuro
Galbeed iyo kuwa yurub dagee gaalo dariskooda
Giddigeen ma kala maarmaynee waysu gubanaaye
Haddaan gacanta lays qaban ammaan la is gargaaraynin
Gabaahiir ayay noo asalla meel ciddloo gabaxa.


Haddaan ararta soo gaabiyoo gooyo xubinteeda
Inta golaha joogtee rag iyo gaari iyo wiille
Gabyaayiyo cashuur iyo kamala muuse garabkiisa
Guntanaha abeesiyo Jamaal garasho dheer caasha
Tallaabiyo raggaad garanaysee gabayga loo daayay
Qolqol iyo ninkuu good dhalee gaadhka midig jooga
Giddigood abwaanada hadduu gaadhay ereygaygu
Inaan ducadu gaagixin rabbina gacanta loo taago
Gaf wixii ah oo laga hadhoo diinta lagu guuro
Wacyi galinta oo lagu gabyoo laguna geeraaro
In' taa samaha lagu gaadhi karo maysla garateen?

Faysal.awcabdi@gmail.
London Uk